'Waxaa jira waxyaabo badan oo ay tahay in la qabto' - Khabiir madax-bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya

26 Jul 2019

'Waxaa jira waxyaabo badan oo ay tahay in la qabto' - Khabiir madax-bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya

Muqdisho – In kasta oo "horumar ballaaran" ay ku tallaabsatay xaaladeeda siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo xuquuqul insaanka lixdii sano ee la soo dhaafay, "wax badan ayaa harsan" Soomaaliya, sidaasi waxaa sheegay khabiir Qaramada Midoobay maanta, isagoo ugu baaqay beesha caalamka iyo mas'uuliyiinta Soomaaliya dadaal dheeri ah oo dhinacyo kala duwan leh.

"Waxaan ka codsanayaa bulshada caalamka iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabtaan saameynta xun ee isbedelka cimilada ku yeeshay dadka, ayna hubiyaan in la helo xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah sida bixinta biyaha, adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada dhammaan carruurta, gaar ahaan gabdhaha,"  Khabiirka Madaxa Bannaan ee Qaramada Midoobay uqaabilsan xaaladda xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, Bahame Tom Nyanduga ayaa sidaas ka sheegay shir saxaafadeed uu ku qabtay Muqdisho.

Mr. Nyanduga wuxuu kaloo bulshada caalamka ugu yeeray inay sii wadaan ka caawinta Soomaaliya xoojinta hay’adaheeda federaaliga ah iyo dowlad goboleedyada ayna sare u qaadaan xal u helka xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah.

Khabiirka madaxa-bannaan wuxuu  hadlayey maalintii ugu dambeysay booqasho 12 maalmood ah, oo uu kula kulmau madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka, sharci-dejiyayaasha, xubno ka socda bulshada rayidka ah, ururada ganacsiga iyo mas'uuliyiinta UN iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo kuwa kale. Waxa kale oo uu booqday magaalada Hargeysa oo uu wadahadallo la yeeshay hoggaanka Somaliland.

“Waxaan goob joog u ahaa dib u hanashada dhulalkii, magaalooyinkii waaweynaa iyo degmooyinkii, hoos u dhaca ku yimid awooddii Al-Shabaab oo ay gacan ka geysteen hay'adaha amniga Soomaaliya, ciidamada AMISOM iyo ciidamada labada dhinac,” ayuu yiri.

Saamaynta isku dhaca

Khudbadiisa oo uu siiyay warbaahinta, Khabiirka Madaxa Bannaan ee UN-ka wuxuu xusay in kasta oo horumar la taaban karo laga gaadhay geedi socodka xasilinta dalka, haddana baahiyo badan ayaa loo qabaa amniga iyo xal u helka xuquuqda aadanaha, iyo sidoo kale isbedelka cimilada, si gacan looga geysto hagaajinta hab-nololeedka.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in iskahorimaadka sii socda ee Soomaaliya iyo caqabadaha kale ee dhaqan iyo dhaqaale ay caqabad ku haayeen ku helida xuquuqda aasaasiga ah ayna waajib tahay in ay wax ka qabataan mas'uuliyiinta federaalka iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah.

"Soomaaliya waxay sidoo kale wajahaysaa caqabado kale oo badan oo ay ka mid yihiin iskahorimaadka joogtada ah, sinnaan la'aanta, takoorka iyo shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo sidoo kale bixinta xuquuqaha dhaqaale bulsho iyo dhaqan," ayuu yiri.

In kasta oo ay jiraan caqabadihii la soo maray, Mr. Nyanduga wuxuu xusey in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka ay sare u qaadayaan xal u helka xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah, oo ay ku jiraan caafimaadka, biyaha, iyo waxbarashada dadka deeggaanka.

" siikorarka isqorista ee gabdhaha dhigta iskuulada," ayuu yiri, "waa horumar wanaagsan oo lagu gaaro xaqiijinta xuquuqda haweenka ee Soomaaliya."

Gudiga ayaa walaac ka muujinaya

Si kastaba ha noqotee, Khabiirka Madaxa-bannaan ee UN-ka ayaa walaac ka muujiyey dib-u-dhaca dhaqangalineed ee hawlgalkii Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha iyo horumar la’aan xagga dhaqan-gelinta Sharciga Dembiyada Galmada. Wuxuu ku boorriyay mas'uuliyiinta federaalka iyo baarlamaanka federaalka inay mudnaanta siiyaan arrinta si kor loogu qaado ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka.

Mr. Nyanduga wuxuu soo dhoweeyay samaynta Xarumaha gaarka ah ee xalinta Khilaafaad oo door muhiim ah ka ciyaara xallinta kiisaska madaniga ah ee heer bulsho.

Wuxuu sidoo kale muujiyay inuu ku qanacsan yahay dib-u-eegista dastuurka ee socota, laakiin wuxuu ku boorriyay dowladda federaalka inay la timaado hanaan gaar ah oo lagu dammaanad qaado matalaadda haweenka, dhalinyarada iyo kooxaha kale ee nugul.

"Waxaan ka codsanayaa baarlamaanka federaalka inay hubiyaan inay ku soo kordhiyaan qodobo cad iyo hannaan gaar ah oo ku saabsan sharciga doorashada si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee baarlamaanka… intii ay taas uga tegi lahayd guddiga doorashada," ayuu yidhi.

Natiijooyinka Khabiirka Madaxa-bannaan ee UN-ka ayaa lagu soo bandhigi doonaa warbixin dhammaystiran xarunta Golaha Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay magaalada Geneva, bisha Sebtember ee sannadkan.

Khubarada madax-bannaan ee sida Mr. Nyanduga waxay qayb ka yihiin waxa loogu yeero hanaanka Golaha, kuwaas oo leh khubaro noocan oo kale ah oo ugu shaqeeyaan si mutadawacnimo ah - mana ahan shaqaale UN ah mana ku helaan mushahar shaqadooda, waxaa kale oo ay ka madax-bannaanyihiin dowlad kasta ama urur iyo hay’ad walba waxaanay ku adeegaan awoodooda shaqsiyadeed.