Aamina Cabdi Cali: Horumarinta akhris-qoraalka haweenka Soomaaliyeed

15 Oct 2020

Aamina Cabdi Cali: Horumarinta akhris-qoraalka haweenka Soomaaliyeed

Kismaayo - Aamina Cabdi Cali ayaa 2016 ka bilowdey magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya barnaamij ku saabsan baridda akhriska iyo qorista dadka waaweyn gaar ahaan  haweenka iyadoo rajo weyn ka qabtay inay wax ka bedesho nolosha dadka reer Jubbaland. 

Laakiin hadda, shan sano ka dib in ka badan 450 arday aya ka-faa'iideystay casharrada wax akhrinta, qorista iyo xisaabtka, welina ma doonneyso in ay ka nasato shaqada ay bilowday – is kaba daa in ay nasato, xitaa waa ay ka sii dardar badan tahay sidii hore. 

“Weligey Soomaaliya dibadda uga ma bixin. Waxaan si qoto dheer u fahansanahay waxa ay u baahanyihiin haweenka dalka gaar ahaan xagga waxbarashada, dhanka tababaradda xirfadaha, iyo siinta fursadaha aad loogu baahan yahay. Marka aan sameynayo dadaallada noocan ah ee waxbarasho, waxaan ku rajo weynahay in ay wax badan ka qaban doonaan xaaladda jirta,” ayay tiri Aamina. 

Amina Waxa ay ku dhalatay kuna soo barbaartay magaalada Kismaayo ee caasimada kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Jubaland, waa 25-jir waxa ayna u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka una ololeysaa matalaada balaaran haweenku ku yeeshaan siyaasadda, sidoo kale waxa ay macallin iskuul ka tahay Dugsiga Hoose, dhexe iyo Sare ee Axmed bin Xambal ee magaalada Kismaayo. 

Amina shaqadeeda joogtada ah ee macallinnimo waxa ay casharro ku saabsan ahmiyadda waxbarashada siisa arday yar-yar, si ay gacan uga geystaan horumarinta dalkooda, oo horumar la taaban karo gaaray sannado badan oo colaado ah kaddib. 

Marka lagasotaga casharrada ay siiso ardayda yar yar, waxa ay sii ballaarisay shaqadeeda kale ee wax baridda. 

Amina waxa ay markii ugu horeysay soo kordhisay fikradda waxbaridda heerarka kala duwan ee bulshada, kaddib markii ay aragtay haween badan oo la daalaa dhacaya in ay lacag ku diraan EVC Plus, oo ah hab elektroonig ah oo lacagaha lagu xawilo inta badana laga isticmaalo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. 

Hadda, in badan oo ka mid ah waqtigeeda firaaqada ah, marka laga reebo casharada ay siisa carruurta,  waxa ay ku bixisaa kor u qaadista aqoonta aasaasiga ah ee haweenka Soomaaliyeed dhanka aqriska iyo xisaabaadka, gaar ahaan kuwa badan oo seegay waxbarashadii rasmiga ahayd sababo la xiriira dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay sannadihii 1990-meeyadii iyo colaadihii ka dambeeyay. 

Akhriska iyo horumarka

Waxa ay si aad ah u aaminsan tahay inuu jiro xiriir toos ah oo ka dhexeeya qorista/akhirinta iyo horumarka Soomaaliya, taa oo  dalka u horseedaysa in u noqdo dal nabdoon oo xasilloon. 

"Haddii ba horumarku yahay gaadiiddka na geynaya nolol ka wanaagsan tan aan ku nool nahay halkan Soomaaliya, markas wax aqrinta iyo wax qorista ayaaba wade ka ah gaadiddkas," ayay tiri  Aamino, iyadoo intaas ku dartay in haddii uusan barnaamij keeda oo kale, aysan haween badani fursad  u heli laheyn in ay wax bartaan marka la eego fursadaha kooban ee dhanka waxbarasha iyo masuuliyada ay qoysaskooda ka hayaan. 

Waxaan bilaabay barnaamijkan anigoo maanka ku haya in waxbarashadu ay tahay mida kaliya ee aan ku hormarin karno nabada iyo horumarka wadankeena isla markaana aan u xaqiijinno inaan u dhaqaaqno dhanka saxda ah,” ayay raacisay. Barnaamijka waxaa loogu tala galay in ay ka faa'iideystaan haweenka da'da yar iyo kuwa waaweyn ee aan helin fursad waxbarasho.” 

Dadka soo dhammeeyay barnaamijka Marwo Aamina waxaa ka mid ah Falastiin Xaaji Axmed, oo ah hooyo 30 jir ah oo hadda leh dukaan, taas oo aan marki hore aqoon sida loo akhriyo loona qoro ka hor inta aysan saaxiibbadeed kula talinin in ay ku biirto fasalada waxbarashada ee akhriska iyo qoraalka. 

“Dagaaladii ka dhacay dalka ayaa sababay in ay haween badan oo ila mid ahi ay noqdaan kuwa ay qoysaskoodu iyaga ay ku tiirsanyihiin dhaqaala ahan. Inta badan haweenkasi waxa ay wax  ku iibiyaan hareeraha waddooyinka, kuwa kalena dukaanno yaryar ayey kuleeyhiin  magaaladan Kismaayo iyo magaalooyin kaleba, laakiin inteena badan ma lihin xirfado iyo karti dheeri ah oo aan kusii kobcino ganacsigeenna, ”ayay tiri Marwo Falasdin. 

“Barnaamijkan wuxuu ii furay indhaha. Waxa uu isiiyay fursad aan seegay sannadihii ay ahayd inaan  dhigto iskuulka, ”ayay raacisay. “Maanta, waan qori karaa liisaska wax kala iibsashada, xisaabinta faa iidooyinka ama qasaaraha ganacsigeyga. Markii hore, waxaan weydiin jiray saaxiibbadey inay ii hubiyaan lacagta xawilaada mobeelka  iyo in ay ii xiisabiyan, balse hadda arintaas wey dhammaatay.” 

Waxbarashada iyo siyaasadda 

Marwo Aamina waxa ay u aragtaa in xiriir dabiici ah oo ka dhexeeya akhris-qorista iyo ka-qaybgalka buuxa ee haweenka ee nolosha, aysan ku koobneyn oo keliya qaybta ganacsiga - waxay sheegaysaa in shaqadeeda ku saabsan akhris-qorista haweenka ay quudineyso firfircoonideeda kale ee ku saleysan matalaadda siyaasadeed. 

“Faadumo Macallin Cali – waa xubin ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland - waxay ka mid ahayd haweenkii aan kula taliyey, kuna dhiirrigeliyey inay u tartanto kamid noqoshaha baarlamaanka, waana mahad Alle, waxa ay xaqiijisay himiladeedii, hadana waxa ayba barlamaanka dhexdiisa ka wadaa dadaallada wax loogu qabanaya haweenka. , ”Ayay tiri Aamina, iyadoo xustay inay si gaar ah haweenka ugu dhiirigalineyso inay ka qeyb qaataan doorashooyinka soo socda ee laguwado in ay dalka ka dhacan. 

Barnaamijka waxbarashada ee akhris iyo qoraalka ee Aamina maahan kali ah mid kukooban magaalada Kismaayo kali ah ee  waxa uu gaadhay tuulooyinka ku dhow ee Goobweyn, Yontoy, Bulagaduud iyo Qamqam. Sidoo kale barnamijkan waxbarasho maahan mid heysta dhaqaala, in ta badan macaliminta waa kuwo si mutadhawacnimo ah ugu deeqa waqtigooda, taas oo tusineysa niyad wanaaga iyo ka go'naanshaha qaar ka mid ah macallimiinta la shaqeeya ololahan waxbarasho. 

"Waxaan inta badan la kulmaa caqabado xagga maalgelinta barnaamijkan," ayay tiri Marwo Aamina. “Waxaa jira sideed macallin oo iskaa wax u qabso ah oo iga caawiya inaan casharo ku bixiyo meelo kala duwan, tanna ma aanan sameyn karin la’aantood. Aqoontooda ka sakow, waxay kaloo keenaan yididiilo iyo firfircooni waxayna ka caawiyaan haweenkan inay si buuxda kaga mira dhaliyaan himilooyinkooda. Wax akhrisku waxa uu badiyaa fursadaha nolosha qof walba, waxa uuna si weyn hoos ugu dhigi karaa faqriga ka dhex jira bulshada, sidoo kale waxa uu hoos u dhigaa, kana niyad jabiyaa in ay dadka galaan dambiyo sida in ay kubiiran kooxo hubeysan.”

Taageeridda aqriska/qoraalka 

Marka loo eego sahan Qaramada Midoobay (QM) ay taageersay oo la sameeyay 2006, heerka wax aqrista ama qorista dadka qaangaarka ah siiba haweenka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasay inuu yahay boqolkiiba 26, halka uu ahaa 19 boqolkiiba sanadkii 2001. Isla waqtigaas(2006), heerka aqris-qorista wuxuu ahaa 36 boqolkiiba ragga, halka sanadkii 2001 u ahaa boqolkiiba 25. Guud ahaana heerka wax aqrista ama qorista ragga iyo dumarkaba waxa uu ahaa boqolkiiba 31. 

Qaramada Midoobay waxa ay muddo dheer u ololeysay waxbarashada haweenka iyo gabdhaha in ay tahay xuquuq aasaasi ah oo bina aadamnimo, iyada oo muujineysa sida sinnaan la'aanta waxbarashadu u naafeyn karto nolosha malaayiin haween iyo gabdho ah oo ku nool adduunka.  

Waxa ay caddeysay in haddii haweenka iyo gabdhuhu ay helaan waxbarasho tayo leh ay wax badan kusoo kordhin karaan adduunka iya sida u hamigooda rabo, xulashooyinkoodana ay kudhisnaato xog ogaalnimo, hagaajiyaana nolosha qoysaskooda iyo bulshada, iyo waliba in ay door muhim ah ka qaatan kobcinta caafimaadka iyo daryeelka jiilka soo socda – taa oo aasaas adag u ah nabad  iyo horumar waarta. 

Arrinta waxbarashada dadka waaweyn iyo guud ahan waxbarashaddu waxa ay aheyd mid si gaar ah diiradda u saartay shirkii Golaha Guud ee Ururka Qaramada Midoobay ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) oo ka dhacay magaalada Paris dabayaaqadii 2015, kaas oo Talo-soo-jeedinta wax barashada dadka waaweyn iyo waxbarashada ay aheyd mid la islaqaatay.  

Sida laga soo xigtay barnamijka RALE, “Ujeedada wax barashada dadka waaweyn iyo waxbarashadu waa in dadka la siiyo awoodaha lagama maarmaanka u ah jimicsiga iyo xaqiijinta xuquuqdooda iyo la wareegidda aayahooda.  Go’ ankaas waxa uu dhiirrigelinayaa horumarka shaqsiyadeed iyo kan xirfadeed ba, taa oo markaa ka caawin karta in si firfircooni leh dadka waaweyn uga qaybgalaan bulshadooda, beelahooda iyo deegaannadooda. Sidoo kale waxa ay kobcisaa koritaan dhaqaale waara oo loo wada dhanyahay iyo rajada helida shaqo hufan. Sidaa darteed waa aalad muhiim u ah yareynta saboolnimada, hagaajinta caafimaadka, helidda noolal wanagsan iyo gacan ka geysashada bulshooyinka si loo helo waxbarasho waarta.