Warbixinta uu Garowe ku siiyay saxaafadda wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha-Guud James Swan

27 Oct 2019

Warbixinta uu Garowe ku siiyay saxaafadda wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha-Guud James Swan

Madaxweyne Siciid Deni, Xubnaha Sharafta leh ee Golaha Wasiirada, Bahda Saxaafadda,

Galab wanaagsan,

Farxad ayay ii tahay in aan kusoo laabto Garowe. Waxaan maanta halkaan ku joogaa mid kamid ah booqashooyinka joogtada ah ee aan ku kala bixiyo Dowlad Goboleedyada si aan u indha-indheeyo shaqada ay wadaan kooxda Qaramada Midoobay, iyo in aan arrimaha qaran iyo kuwa deegaan aan kawada hadalno madaxda Dowlad Goboleedyada. Waxaan ku faraxsanahay in safarkan uu igu wehliyo Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah Raisedon Zenenga.

Joogitaanka Qaramada Midoobay ee Garoowe waxaa qayb ka ah Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) oo ay wehliyaan 17 hay'adood, sanduuqyo, iyo barnaamijyo ka hawlgala guud ahaan Puntland si ay u caawiyaan dadkeeda. Mashaariicda muhiimka ah waxay diiradda saaraan taageerada maamulka dowlad ee heer deegaan; bixinta lacag cadaan ah iyo lacag-shaqo-ku-bedelasho loo fidiyo dadka nugul; kor u qaadista caafimaadka taranka; iyo wax ka qabashada baahiyaha dadka barakacayaasha ah iyo bulshada ay martida u yihiin ee ku sugan Puntland, iyo barnaamijyo kale oo badan.

Kulamadii aan maanta la yeelanay Madaxweyne Deni iyo golihiisa wasiirrada waxaan uga wada hadalnay arrimo badan oo maxalli ah, oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta dimuqraadiyadda, iyo amniga. 

Waxaan ugu hambalyeynay madaxda Puntland shirkii maalgashiga ee dhowaan guusha kusoo idlaaday iyo billowga duulimaadyada Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ay billowday xilli xagaagan. Labadaas tallaabood waxay tusaalooyin wanaagsan u yihiin  soo nooleynta dhaqaale ee Puntland.  Sidoo kale, waxaan ogaannay in la diyaarinayo Qorshaha Horumarinta Puntland ee cusub waxaana ku rajo weynnahay in aan iskaashi ka samaynno dadaalkaas. 

Waan maqalnay shaqada Guddiga Ku-meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (GKDP). Waxaan fahamsannahay in xubnaha lasoo magacaabay dhowaan loo tixgelin doono in uu ansixiyo Golaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Puntland. 

Kuwani waa tusaalooyin dhab ah oo muujinaya sida ay Puntland uga go’antahay [wax ka qabashada] horumarinta dhaqaale iyo dhaqan, iyo demoqoraadiyaynta, waana wax aan bogaadinayno.

Intii aan booqashada ku guda-jirnay, waxaan carrabka ku adkeynay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo adkeynta amniga iyo nabadda dadweynaha. Waxaan Puntland ku amaanaynaa dadaalka ay waddo ee lagu wiiqayo Al-Shabaab, iyadoo [Puntland] inta badan ay ku tiirsantahay ciidamadeeda iyo ileheeda dhaqaale. Waxaan sii boorinaynaa dadaallo wax looga qabanayo khilaafaadka ka jira Sool iyo Sanaag iyadoo loo marayo wadahadal, si loo gaaro xal nabadeed. 

Markaan eegno arrimaha qaran, waxaan mar kale ku celiyay in si xoogan loogu dhiirigeliyo dhamaan dadka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan sidii is-afgarad wadar-ogol ah looga gaari lahaa arrimaha aadka muhiimka u ah. Arrimaha hortabinta leh sanadka 2020 waxaa ku jira dhameystirka dib-u-eegista dastuurka, abaabulka doorashooyinka baarlamaanka qaran, xaqiijinta cafinta deynta, iyo horumarinta guulaha amni ee laga gaaray [dagaalka] ka dhanka ah Al-Shabaab.  

Horumar laga gaaro arrimahan qaran waxay u baahanyihiin wadahadal loo dhan yahay, lana joogtayn karo, oo ay yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada iyo dhamaan heerarka dowladda – si gaar ah in wadahadal uu u dhex-maro Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada. Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah ay wada-shaqayn u billaabaan Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada iyadoo la eegayo danta dadka Soomaaliyeed waxaana uga mahad-celinaynaa Madaxweyne Deni dadaalkiisii hore ee uu ku wanaajinayay xiriirka Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, oo ay tusaale u ahayd shirkii ka dhacay Garowe bishii Maajo.  

Dadka Puntland waxaa si dhab ah ugu weyn horumarka ay gaareen 21kii sano ee lasoo dhaafay, lagasoo billaabo markii ay sameysteen dastuurkooda, ayna tahay tii ugu horreysay Dowlad Goboleedyada. Waxaan ku kalsoonahay, inta uu talada hayo Madaxweyne Siciid Deni, in Puntland ay dowr wax dhisa ka cayaari karto horumarinta hawlaha hortabinta u leh qaranka.

Waxaan Madaxweyne Siciid Deni, dowladdiisa iyo shacabka Garowe iyo kuwa Puntland uga mahad celinayaa soo dhoweynta diirran iyo marti-gelinta maamuuska leh ee ay inoo fidiyeen intii aan ku guda jirnay booqashadeena.

Waad Mahadsantihiin.