QM waxay Soomaaliya ugu hambalyaynaysaa Kursiga Golaha Ammaanka

6 Jun 2024

QM waxay Soomaaliya ugu hambalyaynaysaa Kursiga Golaha Ammaanka

Muqdisho – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysa maanta in dalkooda loo doortay kurisga Golaha Ammaanka QM ee 2025-2026.

“Soomaaliya waxay waddo dheer u soo gashey soddonkii sano ee la soo dhaafey tubteedda nabadda, barwaaqada, iyo amniga. Doorashada loo doortey kursiga Golaha Ammaanka waa mid lagu aqoonsanayo horumarkaas ay gaartey ee ammaanta mudan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabisan Soomaaliya ee ku-simaha ah James Swan.

 “Soomaaliya waayo-aragnimada ay leedahay ayaa ka dhigaysa mid wax-ku-biirrin karta wadatashiyada Golaha ee ku saabsan nabadda iyo amniga caalamiga ah,” ayuu raaciyay. 

Soomaaliya in ay Golaha Ammaanka QM xubin ka noqoto waxaa ugu dameysay 1970-1972.