Ergeyga QM ee Soomaaliya oo cambaareeyay weerar loo adeegsaday qarax gaari oo Muqdisho ka dhacay

13 Oct 2014

Ergeyga QM ee Soomaaliya oo cambaareeyay weerar loo adeegsaday qarax gaari oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarki loo adeegsaday qarax gaari oo xalay ka dhacay Muqdisho kaas oo keenay dhimashada iyo dhaawaca dad fara badan. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu xaqiijiyay in ugu yaraan toban iyo sadex qofood lagu dilay halkaas.