Qaramada Midoobay ayaa salaan u diraysa dhammaan shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda Ciidul Fidriga

9 Apr 2024

Qaramada Midoobay ayaa salaan u diraysa dhammaan shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda Ciidul Fidriga

Muqdisho — Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay salaan diirran u diraysaa dhammaan dadka soomaaliyeed ee u dabbaal degaya dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Bahda Qaramada Midoobay waxa ay ‘Ciid Wanaagsan’ u rajeynayaan dadka Soomaaliyeed. Ciidul Fidriga waa xilli loo dabbaaldego qiyamka wadajirka, naxariista, iyo dib-u-heshiisiinta. Qiyamyadan ayaa qayb ka ah aasaaska adag ee ay Soomaaliya ku dhisanayso mustaqbalkeeda, waxaana la wadaaga Qaramada Midoobay. Ciid Mubaarak dhammaantiin,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.