“Ugu dambeyn, waa la i soo daayay” – 150 muhaajiriin Soomaali ah oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib xabsi ay ku jireen Liibiya

30 May 2018

“Ugu dambeyn, waa la i soo daayay” – 150 muhaajiriin Soomaali ah oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib xabsi ay ku jireen Liibiya

Muqdisho  – Kaddib dhowr bilood oo ay ku xirnaayeen xabsiyo ku yaal dalka Liibya, 150 qof oo muhaajiriin Soomaali ah ayaa si iskood maanta dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo, iyada oo gaadiidka ay qaban-qaabisay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay.

“Ma aqaano qaab aan ku sharraxo dhibaatada aan ku soo maray dalka Liibiya. Waxaa ay ahayd xaalad aad u adag, waxaana xabsi ku jiray muddo aad u dheer,” ayuu yiri Mahad Cabdullaahi Xasan kaddib markii uu ku soo degay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

 “Ugu dambeyn, waa la I soo daayay, waxaana ku soo laabtay dalkeyga hooyo,” ayuu raaciyay kaddib markii ay qaabileen shaqaale ka tirsan dowladda Soomaaliya, hay’adda Socdaalka Caalamiga ah (IOM), iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u qabailsan Qaxootiga (UNHCR).

 Dadkan dib loo soo celiyay ayaa waxaa horey gacanta ku dhigay maamullada dalka Liibiya xilli ay doonayeen in ay ka gudbaan Badda Meditarranean-ka oo ay gudaha u galaan Yurub, iyada oo intooda badan ay bilooyin ku xirnaayeen xabsiyo ay maamusho dowladdan ku yaal waqooyiga Afrika.

Duulimaadka gaarka ah ee maanta waxaa bixisay hay’adda IOM, oo la kaashaneyso dowladaha Liibiya iyo Soomaaliya, waxaana maalgeliyay Midowga Yurub. IOM waxaa ay dabagashay in ka badan 660,000 muhaajirin ah oo lagu haysto Liibiya, halkaas oo ay halis ugu jiraan dhibaatooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin tahriibin, musaafurin, afduub, xadgudub, xabsi iyo jirdil. Tirada dhabta ah ee muhaajiriinta ah ee halkaasi ku sugan waxaa macquul ah in ay u dhowdahay hal milyan oo qof.

IOM iyo UNHCR oo la shaqeynaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kormeeri doonaa dib-u-dajintooda iyo dib u dhexgalkooda dalka.

UNHCR waxaa ay bixineysaa lacag caddaan ah isla markiiba ilaa iyo muddo lix bilood ah, halka IOM ay qorsheyneyso taageerro dib u dhexgelin ah oo ku saleysan baahiyaha taasi oo soconeyso muddo dheer, waxaana ka mid ah tababarka farsamada gacanta, caafimaad, taageerro dhinaca ganacsiga, nafsaani-bulsho – wax kasto oo ay u baahan yihiin, waxaan ku dadaaleynaa in aan ku caawinno si ay u sameeyo dib u dhexgal raandhis leh,” ayuu yiri Mark Lewis, oo ah mas’uul ka tirsan Xafiiska Taageerra ee IOM Soomaaliya.

Dadkii qaabilay dadkii soo laabtay waxaa ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Benelux iyo Midowga Yurub, Diktoor Cali Saciid Faqi.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka jawaab-celisay codsiga dadkan soo laabtay ee ah in la caawiyo kaddib markii ay soo mareen dhibaatooyin aad u daran iyo safar aad u xanuun badan oo ay ku soo mareen Kenya, Uganda, Suudaanta Koonfureed, Suudaan, iyada oo in badan oo ayaga ka mid ah ay ku waayeen saaxiibbadooda ay la tahriibayeen sababo la xiriira daal iyo xanuunno oo asiibay inta ay safarkooda ku sii jireen.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in ay noo suurtagashay in aan caawinno wiilashan sababtoo ah wiilasha dhibaato aad u culus ayay ku soo arkaan Liibiya. Mukhallasiinta waxa ay weydiiyaan lacago aad u badan, waa la afduubtaa, waa la garaaca. Waxaa loo geystaa cabsi gelin iyo xadgudub aad u badan – cabitaan la’aan, cunno la’aan,” ayuu yiri Diktoor Faqi. “Marka runtii waa xaalad aad u xun,” ayuu raaciyay. “Soomaalida kaliya ma aha, balse dhammaan Afrikaanta halkaasi ku sugan, waxaana rajeynaya in xannuunkan, dhibaatadan in ay soo afjarmato sida ugu dhaqsiyaha badan.” 

Kaddib markii ay dalka soo galeen, dadkan ayaa waxaa loo diyaariyay dukumiintiyadooda, waxaana baaritaan ku sameeyay dhaqaatiir si loo xaqiijiyo xaaladdooda caafimaad.

Dadka maanta soo laabtay waa kooxda koowaad ee 300 boqol oo Soomaali ah oo ku sugan Liibiya oo si iskood dalkooda hooyo dib ugu soo laabanaya. Ka hor inta aanan loo celin guryahooda, waxaa xarunta soo dhaweynta Muqdisho laga siin doonaa hooy ku meel gaar ah.

Sidoo kale, soo laabashada maanta waa dib u soo celinta bani’aaddamnimo ee afaraad uguna weyn oo muhajiriinta laga soo celinayo Liibiya laguna soo celinayo Soomaaliya; IOM waxaa ay markii koowaad fulisay bishii Febraayo ee sanadkan. Sanadkan 2018-ka, IOM waxaa ay caawisay 7,414 in ay ku soo laabtaan dalalkooda oo laga soo wado Liibiya, markii laga soo tago 19,371 oo qof oo ay IOM gacan ka geysatay dib u soo celintooda si iskood ah. Dhammaan muhaajiriinta oo ay IOM ka caawiso in ay ka soo laabtaan Liibiya ayaa waxaa la siiya kaalmo dib u soo dhexgelin ah, ayada oo lagu saleynayo sida ay u kala liitaan.

Sida laga soo xigtay IOM, Soomaaliya waxaa weli ku badan tahriib, iyada oo barakaca gudaha iyo socdaalka sharci darrada ah ay ka mid yihiin caqabadaha ugu waaweyn – sanad kastaba, kumanaanka Soomaalida ah oo safar halis ah gala waxaa ay la kulmaan halis daran oo dhinaca ilaalintooda ah.