Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Miinada, ayaa Qaramada Midoobay waxay dib u xaqiijinaysaa inay Soomaaliya ka taageerto in nolosha dadka laga ilaaliyo walxaha qarxa

4 Apr 2024

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Miinada, ayaa Qaramada Midoobay waxay dib u xaqiijinaysaa inay Soomaaliya ka taageerto in nolosha dadka laga ilaaliyo walxaha qarxa

Muqdisho – Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Miinada iyo Kaalmaynta Wax ka qabadka Miinada, Qaramada Midoobay waxay dib u xaqiijinaysaa taageerada ay Soomaaliya ka siinayso ilaalinta nolosha dadka rayidka ah khataraha qarxyada iyo dhismaha nabadda iyada oo loo marayo horumarinta awoodda qaran ee looga hortagayo khatarta qaraxyada.

"Dadaallada wax ka qabashada miinadu waxay qayb muhiim ah ka yihiin safarka Soomaaliya ee nabadda iyo xasilloonida oo ay weheliso dadaallada hay’adaha amniga si loo horumariyo awoodaha wax-ka-qabashada qaraxyada," ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Catriona Laing. "Khatarta ku wajahan dadka Soomaaliyeed waxay wiiqaysaa xasilloonida iyo xaqa ay u leeyihiin nolol cabsi la'aan ah," ayay sii raacisay.

"Maalintan gaarka ah, Qaramada Midoobay waxay xuseysaa kuwii naftooda ku waayay walxaha qarxa ee Soomaaliya sannadkii 2023-ka, waxayna sharfaysaa geesinimada iyo go'aanka adag ee shaqaalaha wax ka qabashada miinada." Sannadkii hore oo keliya, 135 shil oo la xiriira walxaha qarxa, oo ay ku jiraan shilal Walxaha Qarxa oo Macmalka ah, ayaa sababay in 676 dhibbanayaal rayid ah ay ku waxyeelloobaan. 

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si dhow ula shaqeysaa khubarada qaran iyo kuwa caalamiga ah ee ku taqasusay wax ka qabashada miinooyinka, ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed labadaba, si ay uga jawaabaan khataraha qarxa ee ay la kulmaan bulshada. Waxaan sidoo kale sii wadeynaa inaan ka shaqeyno sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda Soomaalida si ay u hogaamiso iskuna dubariddo gurmadka wax ka qabashada miinada.

Mawduuca Maalinta Caalamiga ah ee sanadkan waa ‘Ilaalinta nolosha. Dhisidda nabadda.’ Waxay ina xusuusinaysaa in tallaabada wax ka qabashada miinadu ay tahay tallaabada ugu horreysa ee lagu abuurayo marin ammaan ah, suurtageliya dib-u-dhis, oo xaqiijiya in nolol-maalmeedku caadi noqoto.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ka go'an inay maamullada Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda kala shaqeyso wax ka qabashada miinada, taasoo taageero naf-badbaadin ah oo nolol joogtayn ah siinaysa bulshooyinka.