Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa dhamaysatay waajibaadkeeda xileed

22 Apr 2024

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa dhamaysatay waajibaadkeeda xileed

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa soo gebagebeynaysa hawsheeda bisha Maajo.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto isla markaana Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan dowrka muhiimka ah ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku socda waddada nabadda iyo xasilloonida – shakhsi ahaan, Soomaaliya waxay ii tahay goobta rajada iyo saaxiibtinimada, waana sii wadi doonaa taageerada iyo u qareemidda Soomaaliya meel kasta oo aan joogo,” ayay tiri Mw. Laing, oo sidoo kale ah Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Hawshii loo xilsaaray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee halka sano ahayd waxay ku egtahay 21ka bisha Maajo.