Xilli ay Somalia filanayso sanad taariikhi ah, wefdi ka kala socdey AU, EU, IGAD iyo UN ayaa wada tashiyo la yeeshay saamileeyda Kismaayo

17 Dec 2019

Xilli ay Somalia filanayso sanad taariikhi ah, wefdi ka kala socdey AU, EU, IGAD iyo UN ayaa wada tashiyo la yeeshay saamileeyda Kismaayo

Kismayo – Booqashadii 3 - aad ee kulamo wada tashi ah oo lala yeelanayo maamullada Federaalka ah ee Somalia, ayay wefdi metelaya dalalka jaalka la ah Somalia, waxay manta booqdeen caasimadda KMG ah ee Jubbaland ee Kismaayo, taasoo lagu soo qaaday sida loo fulin karo howlaha qaran ee la qorsheeyay sanadka soo socda.

“Waxaannu halkan u joognaa in aannu la hadalno saamileey kala duwan, si aannu u maqalno araaadooda ku saabsan sida loo fulin karo howlaha qaran ee 2020. Taas waxaa ka mid ah diyaarinta doorashooyin ‘hal qof iyo hal cod ah’, dhamaystirka Dastuurka Federaalka, sii wadista dayn cafinta ama khafiifinta, iyo la dagaallanka Al-Shabaab,”ayuu yiri Ergayga QM ee Somalia, James Swan, oo ku hadlay magaca wefdiga.

“Kahor sanadkan muhimka ah,” ayuu yiri Mr. Swan, “wakiillada qaar ka mid ah jaalalka kala geddisan ee Somalia ayaa la kulmaya maamullada qaranka, gobollada Federaalka, odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee dalkoo dhan. Waxaan ka xunnahay in manta aynaan la kulmi Karin qaar ka mid ah odayaasha iyo bulshada rayidka ee kulanan ku casuunnaa.”

Wefdiga ayaa ka koobnaa Danjiraha  Midowga Yurub (EU) ee Somalia, Nicolas Berlanga; Ku qaybsanaha taageerada Howlgalka Midowga Afrika (AU) ee Somalia, Sarreeye Guud Fidza Dludlu; iyo La Taliye Sare ee Urur Goboleedka IGAD, Jamal Ahmed Ibrahim.

Afartan sarkaal ayaa la kulmay Madaxwaynaha Jubaland ee Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe,’ odayaasha, bulshada rayidka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, iyagoo qiray in xaaladda siyaasadeed ee Jubaland ay tahay mid aan weli meel saarrayn.

“Yeelkeede, Jubaland iyo dadkeedu waxay door ku leeyihiin sidii ay Somalia u gaari lahayd ahdaafta 2020. Ma doonayno in afkaarohooda laga ilduufo,” ayuu yiri Mr. Swan.

Ergayga QM ayaa iftiimiyay in yoolalka Somalia looga jiba keeni karo oo qura iskaashi xooggan oo ay yeeshaan saamileeyda siyaasadda iyo 2020 uu noqon sanad taariikhi u noqda Somalia.

“Waxaannu ku dhiirri gelinaynaa dhamaanba hoggaamiyeyaasha Soomaalida, hay’aadka iyo bulshadu ay ka wada xaajoodaan sidii horay loogu socon lahaa, isla markaana ay iska kaashadaan sidii loo fulin lahaa waxyaabihii la isku raacay in la qabto sanadka soo aaddan,” ayuu warkiisa kusoo afjaray Mr. Swan.