Adeegga ambalaasta Muqdisho ee bilaashka ah: Adeeg xag Ilaahay uga yimi dhibbanayaasha colaadaha

1 Nov 2017

Adeegga ambalaasta Muqdisho ee bilaashka ah: Adeeg xag Ilaahay uga yimi dhibbanayaasha colaadaha

Muqdisho - In kasta oo ay dadka intooda badan ka cararaan goobaha ay ka dhacaan qaraxyada, xubnaha shaqaalaha dadaalka badan ee Shirkadda Ambalaasta ee Aamin waxaa ay ku sii ordaan goobahaasi si ay dhibbanaayaasha u siiyaan gargaarka degdegga ah, ayna dhaawaca geeyaan isbitaallada.

Tobanka sano ee ugu dambeeyay gurmad bixiyeyaashan ayaa howshooda si dhiirran u qabanayay, ayaga oo gargaar caafimaad oo degdeg ah u fidiya dadka u baahan.

Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan oo ah aasaasaha adeegga ambalaasta ee bilaashka ah ee Muqdisho ka shaqeeya 24 saacadood ayaa sheegay in sababta ku dhalisay in uu bilaabo adeeggan bilaashka ah ay tahay xaaladda liidata ee adeegyada caafimaadka ee caasimadda.

“Markaan dalka imaaday, dagaallo ayaa socday, dadkuna waxaa ay adeegsanayeen gaari gacan si ay bukaannada u geeyaan isbitaallada. Tani waxaa ay sababeysay dhimasho inta loo socdo isbitaallada, waxaana ku daalayay dadka bukaanka waday. Arrintaasi waxaa ay igu dhalisay in aan wax ka qabto oo aan aasaaso adeegga Ambalaasta ee Aamin. Waxaa ay yareysay dhimashada,” ayuu yiri Dr. Cabdulqadir.

Iyada oo jawiga guud uu ahaa mid cabsi badan, Dr. Cabdulqaadir iyo saaxibbadiisa waxaa ay noqotay in ay ka fakaraan magaca ay u bixin lahaayeen adeegga si ay u kasbadaan kalsoonida dadka.

“Ereyga Aamin haddii aan “I” ka hormariyo waxaa uu noqonaya “I Aamin”. Waxaa aan magacaan u soo qaadannay sababta oo ah dadka Soomaaliya jooga uma aysan baranin dad iskood isku xilqaamay. Marka, waxaan ka doonayay in ay aaminaan adeegga bilaashka ah ee aan bixinaayay. Waxaa aan magacaas u soo qaatay sababta oo ah waxaa aan rabay in ay I aaminaan,” ayuu yiri Dr. Cabdulqaadir.

Tani iyo markii la aasaasay, adeegga ambalaasta waa u sii kobcayey, maanta waxaa ka shaqeeya 35 kalkaalisooyin, dhaqaatiir, dareewallo, iyo toban baabuur.

Sare u kaca tirada shaqaalaha iyo baahida loo qabo adeegga ayaa hantida ka dhigay mid aad u xaddidan, taas oo ku qasabtay in aasaasaha uu caawinaad ka dalbado dadka wanaag-doonka ah iyo hay’adaha caalamiga.

“Fikirka wuxuu ka yimid Soomaalida qurbaha ku nool. Ilaa iyo hadda waxaa ay uruuriyeen $25,000 iyo $28,000, talefoonnada raadiyaha oo ay inoogu deeqday Hay’adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijka Horumarinta (UNDP) iyo toban garaam oo dahab oo ay bixisay xaaskeyga,” ayuu yiri aasaasaha ambalaasta,

Dhaqtarkani waxaa uu gaar ahaan ugu mahadnaqaya UNDP talefoonnada raadiyaha oo ay ugu deeqday, kuwaas oo uu sheegay in ay wax weyn ka beddeli doonaan sida ay u howlgasho Aamin Ambalaas gaar ahaan markii ay jiraan xaalado degdeg ah.

“Markii ay jiraan xaalado degdeg ah, qof waliba wuxuu isku dayayaa in uu dadkiisa la xiriiro sidaas darteedna waxaa culeys ku imanaya khadka talefoonnada. Laakin talefoonnada raadiyaha isbeddel ayay keeni doonaan. Waxaa ay fududeyn doonaan xiriirka dhexdeenna ah, isku dubaridka ambalaasta, iyo wada-shaqeynta anaga iyo isbitaallada,” ayuu yiri dhaqtarkan ilkaha oo gadaal ka noqday nin ku howlan samata-bixinta bulshada.

Dr. Cabdulqaadir oo weli Muqdisho ka ah dhaqtarka ilkaha, ayaa sheegay in kooxdiisa ay la kulmaan caqabado aad u waaweyn iyo halis maadaama ay yihiin dadka jawaabta koowaad ee xaaladaha degdegga ah bixiya, sababta oo ah waxaa ay indhahooda ku arkaan xaalado argagax geliya.

“Mararka qaar ciidamada ayaa xabbado nagu furaa mise waxaa ay kuu diidayaan in aad tagto goobta ay wax ka dhaceen si aad qof gurmad u siiso,” ayuu ku faahfaahiyay.

In kasta oo ay qaraxyada ka dhaca Muqdisho ay wax cusub ku ahayn, Dr. Cabdulqaadir waxaa uu si gaar ah u xusay in weerarkii 14-ka Oktoobar ee ka dhacay isgoyska Zoobe oo ay ku naf-waayeen in ka badan 300 oo dad rayid ah ay ahayd dhacdadii ugu darneyd ee uu abid arko.

“Waxaa inoo muuqday dad gubanaya oo aan dhaqaaqi karin balse weli hadlaya, laakin waxba kama aan qaban karin. Waxaa aan arkeynay dad ku dhintay baabuurki ay wateen, dad dhiig baxayo, dad ku aasan dhismooyinka burburay, balse waxba uma qaban karin. Waxaa uu ahaa qarax saameeyn xooggan nagu yeeshay,” ayuu yiri.

Dr. Cabdulqaadir waxaa aan marnaba hadafkiisa ka hor istaagi doonin caqabadaha ay asaga iyo shaqaalahiisa la kulmaan, waxaa uuna qorshe waaweyn u dagay adeegyada ambalaasta Aamin.

“Riyadeyda waxaa ay tahay in aan gaaro dhammaan degmooyinka, dhammaan tuulooyinka ku kala yaalla gobollada, meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah, si ambalaasteyda ay u gaaraan oo ay u adeegaan. Shanta sano ee soo socota, waxaa aan gaari karaa labo ama seddax gobol,” ayuu yiri Dr. Cabdulqaadir.

Aasaasahan adeegga ambalaasta ayaa intaasi ku daray in haddii uu helo taageerro ku filan uu tobanka sano ee soo socda gaarayo dhammaan gobollada Soomaaliya.