Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee cusub ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho

26 May 2024

Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee cusub ayaa soo gaarey magaalada Muqdisho

Muqdisho – Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho.

Mr. Swan wuxuu diirradda saari doonaa in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ka taageero in ay horumariyaan arrimaha mudnaanta hortabinta leh ee nabadda, amniga, horumarinta iyo qaran-dhisidda. 

Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa magacaabista Mr. Swan ku dhawaaqay14kii bisha Maajo. Mr. Swan ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho wuxuu kulamo ballaaran la soo qaatay madaxda Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.

Mr. Swan wuxuu horey u soo ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022, ka dib markii uu muddo dheer ka soo shaqeeyay adeegga diblomaasiyadda ee dalka Mareykanka.