QM oo yaboohday $2.7 milyan oo lagu caawinayo bulshooyinka ku dhaqan Somaliland oo ay saameysay duufaanta: waxaa ayna ku baaqday in diiradda la saaro dib-u-dhis sii jireen ah

29 May 2018

QM oo yaboohday $2.7 milyan oo lagu caawinayo bulshooyinka ku dhaqan Somaliland oo ay saameysay duufaanta: waxaa ayna ku baaqday in diiradda la saaro dib-u-dhis sii jireen ah

Kaddib booqaasho bulsho ku dhaqan ‘Somaliland’ oo ay saameysay Duufaanta loo yaqaanno Sagar, Qaramada Midoobay ayaa yaboohday lacag dhan $3 milyan (doolar) si loogu caawiyo dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay duufaanta cusleyd oo maalmo gudahooda dhaliyay roobab u dhigmo sanad dhan oo uu roob socday, taasi oo sii cakirtay khasaarada ka dhashay daadadka dhowaan dhacay.

“Dhulka ayaanu taagannahay, QM iyo Hay’adaha kaleba, waxaana haatanba bixinnay mucaawino, gaar ahaan raashiin iyo alaab aan raashiin ahayn, gaar ahaan alaabta hooyga iyo kaalmo caafimaad – waxaana ay tani bilaabatay maalintii koowaad,” ayuu yiri Isk-Duwaha Arrimaha Samafalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Peter de Clercq, maalinta Isniinta, kaddib booqasho uu ku tagay Boorama, oo 180 kilomitir ee dhinaca koonfur galbeed ee Hargeysa, caasimadda ‘Somaliland’.

“Si loo xoojiyo dib-u-dhiska hab-nololeedka, aniga waxaan ballan-qaadaya lacag dhan $2.7 milyan (doolar),” ayuu yiri Mudane de Clercq. Lacagahan ayaa waxaa ay ka imaanayaan Sanduuqa Samafalka ee Soomaaliya (SHF) oo ay taageeraan deeq-bixiyeyaasha caalamiga, oo looga gol lahaa in wax loogu qabto baahiyaha bani’aaddamnimada ee degdegga ah ee ka jira Soomaaliya, oo ay ka mid tahay ‘Somaliland’.

Duufaanta Sagar oo dhawaan ku dhufatay waqooyiga Geeska Afrika ayaa waxaa ay saameysay 160,000 oo qof, waxaa ku dhintay daraasiin qof, isla markana waxaa ay khasaare xooggan u geysatay kaabayaasha iyo dhaqaalaha, gaar ahaan dadka xoola dhaqatada.

Saameynta duufaanta ayaa sii xumeysay xaalad bani’aaddamnimo iyo mid horumarined oo horey u liitay, kaddib daadadkii iyo sidoo kale abaaraha soo jiitamayay muddo sanado ah.

Mudane de Clercq ayaa Boorama u joogay in uu indhihiisa ku arko saameynta, iyo in uu la kulmo bah-wadaagta maxalliga ah, oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiin dowladda, wakiillada hay’adaha aan dowliga ahayn, odayaal dhaqameed iyo dadka ay sida tooska ah u saameysay duufaanta.

“Waxaa ay ii ahayd fursad aan wakhti kula qaato dadkii ay sida tooska ah dhibaatada ka soo gaartay,” ayuu yiri. “Waxaa ay u soo joogeen abaaraha sanadkan oo ku sigtay in ay isku beddesho macluul, kaliyana uma aysan u dhabar adeygin xilligan adag ee abaaraha, balse sidoo kale fatahaad, waxaana isla markiiba ku xigay duufaan.”

Baahida loo qabo in diiradda la saaro baahiyaha muddada dhow iyo kuwa muddada fog

Mas’uulkan ka socda QM ayaa sheegay in jawaab-celinta loo fidiyay xaaladahan kala duwan – duufaan, daadad iyo abaaro – ay muujiyeen in loo baahan yahay jawaab-celin wax ka qabta baahiyaha bani’aaddamnimada ee muddada dhow iyo kuwa muddada fogba, iyada oo ay kuwa muddada dhow diiradda saarayaan xaaladaha degdegga ah, kuwa muddada dheerna xoogga lagu saarayo dhisidda dib u soo kabsashada bulshooyinka, sida kuwa ku dhaqan gobolka Awhal. 

Tani waxaa ay gacan ka geysaneysaa in wax laga qabto saameynta isbeddelka cimillooyinka oo ay si weyn u dareemeen dadka nugul oo dhaqan deegaannada, maadaama awoodda dib u soo kabsashada ay wiiqeen afartii xilli roobaab ee is daba xigay oo roob la waayay.

“Waxaan weli la tacaaleynaa sugnaanshaha raashiinka, la’aanta hab-nololeed abaaraha dartood, isla markana waxaan la daala-dhaceynaa dadkii ka soo barakacay guryahoooda daadadka dartood ama kuwa ku waayay hab-nololeedkooda,” ayuu yiri Mudane de Clercq, oo sidoo kale ah Ku-Xigeenka Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya, waxaa uuna xusay baahida loo qabo in la sii xoojiyo deeqda loo fidiyo Sanduuqa Samafalka ee Soomaaliya (SHF).

Xilligan la joogo, dhaqaalaha Qorshaha Jawaab-celinta Bani’aaddamnida waa $390 milyan – waa wax ka yar boqolkiba 50 ee lacagta la yaboohay xilligaan oo kale sanadkii 2017.

“Waxaan run ahaantii u baahannahay in aan kaliya ka shaqeynin gargaarka, balse in aan xoojinno awoodda dib u soo kabsashada ee qoysaska ku nool deegaanka, qoysaska sanadba sanadka ka dambeeya la kulma caqabadahan daran ee bani’aaddamnimada,” ayuu yiri Mudane de Clercq. “Marka, ma aha in aan sugno inta ay naga asiibeyso dhibaato kale – ma aysan noo muuqan abaarihiin, waxaa dhici kartaa in aynu saadaalin duufaantii hore ee halkan ku dhufatay.”