Muqdisho iyo Kismaayo oo laga dareemayo horumar kaddib dhowr sano oo dagaallo ah

1 Nov 2017

Muqdisho iyo Kismaayo oo laga dareemayo horumar kaddib dhowr sano oo dagaallo ah

Muqdisho, Kismaayo - Iyada oo taariikhda markii ay tahay 31-da Oktoobar la xusayo munaasabadda Maalinta Magaalooyinka Adduunka, labo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya ayaa laga dareemaya horumar kaddib 25 sano oo uu dalka ka maqna sharci iyo kala dambeyn.

Duqa Magaalada Muqdisho, Thaabit Cabdi Maxamed iyo dhiggiisa magaalada Kismaayo, Ibraahim Maxamed Yusuf ayaa sharraxay sida ay labada magaalo ka soo kaceen dhibaatada ay ku yeelatay dagaallada sokeeye iyo dadaalka lagu bixiyay si loo casriyeeyo.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa qiraya in caasimadda ay hadda shacabkeeda siin karto kaliya adeegyada aasaasiga ah. Balse waxaa u diyaarsan qorshe oo uu sare ugu qaadayo dakhliga iyo miisaaniyadda maamulka ayaga oo adeegsanayo habab wax ku ool ah.

“Waxaa aan leennahay nidaam degmo oo lagu bixiyo adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo wax ka qabashada arrimaha degdegga ah. Waxaa aan sidoo kale leennahay qorshe iyo miisaaniyad sanadeed. Waxaa aan rajeyneynaa in maadaama aan shacabka ku abuurnay kalsooni, ay sare u kacdo canshuur uruurinta si aan awood ugu yeelanno in aan bixinno adeegyo hufan,” ayuu yiri Mudane Thaabit.

Waxaa uu xusay in muddada dheerayd ee uu dalka ka maqnaa dowlad shaqeysa ay howlaha muhiimka ah sida biyaha iyo korontada ay la wareegeen ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu hadda ku sii socdaa in uu sameeyo iskaashi u dhaxeeya maamulka iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay oo shacabka u fidin karo adeegyo wax ku ool ah oo qiime jaban ah.

“Waxaa aan u baahannahay in aan iska kaashanno sidii loo wanaajin lahaa qiimaha adeegyada iyo faya-dhowrka, ama la xaddido qiimaha adeegyada la siiyo shacabka,” ayuu ku daray duqa magaalada.

Mudane Thaabit ayaa bisha Abriil ee sanadkan xilkan u magacaabay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu xilkan oo uu maayar u yahay magaalo horumar weyn sameynaya ku tilmaamay mid caqabad badan.

“Waxaa la iga fadhiya in aan daboolo baahida seddax milyan oo qof. Taasi waxaa ay ka dhigan tahay in aan si joogta ah u shaqeeyo 24 saacadood, iyo toddoba maalmood,” ayuu ku daray duqa magaalada.

Mudane Thaabit ayaa doonaya in qofka xilkan dhaxli doono uu uga tago caasimad ka wanaagsan sidii hore.

“Waa muhiim in aad caasimadda magac uga tagto. Hiigsigeyga gaarka ah muhiim ma aha. Waxaa muhiim ah in aan horumariyo nolosha dadka ku nool magaalada. Waxaa muhiim ah waa in la badbaadiyo nolosha dadka, dhallinyarada loo abuuro fursado shaqo si ay u noqdaan muwaadiniin qaybtooda ciyaaraya,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay duqa magaalada Muqdisho.

Dhinaca magaalo-xeebeedka Kismaayana, duqa magaalada ibraahim ayaa majaraha u haya horumar ballaaran oo laga dareemayo magaalada, oo lagu dhisayo waddooyin cusub iyo dhismooyin.

“Waxaa batay tirada hay’adaha dowladda, waxaa la dhisay waddooyin, waxaa kobcay dowladnimada, waxaana sare u kacay wasaaradaha ka howlgalaya dhismooyin ayaga u gaar ah. Waagi aan halkan nimid waxba kama jirin. Waxaan abuurnay nidaamkan iyo xafiisyada aan ka howlgalno. Dowladda waxaa ay qabatay wax la taaban karo,”ayuu yiri Mudane Ibraahim, asaga oo ku boogaadiyay ganacsiyada gaarka loo leeyahay in ay dowr aad muhiim ah ay ka ciyaareen horumarka laga dareemayo magaalada.

Magaalada Kismaayo waxaa gacanta al-Shabaab laga xorreeyay sanadka 2012-ka, balse magaalada waxaa ay ku taalla mid ka mid ah gobollada ay si xooggan u joogaan maleeshiyaadka. Duqa magaalada ayaa sheegay in maamulka Jubbaland ay xooggeeda galisay dhisidda ciidan boolis ah oo tayeysan si loo wanaajiyo amniga shacabka.

“Waagi hore magaalada ma aysan lahayn ciidamo boolis ah oo wanaagsan, balse waxaa aan ku dadaalnay in aan tababar siinno 600 oo boolis ah iyo booliistii hore ee u shaqeyn jiray dowladdii dhexe. Ciidamada booliska waxaa ay hayaan shaqo aad u wanaagsan,” ayuu ku daray.

Mudane Ibraahim ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee ka jirta Kismaayo ay tahay biyo yari.

“Markii hore, dowladda waxaa ay biyaha magaalada laga isticmaalo ka keeni jirtay webiga kaddib markii la mariyo hab sifeyn ah oo adag. Nidaamkaas waa mid adag, waxaa uu u baahan yahay hanti. Sidaasi darteed, magaalada ma haysato biyo nadiif ah,” ayuu yiri duqa magaalada. Waxaa uu sheegay in shirkadda gaarka loo leeyahay ee Caafi ay isku dayday in ay biyo keento iyada oo keentay warshado ayna qodday ceelal balse ay awoodi waysay in daboosho baahida dadka.

Yuusuf ayaa si gaar ah u tilmaamay in nabadgelyada iyo arrimaha dhulka ay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee ka hortaagan magaalada Kismaayo in ay noqoto magaalo casri ah. Si uu magaalada ka dhigo mid soo jiidato maalgashiga, waxaa uu qorsheynayaa in uu yareeyo kharashka korontada kaas oo ka mid ah kuwa ugu sarreeya dalka.

“Korontada ayaa dhibaato ka jirta, waa qaali, dadkuna ma awoodi karaan in ay bixiyaan kharashka korontada maadaama halkii kilowatt ah ee korontada ah waxaa ay tahay hal doolar,” ayuu xusay duqa magaalada.

Munaasabadda Maalinta Magaalooyinka Adduunka ayaa la xusaa sanad waliba si kor loogu qaado danaha magaaleynta adduunka, lagu dhiiriggeliyo iskaashi u dhaxeeya waddamada ee lagu daboolayo fursadaha, wax laga qabto caqabadaha ka hortaagan magaaleynta, iyo in gacan laga geysto horumarka waara ee magaalooyinka.

Sanadka 2017-ka, Qaramada Midoobay waxaa ay dooneysaa in ay diiradda saarto dowladnimo iyada oo loo wajahayo habab casri ah iyo magaalooyin furan si loo shaaciyo muhiimadda ay magaaleynta u leedahay horumarka caalamka iyo wadajirka bulshadeed.