“Anigu waxaan ahay 95-jir, Waligey ma arag abaartan oo kale” – Saraakiisha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa loo sheegay xilli ay ku jireen booqashadooda bani’aadanimo

13 Apr 2022

“Anigu waxaan ahay 95-jir, Waligey ma arag abaartan oo kale” – Saraakiisha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa loo sheegay xilli ay ku jireen booqashadooda bani’aadanimo

Doolow – “Anigu waxaan ahay 95-jir, weligayna ma arag abaar sidan oo kale ah. Xayawaanku way dhinteen, dadku hadda… waxaan si dhab ah ugu baahanahay taageero iyo dad na caawin kara. Xataa ma hayno wax aan u karsano qoysaskeena; waxba ma hayno,” ayay tiri Seynab Fiddle Ciroowe, oo ah ayeeyo degan kaam dadka soo barakacey ee ku yaal bannaanka magaalada Doolow ee ku taal Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya.

Ereyadeeda iyo dareenka ay xambaarsan yihiin ma illoobi karaan koox ruug-caddaa ah oo saraakiil sare oo Qaramada Midoobay ka tirsan oo ku dhageysanayay geed hoostiis. Waxa ay u tageen Doolow, si ay ugu kuur galaan xaaladda bini’aadannimo ee halkaas ka jirta, una soo bandhigaan xaaladda murugsan ee malaayiin Soomaali ah ay ku sugan yihiin.

"Waa qayb ka mid ah dadaalka aan ugu jirno in aan ku soo jeedino dareenka adduunka - dadkani waxay eegayaan khatarta macluusha ee wejiga ... dhaqaale la’aan ma kordhin karno gargaarka, ma caawin karno dadkan. Waxaan arkay carruur ay nafaqo-darro hayso oo neeftu ku dhibtoonaya hooyooyinkoodna ay nafaqo-darro lamid ah haysato,” ayuu yiri Isu-duwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula, ka dib markii uu xog wareystey Marwo Cirowe.

Degmada Doolow oo ka tirsan maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay abaarta ka jirta Soomaaliya. Saddex xero oo barakacayaal ayaa soo baxay keliya tan ilaa Nofeembar 2021-kii, taasoo ay sababteedu leedahay qulqulka barakacayaasha cusub ee dhowaan yimid. 

Qaramada Midoobey waxa ay kala shaqaynaysay maamulka degmada iyo hay’adaha ee bixiya gargaarka bini’aadannimo si ay u caawiyaan kuwa u baahan. Waxqabadka maxalliga ah ayaa sare loo qaaday si loo caawiyo 180,000 oo qof, ugu horrayn iyada oo loo marayo xawilaad lacag caddaan ah, oo dhan $1.6 milyan, iyo bixinta 108,000 tan oo cunto ah. 

Ifafaalo aan wanaagsaneyn

Saadaasha mustaqbalka ayaa weli ah mid murugo leh, iyadoo dad badan ay ka barakaceen oo ay gargaar u doonteen xarumaha gobolada sida Doolow. 

"Dhaqaalaha aan hayno kuma filno. Meel kasta oo aad tagto, bal eeg dadkan iga dambeeya - dhamaantood waa barakacayaal cusub - 400 oo qoys ayaa keliya labadii toddobaad ee la soo dhaafay yimid xeradan barakacayaasha ah, waxaana jira xerooyin badan oo ku hareeraysan Doolow," ayuu yiri Mr. Abdelmoula, oo sidoo kale ka shaqeeya xafiiska. Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Qaramada Midoobay.

Mudane Abdelmoula ayaa ku sugnaa magaalada Doolow oo ku taalla xuduudka Soomaaliya ay la wadaagto Itoobiya, iyadoo ay la socdeen mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF, Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo Xafiiska QM ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA).

Intii ay dagaanka ku sugnaayeen ayaa waxaa ay la kulmeen guddoomiyaha degmada iyo xubnaha guddiga abaaraha degmada Doolow. Waxay markii dambe booqdeen xarun caafimaad oo maxalli ah oo ay maamusho Trocaire, oo ah hay'ad aan dowli ahayn, iyo sidoo kale iskuul ay wax ku bartaan dhalinyarada barakacayaasha ah. Sidoo kale waxay booqdeen xerada barakacayaasha ee Kazareey oo ay ku nool yihiin kumanaan barakacayaal ah, waxayna la kulmeen madaxda bulshada iyo sidoo kale Marwo Cirowe.

Xaaladda bini'aadannimo ee ka jirta agagaarka Doolow ayaa tusaale u ah sida ay u daran tahay saameynta abaarta. Dalka waxaa soo food saartay xaalad macluul ah oo ay ugu wacan tahay roob yarida, qiimaha cuntada oo cirka isku shareeray iyo dhaqaale yaraan.

In kasta oo dhaqaalaha yar yahay, hay'adaha bani'aadannimada ee Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee la howl-gala ayaa si adag u shaqeynayay. Si wadajir ah, waxay gargaar bini'aadantinimo gaarsiiyeen ku dhawaad ​​laba milyan oo qof laga soo bilaabo Febraayo 2022. Hase ahaatee, waxaa jira walaac isa soo taraya oo sheegaya in aan la helin maalgelin deeq-bixiyeyaal dheeraad ah, in kaalmada aan la sii hayn karin lana kordhin karin si loo daboolo baahiyaha sii kordhaya.

Gurmad aad u hooseeya

Qorshaha Ka jawaabista  xaaladaha Bani'aadamnimada ee Soomaaliya (HRP) ee 2022 ayaa la bilaabay dabayaaqadii sannadkii hore. Wuxuuna dadaal ugu jiraan in la helo ku dhawaad ​​1.5 bilyan oo doolar si ay u daboosho qiyaasta kharashaadka lagu bixinayo taageerada dadka Soomaaliyeed ee u baahan – laakiin, ilaa hadda, kaliya 4.4 boqolkiiba lacagtaas ayaa la helay.

"Maalgelintu waa wax walba - waxaan leennahay khibrad, waxaan haysanaa dad, waxaan haysanaa bulsho nala shaqeyn doona, laakiin waxa loo baahan yahay waa saadka, iyo meelaha qaar shaqaale iyo hay’ado kula shaqeeya," ayay tiri Wakiilka UNICEF a.i., Angela Kearney.

"Waxaad u baahan tahay Plumpy Nut [shukulaatada lawska ka samaysan ee lagu daweeyo nafaqo-xumada ba'an], waxaad u baahan tahay kiniinnada koloriinta, waxaad u baahan tahay inaad biyaha dhaamisid, waxaad u baahan tahay dhammaan waxyaalahaas," Marwo Angela ayaa sii wadata. "Waxaan u baahanahay qalabyada madadaalada ee carruurta; waxay u baahan yihiin inay ciyaaraan; waxay u baahan yihiin caruurnimadooda inay ku raaxeystaan. Mar haddii dhaqaale la helo, UNICEF, Dowladda iyo hay’adaha kale ayaa wax badan qaban kara."

Carruurta da'doodu ka yar tahay shanta sano ayaa ka mid ah kuwa ugu nugul abaarta oo sii xumaanaysa, waxaana aad u yar helidda cunnada iyo caanaha taasoo ay ugu wacan tahay sare u kaca qiimaha badeecadaha iyo khasaaraha xoolaha. Ku dhawaad ​​1.4 milyan oo caruur ah ayaa soo wajahday nafaqo darro aad u daran sanadkan dhamaadkiisa, iyadoo ku dhawaad ​​afar meelood meel ka mid ah ama 330,000 oo caruur ah ay soo wajahday nafaqo darro aad u daran.

Saameynta Dagaalka Ukraine

Dagaalka Ukraine ayaa saameyn ku leh xaaladda Soomaaliya. Markii hore, ilaa 85 boqolkiiba qamadiga la keeno Soomaaliya wuxuu ka imaan jirey Ruushka iyo Ukraine; taasi way joogsatay, taasoo keentay in qiimaha kor u kaco boqolkiiba 160 hal bil gudaheed.

Colaadda halkaas ka jirta, iyo sidoo kale qalalaasaha kale ee ka jira gobolka Tigreega ee Itoobiya, Yaman iyo Afgaanistaan, ayaa sidoo kale soo jiidatay dareenka deeq bixiyayaasha.

"Waan ogahay in dareenka dunida ay haysato Ukraine, laakiin dhibaatada aadanuhu waa dhibaato aadane, iyada oo aan loo eegin Yurub ama Aasiya ama Afrika. Oo halkan waa inaan dhowrnaa qiyamkeena suuban, iyo [sida uu qabo] qiyamkeena suuban, oo ah bini’aadannimo ayaa namideysa - haddii aynaan hadda ka jawaabin oo aynaan kordhin falcelinteena, dadkaasi waxay u socdaan macluul. Taasina ma ahan wax la aqbali karo,” ayuu yiri Wakiilka WFP ahna Agaasimaha Xafiiska Dalkan, El-Khidir Daloum.

Shirka Geneva

Qaramada Midoobay ayaa qorsheynaysa in dhamaadka bishan ay shir heer sare ah ku qabato magaalada Geneva, si ay deeq bixiyayaasha caalamiga ah isugu keenaan arrinta ku saabsan taageerada dheeraadka ah ee baahiyaha bani'aadanimo ee Soomaaliya.

"Runtii ma xoojin karno xaqiiqda ah in xaaladda abaartu ay ka sii darayso - waxaan dhab ahaantii ka gudubnay wax ka qabashada abaarta hadda oo aan u gudubno ka hortagga macluusha," ayuu yiri ku xigeenka madaxa xafiiska OCHA, Peter Ekayu.

"Markaa xaalada way sii xumaanaysaa oo way sii adkaanaysaa, wayna kasii dereysaa," ayuu raaciyay. "Dhammaan saadaasha ayaa ah in xaaladdan ay sii xummaan doonto sababtoo ah waxaan saadaalineynaa malaha xilli-roobaadka afaraad ee fashilmay."

Saadaasha cimiladu waxay saadaalisay celcelis ahaan ama ka hoose xilli roobaadka Soomaaliya. In ka badan 80 boqolkiiba dalka ayaa guud ahaan ah mid qalalan, biyaha iyo qiimaha cuntada daruuriga ah waxaa ku dhacey qiimo koror aad u weyn.

Intaa waxaa dheer, heerka gargaarka cuntada iyo biyaha ee hadda jira waxaa si degdeg ah uga saramaray kororka xawliga ah ee baaxadda dadka haqab-beelka cuntada, ballaarinta nusqaamaha isticmaalka cuntada ee qoyska, luminta hantida hab-nololeedyada, iyo heerka nafaqo-xumada oo ka sii daraysa.

Haddii dhaqaale yarida aan si degdeg ah wax looga qaban, waxay gacan ka geysan doontaa natiijooyin ka sii xun oo leh khatar dhab ah oo ah macluul baahsan. Markii ugu dambeysay ee masiibo bini’aadannimo tan oo kale ay ka dhacdo Soomaaliya waxay ahayd sanadkii 2011-kii, markaas oo xaaladaha macluulka ahaa ay ku dhinteen rubac milyan qof.