Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii lala beegsaday xarumaha QM iyo AMISOM ee Muqdisho

13 Oct 2019

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii lala beegsaday xarumaha QM iyo AMISOM ee Muqdisho

WAR-SAXAAFADEED 20/2019

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeeyay weerarka madaafiicda aan tooska ahayn [riddada fog] ee maanta lala beegsaday xarumaha Qaramada Midoobay iyo AMISOM ee ku yaal magaalo madaxda Soomaaliya.

Abbaarihii 1:15 (xilliga dalka) galabnimo, xabado hoobiye ayaa kusoo dhacay gudaha dhismayaasha QM iyo AMISOM, waxaana ku dhaawacmay dhowr qofood.

“Waan ka naxay falkan argagixiso ee qaawan ee ka dhanka ah shaqaaleheena, kuwaa oo kala shaqeeyo dadka Soomaaliyeed arrimaha bani’aadanimada, nabadaynta, iyo horumarinta. Nasiib wanaag, shaqaaleheena badankood wax dhib ah ma gaarin. Waxaan u rajaynayaa saaxiibadeen dhaawaca ah inay si buuxda uga bogsoodaan dhaawacyadooda,” ayuu yiri Md. Swan. “Ma jiro wax loogu marmarsiyoodo falkaas waxashnimada leh ee xadgudubka ah, Qaramada Midoobayna waxaa ka go’an inay ku garab istaagto Soomaaliya ku-tallaabsiga waddada nabadda, xasilloonida iyo horumarka.”  

Ma jiro urur ilaa iyo hadda sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.