​​​​​​​Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Puntland u hambalyeeyay

8 Jan 2014

​​​​​​​Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Puntland u hambalyeeyay

Garoowe – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Puntland ee la doortay, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo ay maanta doorteen xubnaha Baarlamaanka Puntland.

“Waxaan Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Barlamaanka ku ammaanayaa dadaalka ay bixiyeen kaasoo keenay codaynta maanta sida habsamida ah u dhacday. Waxaan isimada iyo odey-dhaqameedyada mahad ugu soo jeedinayaa kaalinta muhimka ah ee ay cayaareen. Waxaana u hambalyeynayaa dhammaan dadka reer Puntland,” ayuu yiri Md. Kay.

Ergeyga Gaarka ah (SRSG) Kay wuxuu ammaanay una riyaaqay sida habsamida ah oo nabadda ah ee awoodda loola kala wareegay iyo kaalinta wax ku oolka ah ee Madaxweynaha xilka ka degaya Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Wuxuu sheegay in inkastoo la soo maray caqabado farabadan, haddana geeddi-socodka Puntland uu gaaray ujeeddadiisa oo ah in la soo xulo hogaanka cusub ee maamullka, taasoo lagu gaaray isutanaasulid iyo samir. Wuxuu ku baaqay deganaansho iyo midnimo ka dhalata gobolka ka dib markii laga soo baxay geeddi-socoka doorashada.

Md. Kay wuxuu sheegay in inta badan dadka ay arrintu khuseyso ay mar kale u xaqiijiyeen inay ka go’antahay inay dib u billaabi doonaan geeddi-socodka dimuqraadiyaynta ee la joojiyay bishii July 2013, wuxuuna ku baaqay in haweenku ay ka qaybgal intan ka ballaaran ay ku yeeshaan geeddi-socodka siyaasadda.

“Puntland waxay horseed u tahay horumarinta Soomaaliya oo federaal ah. Qaramada Midoobay waxay taageeraysaa dadka reer Puntland iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed iyagoo qaadaya tallaabooyinkii ay ku gaari lahaayeen nabad, dibuheshiisiin, dimuqraadiyad iyo barwaaqo,” ayuu yiri.