Xaawo Cabdullahi Cali: Akhris-qoris la’aanta waa in looga adkaadaa si kasta oo ay tahay

5 Jan 2020

Xaawo Cabdullahi Cali: Akhris-qoris la’aanta waa in looga adkaadaa si kasta oo ay tahay

Waa wakhtigii nasashada oo wada sheekeysiyo toos ah ayaa laga maqli karaa barxadda Dugsiga Cabdalla Deerow ee magaalada Baydhabo.

Dugsigaan oo ku yaalla bartamaha magaalada ayaa ah mid siiyaa waxbarasho lacag la’aan ah shan maalmood usbuuciiba in kabadan kun gabdhood oo ka soo jeeda bulshooyinka nugul ee deegaanka.

Maamulaha dugsiga, Xaawo Cabdallahi Cali ayaa hore iyo gadaal ugu socota waddooyinka iskuulka dhexdiisa, waxayna la macaamilaysa macallimiinta iyo ardayda  iskuulka, - Waa jawi sharaf iyo raynrayn leh heerka dugsiga uu marayo.

Iskuulka kali ah oo qaaska u ah gabdhaha ee ku yaalla magalada Baydhabo ayaa dhibane u ahaa taarkhihii xumaa ee ay soo martay Soomaaliya ka hor intaan dib loogu soo celin xaruunta waxbarashada iyo horumarinta dhallinyarada.

Marwo xaawo, waxay ogtahay in iskuulkii loo garan jiray Bartamaha ay horey u dhistay dawladdii Soomaaliya 1960-maadkii loona dhisay in ay wax ku bartaan wiilasha iyo gabdhaha. Horraantii 1990-maadkii, markii dagaalkii sokeeye uu ka qarxay guud ahaan Soomaaliya, dhismaha waxaa qabsaday maliishiyo hubeysan oo u adeegsaday deegaan qaas ah.

Hooyo xaawo, oo ku dhalatay magaalada Baydhabo isla markaana ah macallimad xirfad leh ayaa go'aan ku gaartay inay ku soo celiso dhismaha iskuulka doorkiisa asalka ahaa ee waxbarasho. Iyadoo taageero ka heleysa asxaabteeda, waxay billowday halgan dheer 2004-tii si ay kagala wareegto dhismaha maleeshiyadii qabsatay.

“Kadib wada-hadal dheer iyo gorgortan, maleeshiyadii waxay ka baxeen dhismihii iskuulka. Waxayna ahayd hawl aad u adag in lala xaajoodo iyaga. Ugu dambeyntiina way oggolaadeen kadib markii aan siinnay xoogaa lacag magdhow ah si ay ugu guuraan meel kale,” Marwo Xaawo aya sii raacisay. “Lacagta anaga ayaa iska aruurinay.”

Dadaalkeeda ayaa ku gadaamanaa halis nolosheeda soo food-saarta, maadaama ay la xaajoonaysay rag hubaysan oo ay caado u aheyd adeegsiga rabshadaha markay timaado xallinta khilaafyada.

Mar uun maleeshiyada inay banneeyaan goobta, ayaa ahayd qeyb oo kamid ah halganka maamulaha - Mar hadiiba arintaas ay si wanaagsan u dhacday, waxay dadaal badan gelisay dib u dhiska iyo hagaajinta iskuulka. Ugu dambeyntiina waxaa dib loo furay 2005-tii waxaana sanad ka dib loogu magac-daray iskuulka Cabdalla Deerow Isaaq, oo ahaa siyaasi Soomaaliyeed oo la diley 2006-dii. Iskuulka ayaa dib loo furay iyada oo lala kaashanayo hay'ado kala duwan oo gacan ka geystey dib-u-dhiskiisa waxaana ka mid ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee loo yaqaano UNICEF.

“UNICEF waxa ay inoo dayactirtay sideed fasal iyo musqulo,” ayay tiri Marwo Xaawo. “Hadda waxaan leenahay 15 fasal.”

“Iskuulku wuxuu hadda siiyaa waxbarsho Dugsi Hoose iyo Dugsi Sare oo bilaash ah ilaa 1,217 gabdhood. Qaar badan oo ka mid ah waa dadka dalka gudahiisa ku barakacay, iyo bulshooyinka magaalada degan ee saboolka ah, ama caruurta agoonta ah ee aan awoodin inay iska bixiyaan khidmadaha iskuulka,” ayay tiri Marwo xaawo. “Kaliya 127 ka mid ah ayaa ku jira Dugsiga Sare, inta soo hartayna waxay ku jiraan Dugsiga Hoose.”

La-dagaallanka akhris-qoris la'aanta

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Golaha Qaxootiga Noorwey, iyo hay'adda samafalka aan dawliga ahayn ee “Save the Children” ayaa hadda bixiya mushaarka 60 boqolkiiba macallimiinta, halka kuwa harayna ay ku shaqeeyaan si tabaruc ah. 

“Ka hooyo wax bartay ahaan, damiirkeygu ma aqbalikaro in aan arko gabdho badan oo da'yar ah oo aan aadin goobaha waxbarashada. Waalidiin badan wax ma bari karaan gabdhahooda sababta oo ah waa dad sabool ah, oo ma awoodaan  inay iska bixiyaan lacagta dugsiga iyo buugaagta. Waxaan xanbaarsaday mas'uuliyadda waxbarida gabdhaha noocaas ah.” Marwo Xaawo ayaa tiri “Akhris-qoris la’aanta waa in looga adkaadaa si kasta oo ay tahay.” 

Dadaalka Marwo xaawo iyo asxaabteeda ayaa mira dhalay oo hadda 28 macallin ayaa iskuulka ka shaqeeysa.

“Waxaa jira 62 gabdhood oo horey uga qalin jabiyay iskuulka. Intooda badan waxay kujiraan jaamacado kuwa kalena waa ay guursadeen. Waxaan ku Kalsoonahay in iskuulku bedelay noloshooda,” ayay tiri Marwo xaawo.

Maamulaha ayaa intaa ku dartay in Dugsiga Cabdalla Deerow uu u yahay shaqo nafteeda ku qanacsantahay isla markaana ay tahay mid anfacaysa ardaydeeda iyo  sidoo kale bulshada ay la nool yihiinba.

“Waxbarashadu waa aaladda ugu wanaagsan ee dib loogu dhisi karo Soomaaliya laguna xoojinkaro horumarka,” ayay tiri Marwo xaawo.

Markaad go’aansatid in aad u kuurgashid habdhaqanka qaar ka mid ah ardayda dugsiga, waxaad ogaanaysaa sidaan. xili uu ku guda jirey booqashadii ugu dambeysay Gudoomiyaha Gobolka Baay, Cali Wardheere Dooyow, wuxuu weydiiyay arday 15 sano jir ah waxa ay damacsan tahay in ay sameyso markii ay dhameyso iskuulkeeda. Jawaabteedii: "Adiga ayaan ku beddelayaa markaan dhammeeysto waxbarashadayda."

Sida laga soo xigtay UNICEF, maalgelinta waxbarashada gabdhaha waxay wax ka beddeshaa bulshooyinka, waddammada iyo adduunka oo dhan. Gabdhaha hela waxbarasho waxay u badan tahay inaysan guursanin ayagoo da’adoodu yartahay, waxayna u badantahay in ay ku noolaadaan nolol caafimaad qabta, oo wax soo saar leh. Waxay kasbadaan dakhli sare, waxay kaqeyb galaan go'aamada saameeya noloshooda, waxayna u dhisaan mustaqbal wanaagsan naftooda iyo qoysaskooda. Waxbarashada gabdhaha waxay kaloo xoojisaa dhaqaalaha waxayna yareysaa sinaan la’aanta. Waxey sidookale gacan ka geysataa  degenaanshaha bulsho, taasoo siinaysa adkeysi  dhammaan shaqsiyaadka si ay u xaqiijiyaan fursadaha  awoodooda.