Warsaxaafadeed uu soo saaray Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna isuduwaha arrimaha bani'aadamnimada Soomaaliya ee ku aaddan Maalinta Bani'aadamnimada Adduunka

19 Aug 2021

Warsaxaafadeed uu soo saaray Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna isuduwaha arrimaha bani'aadamnimada Soomaaliya ee ku aaddan Maalinta Bani'aadamnimada Adduunka

Muqdisho - Maalintan Bani’aadamnimada Adduunka, waxaan jeclaan lahaa inaan dareenka u soo jeediyo xasaradda cimilada adduunka ee halakeyneysa meeraheena. Baaxaddeedu waxay noqotay mid aad u weyn oo aan la iska indha tiri karin. Waa inaan si wadajir ah oo degdeg ah wax uga qabannaa si aan uga hortagno burbur dheeraad ah.

Soomaaliya waxay tusaale mudan u tahay sida xaaladda deg degga ah ee cimiladu ay si dheeraad ah u saamaynayso dadka nugul, in kasta oo ay xaqiiqdu tahay inay iyagu ugu yaraan wax ku biiriyaan. Abaaraha iyo daadadka isdaba joogga ah ee dalku waxay ka dhigaan biyaha midkood mid kooban oo leh xaalado abaar oo kale ah ama xoog wax burburiya oo xaaqa dhammaan nolosha waddoyinkeeda isla markaana jabsada qararka. Saameynta isbeddelka cimilada ayaa sidoo kale si isa soo taraysa ugu sii fidaysa bulshada, siyaasadda iyo amniga.

Bishii Abriil, Dowladdu, iyada oo la tashaneysa QM, waxay ku dhawaaqday in dalka ay ka jirto abaar ka dib markii boqolkiiba 80 ummadda ay soo mareen xaalado abaareed. Qaybo kale oo ka mid ah Soomaaliya ayaa daadadku ku sii fideen, taas oo u horseeday barakac sii socda dal afartii qofba mid ka mid ah lagu qasbay in uu gurigiisa ka baxo.

Ilaa 5.9 milyan oo Soomaali ah ayaa si degdeg ah ugu baahan gargaar bani'aadamnimo. In kasta oo ay jiraan baahiyo sii kordhaya, Qorshaha Waxqabadka Bani'aadamnimada waxaa kaliya la maalgeliyay 40 boqolkiiba. Khasaaraha wax -qabad la'aantu wuxuu noqon doonaa mid ba'an. Haddii aan la helin taageero dheeri ah, guulaha nugul ee aan illaa hadda gaarnay si fudud ayey u fur furmi doonaan.

Waxaan ku jirnaa tartan ka dhan ah waqtiga, tartan ah in mudnaanta la siiyo waxna laga qabto baahiyaha dadka Soomaaliyeed ee aadka u nugul iyo in laga gudbo marxaladdan xun ee xaalufinta deegaanka, barakaca iyo luminta hab nololeedyada. Tani waxay ka dhigan tahay maalgelinta xalal gaaggaaban, dhexdhexaad ah iyo kuwo fog oo iska caabbin kara khalkhalka cimilada mustaqbalka, adeegsiga xalalka dabeecadda ku salaysan iyo ilaha tamarta kaarboonka ee hooseeya, iyo xoojinta adkeysiga iyo kartida la qabsiga ee bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey. Istiraatiijiyadda Biyaha Qaranka Soomaaliya ee dhowaan la daah furay waa tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday.

Waxaan ugu baaqayaa qof walba inuu ku soo biiro #TartankaBani’aadamka oo uu hubiyo in tabashooyinka Soomaalida ugu nugul ay ugu sarreeyaan Shirka Isbeddelka Cimilada ee Qaramada Midoobay (COP26) ee bisha Nofeembar dhexdeeda.

Maanta, waxaan sidoo kale xusuusaneynaa samafalayaashi naftooda ku waayay ama ku dhaawacmay iyagoo ku guda jira shaqadooda. Maalin kasta, saaxiibbada bani'aadamnimada ee Soomaaliya waxay kaalmo naf-badbaadin ah siiyaan kuwa aadka ugu baahan. Iyaga oo khatar gelinaya wax walba, waxay hubiyaan in taageero la bixiyo xilliyadan aan hore loo arag ee xiisadaha cimilada, cudurka safmareenka ee COVID-19 iyo caqabadaha amniga.

Sannadkan oo keliya, 146 dhacdo oo saameeyay hawlaha bani'aadamnimada ayaa laga diiwaan geliyey gudaha Soomaaliya. Mid ka mid ah shaqaalaha samafalka ayaa la dilay, shan ayaa dhaawacmay, mid waa la afduubtay saddexna waa la xiray ama si ku meel gaar ah ayaa loo maxbuusay. Beegsiga shaqaalaha samafalka waa xadgudub aad u weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini'aadamnimada waana in aan marnaba loo dulqaadan weerarada noocaas ah. Waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyada inay kaalintooda ka qaataan sidii loo xaqiijin lahaa ilaalinta dhammaan shaqaalaha bani'aadamnimada maadaama ay sii wadaan taageerada ay siiyaan bulshooyinka aad halista ugu jira.