Hawlgalkii Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayey shaqadiisa xirantay 31-kii Oktoobar 2024-kii, waxaana lagu bedelay Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) Jimcihii, 1-dii Nofeembar 2024-kii, iyadoo la raacayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2753.
Isbadalka ayaa ka tarjumaya horumarka dalka ka jira, waxaana sidoo kale uu waafaqsan yahay codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in xafiiska UNSOM lagu wareejiyo kooxda Qaramada Midoobay ee dalka, muddo labo sano ah marka la gaaro Oktoobar 2026-ka.
Xogta khuseeya hawlgalka UNTMIS waxaa laga heli karaa halkan:
16 Nov 2019 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ee hoos ku xusan* ayaa soo dhoweeyay qodobada ay ku heshiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, iyo Madaxweynaha Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi 14kii Nofembar, arrintaas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal.
01 Nov 2019 - WAR-SAXAAFADEED 25/2019
Muqdisho – Iyadoo Afrika ay u dabaal-degeyso dhalinyarada, ayaa ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta aqoonsaday awoodda ballaaran ee ragga iyo haweenka dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed ay ku biirin karaan nabadda iyo barwaaqo kusoo dabaalidda Soomaaliya.
23 Oct 2019 - WARSAXAAFADEED 22/2019
Muqdisho – Wafdi heer sare ah ee ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo maanta booqasho ku tagay caasimadda Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay horumarka uu dalka ku yaalla Geeska Afrika ka gaaray dadaallada ka qaybgalka haweenka ee nabadda, amniga iyo horumarinta – iyagoo sidoo kalena ku baaqay horumar dheeraad ah in la sameeyo.