XASAN MOWLIID YAASIIN: SARE U QAADIDDA WACYIGELINTA KU AADDAN BAAHIDA LOO QABO ILAALINTA BII’ADA SOOMALAYA

6 Nov 2021

XASAN MOWLIID YAASIIN: SARE U QAADIDDA WACYIGELINTA KU AADDAN BAAHIDA LOO QABO ILAALINTA BII’ADA SOOMALAYA

Muqdisho Tobaneeyo sano oo dagaal iyo qalalaase sokeeye ah ayaa waxyeelleeyay bii’ada Soomaaliya, iyadoo muddo dheer si adag diiradda loo saarayey baahiyaha bani'aadamnimo ee dalka.

Diiradaas ayaa yara baahday sannadihii la soo dhaafay, iyada oo uu kordhayo aqoonsiga muhiimadda uu badqabka deegaanku u leeyahay horumarkeeda muddada fog.

Waxa tan ku xiran wacyiga kobcaya ee saamaynta isbedelka cimilada, gaar ahaan ku xirnaashahiisa xaalufinta dhulka, kaas oo isna markiisa, si dhow ugu xiran nabaad-guurka, abaarta iyo dhaqashada xoolaha iyo beeraha oo aan waari. Sugnaan la’aanta cuntada iyo nolol-maalmeedka, qashinka khatarta badan ee dhalan kara, maarayn la’aanta badda iyo xeebaha, iyo yaraynta iyo maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah ayaa ah walaacyo kale oo deegaanka ah oo aad looga hadlo in badan.

Sidoo kale waxa ay tani ku xiran tahay ayaa ah dhaqdhaqaaqa sii kordhaya ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan deegaanka.

"Dhibaatooyinka deegaanka sida xaalufinta oo saameeya boqolkiiba 80 dhulka Soomaaliyeed, qashinka iyo kiimikooyinka sunta ah ee lagu duugo xeebaha Soomaaliya, iyo sidoo kale kalluumeysiga iyo ugaarsiga sharci darrada ah, haddii aan wax yar ka xusno, ayaa ku badan Soomaaliya," ayuu yiri Xasan Mowliid Yaasiin.

Mudane Xasan, waa 29 jir wax ka aas-aasayaasha ahna agaasime ku xigeenka fulinta hay’ad aan dowli ahayn, oo magaceeda loo soo gaabiyo (SOGPA) taasoo dooneysa in bulshada ku baraarujiso muhiimadda uu leeyahay daryeelka bii’ada dalka.

“Ururku waxa uu naawilayaa deegaan qaran oo ka xor ka ah halista isbedelka cimilada, lehna horumar waara, sinnaan iyo cadaalad loo dhan yahay. hiigsigeynu waa inaan horumarino oo aan dhiirrigelinno fursadaha horumarineed ee kaga aaddan Soomaaliya wada-hadallada caalamiga ah ee isbeddelka cimilada,” ayuu yiri Mudane Xasan.

SOGPA oo 2019 lagu aas-aasay magaalada Muqdisho ayaa leh in ka badan 40 xubnood oo ku sugan daafaha Soomaaliya, sida gobolka Banaadir, iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ee Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland.

SOGPA waxay sidoo kale u shaqeysaa sidii dallad kooxeed loogu talagalay ururada heerka-bulsho ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka. Kuwaani waa Hay’adda Macaa’ib Aid and Development Organisation (MADO) ee ka dhisan magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed; Ururka Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed (SOCDO) ee Caabudwaaq, Galmudug; Badbaadada Deegaanka eek a dhisan Garoowe, Puntland; iyo Hay’adda Female Farah Foundation oo ka dhisan Galdogob, Puntland.

"Soomaaliya waxa ay soo wajaheysay saameynta isbeddelka cimilada, sida fatahaado, abaaro, sugnaan la’aan cunto iyo biyo yari, in ka badan muddo toban sano ah - waxa aan hadda arkeyno waa suurtagalnimada colaad ku timid ku tartamidd kheyraadka yar isbedelka cimilada awgiis” ayuu xusay Mudane Xasan.

Waayo aragnimo Shaqsi

Dhabbaha uu Mudane Xasan ku noqday dhaqdhaqaaqe deegaan waxa uu ahaa tusaale wanaagsan- inta badan noloshiisa, kama fikirin inuu raadsado waxbarasho ama xirfad shaqo deegaanka ah.

Waxa uu sannadkii 1992 – kii, ku dhashay magaalada Muqdisho, wuxuuna waxbarashadiisa hoose iyo sare ku qaatay dugsiga caalamiga ah ee Yameis ee magaalada Gaalkacyo. Waxa uu ku soo laabtay caasimadda dalka sannadkii 2013-kii markaas oo uu jaamacadda Jobkey ka bilaabay waxbarashada caafimaadka dadweynaha. Qalinjabinta ka dib, waxa uu bayoolaji ka dhigay iskuulada maxalliga ah.

Mudane Xasan, waxa ay ahayd waaya-aragnimadiisa gaarka ah taasoo u horseeday shaqada deegaanka.

“2005-tii, oo aan ku noolaa degmooyinka Xamarweyne iyo Xamar Jajab ee Muqdisho waxaa ka dhacay daadad. Suuqa ma geli karin, sababtoo ah aagga oo dhan waxaa qariyay biyo, balse waxa kaliya aan tan ku aqbalay in ay qayb ka ahayd sida ay wax u jireen” ayuu dib u gocday.

"Si kastaba ha ahaatee, waxaan aad ugu baraarugay 2016-kii markii daadad xooggan ay ka dhaceen Xamarweyne kuwaasoo wax-yeelleeyay hantidii dugsigii gaarka ahaa ee aan wax ka dhigayay - waxay burburiyeen buugaag iyo agabkii waxbarashada, fasalladana waxaa ka buuxay biyo," ayuu yiri Mudane Xasan. . "Kadib, markii aan 2019-kii u wareegay xaafadda Danwadaagta ee Wadajir, daadad xooggan oo ku dhuftay [deegaanka go’aanka ah] Ceel-Qalow ayaa iga horjoogsaday inaan shaqo tago muddo ka badan laba maalmood, sababtoo ah waddada ayaa ahayd mid aan la mari karin."

Waayo aragnimadaan tooska ah waxa ay kicisay xiisihiisa waxa ayna u horseedday  inuu sameeyo cilmi baaris ku saabsan arrinta isagoo u maraya koorsooyin khadka internetka ah iyo akhris badan.

"Ma jirin xog badan oo maxalli ah oo ku saabsan isbeddelka cimilada iyo dhibaatooyinka deegaanka ee Soomaaliya, sidaas darted, waxa ay ahayd inaan raadiyo meel kale waxaana ka mid ahaa tababarro ay ka mid yihiin Iskaashiga Waxbarasho Isbeddelka Cimilada ee QM (UN CC:Learn)'. Waxa aan si fiicanu dhuuxay tan, natiijaduna waxa ay noqotay in ay UN CC: Learn ii aqoonsato macalinka isbeddelka cimilada adduunka," ayuu yiri.

UN CC:Learn waa hindise wadajir ah oo ay iska kaashanayaan 36 hay'adood oo kala duwan oo ka wada shaqeynaya si loo caawiyo in ay dalalku dhisaan aqoonta iyo xirfadaha ay u baahan yihiin si ay wax uga qabtaan isbeddelka cimilada, oo ay ku jiraan cilmiga cimilada iyo xirfadaha kale ee muhiimka ah si loola tacaalo caqabaddan. Hindisuhu wuxuu bixiyaa hagitaan iyo ilo waxbarasho oo tayo leh si loo caawiyo dadka, dawladaha iyo ganacsiyada si ay u fahmaan, u meelmariyaan, oo ay u dhisaan adkeysiga isbedelka cimilada.

Isagoo ku duulaya aqoonta uu ka helay koorsooyinka UN CC:Learn iyo meelo kale, ayuu Mudane Xasan wuxuu hadda si buuxda uga shaqeeyaa SOGPA, isaga oo kormeeraya hawlaheeda wacyigelinta iyo sare u qaadidda wacyigelinta, iyo inuu u ban baxo shakhsi ahaan si uu uga hadlo deegaanka.

“Waxaan macalin bayooloji ah ka ahaa dugsiga hoose iyo sare ee Cimraan Bin Xuseen ee magaalada Muqdisho, ka sokow waxbaristeyda, waxaa la ii ogolaaday in aan sidoo kale bixiyo macluumaad ku saabsan arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya,” ayuu yiri. isagoo intaa ku daray in marka uu booqdo iskuulada si uu uga hadlo deegaanka, uu mararka qaar aanu ku koobnaan jirin aragtiyada ee uu waxqabadyo la taaban karo sameyn jiray sida hoggaaminta howlo geed-beeris ah.

Sanadki hore, 2020, si loogu dabaaldego 100,000aad (Boqol kumaad) - ee shahaadada koorso dhameysiga, UN CC:Learn waxay ka codstaay ardaydii ka qalinjabisay inay la wadaagaan sheekooyinkooda tallaabooyinka cimilada, iyagoo dhiirigeliyay mid ka mid ah koorsooyinkeenna. Waxaa soo gaaray boqollaal sheeko oo ka kala yimid 87 waddan waxayna soo xushay tobankii ugu fiicnaa si ay u dhiirigeliso kuwa kale, waxayna mid walba guddoonsiisay abaal-marin caddaynaysa inay yihiin guuleystayaasha 2020 UN CC:Learn Champion – Mudane Xasan ayaa ka mid ahaa kuwa la abaal-mariyay.

Ilaa hadda, in ka badan 1,000 dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa helay waxbarasho iyo tababaro ku saabsan deegaanka kuwaas oo ay fududeysay SOGPA.

Kuwo kale

Mudane Xasan iyo saaxiibadiisa SOGPA kaligood kuma eka dadaalkiisa uu ugu jiro in uu dhalinyarada Soomaaliyeed wax ka baro baahiyaha deegaanka ee dalkooda. Waxaa uu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin dhowr ah oo ku wajahan siyaasado iyo xeerar ku saabsan ilaalinta deegaanka iyo isbedelka cimilada.

Kuwani waxaa ka mid ah meelmarinta 2013 ee Barnaamijka La qabsiga Qaran  ee Wax-ka-shada Isbeddelka Cimilada, Hindise Sharciyeedka Siyaasadda/Maareynta Deegaanka Qaran ee 2019 iyo Siyaasadda Isbeddelka Cimilada Qaranka ee 2020, si wax looga qabto khataraha la xiriira isbeddelka cimilada ee Soomaaliya. 

"Dowladdu waxay sameysay sharci deegaanka ah iyo siyaasadda isbeddelka cimilada taasoo, haddii si hagaagsan loo hirgeliyo, wax ka tari karta isbeddelka cimilada iyo arrimaha deegaanka ee Soomaaliya," ayuu yiri Mudane Xasan.

Intaasi waxaa dheer, Waaxda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (OPM) ayaa aad ugu firfircoon horseedka ilaalinta, dhowrista iyo soo celinta deegaanka Soomaaliya. Waxay hogaamisaa dhammaan dhinacyada isbeddelka cimilada iyo barnaamijyeynta deegaanka waxayna leedahay waajibaadka isku-dubbaridka dhammaan wasaaradaha ku shaqada leh, fulinta Tabarucaadda Qaran ee la go'aamiyay iyo gaaridda qorshaha la qabsiga Qaranka.

Haatan,iyaga oo ay wehliyaan tobaneye kun oo ah wakiillo ka kala scoda  dowlado, ganacsiyo, iyo bulshada rayidka ah ee dhammaan daafaha dunida, ayey saaraakiil DECC ah ayaa, iyaga oo metelaya Soomaaliya u jooga Glasgow, Scotland, si ay uga qeyb-galaan kulanka labaatan iyo lixaad ee Shirweynaha Paris ( COP 26) halkaas oo ay doodi uga socoyo sidii loo laba jibbaari lahaa tallaabooyinka lagu gaarayo yoolasha Heshiiska Paris iyo Cahdiga Xadeynta QM ee Isbeddelka Cimilada.

Dhaqdhaqaaqaha da'da yar wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa beesha caalamka inay gacan ka geystaan, gaar ahaan taageerada ururada maxaliga ah ee isku dayaya inay isbedel ku sameeyaan gudaha wadanka Geeska Afrika.

"Ururradani waxay u baahan yihiin in laga taageero dhinacyada horumarinta awoodda hay'adeed, in laga caawiyo kharashka hawlgalka, iyo maalgelinta barnaamijyada waxbarashada deegaanka iyo isbeddelka cimilada iyo sidoo kale qorshayaasha deegaanka taasoo gacan ka geysata u abuurista fursado shaqo dhalinyarada Soomaaliyeed," ayuu yiri Mudane Xasan.

Marka loo eego daraasaadka ay samaysay Hay’adda Bi’ada u qaabilsan QM (UNEP), In ka badan 60-kii sano ee la soo dhaafay, ugu yaraan 40 boqolkiiba dhammaan xasaradaha maxalliga ah ayaa lala xiriiriyay ka faa'iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah. , haddii ay noqoto kheyraadka qaaliga ah sida alwaax iyo macdannada, ama kheyraad yari sida dhulka barwaaqada ah iyo biyaha.

Iyadoo tan la aqoonsanayo, sannadkii 2001, Shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay wuxuu ku dhawaaqay 6 November ee sannad kasta inay tahay maalinta caalamiga ah ee ka-hortagga ka-faa'iidaysiga deegaanka ee dagaallada iyo colaadaha hubaysan.

Qaramada Midoobay ayaa muhiimad gaar ah siinaysa in la hubiyo in waxqabadka deegaanka uu qayb ka yahay xeeladaha nabadeynta ee ku saleysan in aysan jiri karin nabad waarta haddii la burburiyo kheyraadka dabiiciga ah kaasoo joogteynaya hab-nololeedyada iyo deegaanka. Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxay leedahay maareynta khatarta cimilada oo ah udub-dhexaad ka mid ah waajibaadkeeda. 

“Taageeridda dowladda iyo xoojinta nidaamka waa asaasi. Sidoo kale, la-shaqeynta iyadoo la taageerayo dhalinyarada iyo la qabsi ay bulshadu horseed ka tahay ayaa fure u ah caawinta in la joojiyo saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya. ayuu yiri, La-taliyaha Amniga Cimilada iyo Deegaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Christophe Hodder, oo sidoo kale ah la taliyihi u horreeyey ee ceynkaa ah ee abid lagu magacaabo howlgal ka nabadda ee QM.

Dhisidda u adkeysiga bulshada ee jahawareerka cimilada, iyadoo la taageerayo hababka gaarsiinta dowladda iyo ku dhafidda hab-deegaanka ee hababka amniga ayaa ku rajo weynahay inay horseedi doonto nabadeyn waarta” ayuu raaciyey.