Ergeyga QM oo walaac ka muujiyay rabshadaha Somaliland, uguna baaqay dhinacyada in ay is xakameeyaan

15 Nov 2014

Ergeyga QM oo walaac ka muujiyay rabshadaha Somaliland, uguna baaqay dhinacyada in ay is xakameeyaan

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa walaac ka muujiyay rabshadii dhacday 15ka November xilligii laysku diyaarinayey doorashada baarlamaanka ee Soomaaliland. Waxaa jiray warbixinno sheegaya inay dhici karto in la xiray qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka iyo in rabshaddu ay ka dhasheen khasaarooyin dhowr ah.

“Soomaaliland waxay qaadeysay tallaabooyin wanaagsan oo xaga doorashooyinka dimoqoraadiga ah. Rabshaduhu waxay halis gelinayaan sal-u-dhigidda guulahaas,” ayuu yiri SRSG Nicholas Kay. “Waxaan ugu baaqayaa dhaman dhinacyada inay is xakameeyaan. Waa in si buuxdo loo ixtiraamo hanaanka dimoqoraadiyadda.”