Hadallada Ergayga Gaarka Ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, Ay Warbaahinta U Jeedisay Intii Ay Ku Jirtay Socdaalkeeda ay Ku Tagtey Garoowe

18 May 2024

Hadallada Ergayga Gaarka Ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, Ay Warbaahinta U Jeedisay Intii Ay Ku Jirtay Socdaalkeeda ay Ku Tagtey Garoowe

Waa la-tifaftiray si loo fahmo

Farxad bey ii tahay in aan Puntland ku imaado booqashadeydii shanaad oo ah booqashadii macasalaameynta ee ugu dambeysay oo aan ku macasalaameynayo Madaxweyne Deni iyo kooxdiisa, waxaanna si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Deni oo waqti ina siiyay isagoo shir kale lahaa.

Maanta wuxuu kulankiisii ugu horeeyay la yeelanayaa golahiisii wasiirada ee cusub kaas oo ay kaga wada hadlayaan qorshayaasha horumarinta iyo sidii ay horey ugu sii wadi lahaayeen. Mowduucaasi wuxuu ka mid ahaa mowduucyadii aynu ka wada hadalnay, iyo [sidoo kale] kaalinta ay QM ka qaadan doonto taageeridda tiirarka kala duwan ee qorshahooda horumarinta – waxaan ku faraxsanahay in aan sheego in uu hammi sare u hayo hawshaasi.

Waxa labaad ee aynu ka wada hadalnay, dabcan, waa hannaanka Dastuurka waxaanna ka munaaqashoonay war-murtiyeedkii ka soo baxay GWQ [Golaha Wadatashiga Qaranka]. Waxaan Madaxweyne Deni mar kale ku boorriyey in uu la wada hadlo Dowlad-goboleedyada kale iyo Dowladda Federaalka, iyo in uu tabashooyinka uu qabo miiska soo saaro. Wuxuunna sheegay in albaabka uu furan yahay. Sida aynu dhammaanteenna ognahayna, wuxuu xoogaa tabashooyin ah ka qabaa hannaanka iyo nuxurka, laakiinse waxaan ku kalsoonahay in uu jiro hab horey loogu sii wadi karo, annigana dabcan, waxaan u soo jeediyay kaalinta ‘xafiisyada wanaagsan’ ee QM si ay arrintaasi ugu taageeraan.

Ka-dibna ugu dambeyn, waxaan si kooban ugu wadahadalnay amniga guud ahaan dalka iyo muhiimadda ay leedahay in uu dalka iska kaashado la-dagaalanka Al-Shabaab, iyo dabcan, Daacish, wuxuunna ballanqaaday in uu gacan ka geysan doonno.

Haddaba, wadahadalka wuxuu ahaa mid miro-dhal ah, oo aad u wanaagsan, waxaanna isla-garanay in aan isla soo xiriirno markii aan u sii gudbayo tallaabooyinkayga xiga. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Deni, Golahiisa wasiirada, haweenka Puntland, iyo wasiirka Wasaaradda Arrimaha Haweenka – oo qaatey munaaqasho xiiso leh.

Mahadsanid.