Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub

15 Oct 2020

Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta wada saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo hagi doona sida dalka iyo Qaramada Midoobay ay u wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socota si dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

Xaflad lagu saxiixayay heshiiska - Heshiiska Iskaashiga Horumarinta Waarta ee Qaramada Midoobay (UNCF) - ayaa lagu qabtay caasimadda, Muqdisho, waxaana dhanka dowladda ka qaybgalay Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Qorshaynta, Maalgelinta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Guleedoo hadal jeediyey ayaa ku tilmaamay heshiiskan iskaashi ee u dhexeeta Dowladda Federal-ka ah iyo Qaramada Midoobay mid taariikhi ah, waxa uuna ammaanay gacanta ay Qaramada Midoobay ka geysatay in Soomaaliya hesho nabad, ammaan iyo horumar.

 “Waxaan caddeynay in dalkan meel fog ka yimi iyo in Qaramada Midoobay ay si waxtar leh ula macaamisho ulana taliso dowladda Federalka marka ay timaado hortabinada iyo fulinta ajendeyaasha horumarineed ee dalka.”

Dhanka Qaramada Midoobay, mas'uuliyiintii ka qaybgalay waxaa ka mid ah, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo Isku Duwaha Arrimaha Bani'aadannimada ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula, oo sidoo kale haya xilka Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay.

Heshiiska cusub ee UNCF ayaa baddali doona heshiiskii hore ee isaga oo kale ahaa, kaas oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan.

"Tan iyo markii la saxiixay Heshiiskii Iskaashiga Istiraatiijiyadda ee Qaramada Midoobay bishii December 2017, Soomaaliya waxay horumar wax-ku-ool ah ka samaysay hayaanka ay ugu jirto xoojinta nabadda iyo gaarista horumar waara oo loo dhan yahay, iyadoo kaashanaysa taageerada adag ee Qaramada Midoobay," ayuu Mudane Swan ka yiri xafladdii saxiixa heshiiska.

“Barnaamijkan Ka wada shaqeynta horumarka  waxa uu xaqiijin iyo xoojinba u yahay sida Qaramada Midoobay ay waligeedba uga go’aneed ka taageeridda Soomaaliya dhabbihii ay u mari lahayd nabad waarta, ammaan iyo horumar dhinac kasta ah. Barnaamijkan ka wada-shaqeynta horumarka waxa uu sidoo kale ahmiyad u leeyahay in uu hagi doono shaqo wadareedka nidaamka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee dhinacyada ay u haysato sharciyadda shanta sano ee soo socra,” ayuu ku daray raaciyey hadalkiisa.

Heshiiska UNCF wuxuu matalayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go'an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030 ee Horumarka Waara iyo Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs). Hiigsiga waa baaq caalami ah oo la rabo in lagu ciribtiro saboolnimada, lagu dhawro adduunka, laguna horumariyo nolosha iyo horumarka qof kasta meesha uu doono ha ku noolaado e, waxaana Hiigsigan meelmariyay Dhammaan Xubnaha Qaramada Midoobay sanadkii 2015 isagoo qayb ka ah Hiigsiga 2030, oo dhabbaha u xaaraya qorshe 15-sano ah si loo gaaro himilooyinka SDGs.

Si gaar ah, Heshiiska cusub ee UNCF wuxuu sharraxayaa hababka Qaramada Midoobay u damacsan tahay inay u taageerto mudnaanaha dowladdu leedahay ee ay ayada majaraha u hayso. Dhidibadda ugu muhiimsani ee waxqabad ee Heshiisku waxay la jaanqaadayaan kuwa ku xusan Qorshaha Qaran ee Sagaalaad ee Soomaaliya (NDP-9), haddii la xusana kala ah, siyaasad loo dhan yahay, dib-u-heshiisiin, amniga iyo ku dhaqanka sharciga, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Mr. Abdelmoula oo goobta hadal ka jeediyey ayaa sheegay in UNCF ay u ogolaan doonto hay’addan caalamiga ah iyo saaxiibadeeda in ay wanaajiyaan waxyaabaha asalka ah ee sababa nuglaanta daba-dheeraatay iyo xasillooni darada caqabada ku noqday siyaasadda iyo horumarka loo dhan yahay ee Soomaaliya tobaneeyadii sano ee tagay.

“Iyada oo laga duulaya ballanta Qaramada Midoobay ee ah in aan qofna laga tagin, barnaamijkan ka wada-shaqeynta horumarka waxa uu hiigsanayaa in uu xaqiijiyo in dhammaan Soomaalida, gaar ahaan kuwa xuquuqdooda la duudsiiyo iyo kuwa nugul in ay qeyb ka ahaadaan kana faa’iidaan hormarka Soomaalia,” ayuu yiri mas’uulka Qaramada Midoobay.

Tiro mas'uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladda iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada dibloomaasiyiinta ayaa joogay munaasabadda halka kuwa kale ay qaab onlayn ah uga qaybgaleen.