Arday ka qallin jabiyay jaamacadda oo hormuud ka ah mashuurc lagu qurxinayo bilicda Muqdisho

12 Aug 2017

Arday ka qallin jabiyay jaamacadda oo hormuud ka ah mashuurc lagu qurxinayo bilicda Muqdisho

Muqdisho – Maxamed Tahliil waa wiil dhallinyaro ah oo maskaxdiisu ka buuxdo fikrado wanaagsan. Wiilkan 27 jirka ah ee ka soo qallin jabiyay jaamacad waa mid ka mid ah shakhsiyaadka keenay “Ubaxa Caasimadda” oo ah mashruuc ay hormuud ka yihiin dhallinyaro. Mashruuca waxaa lagu doonaya in magaalada laga daaweeyo dhammaan dhaawacyada dagaallada, laguna soo soo saaro bilicdeeda.

“Ubaxa Caasimadda” oo ah mashruuc la bilaabay sanadka 2016-ka, waxaa uu isugu keena dhallinyarada si loo nadiifiyo magaalada Muqdisho lagana dhigo caasimad leh jawi macaan ee lagu noolaan karo.

“Anaga dhexdheenna ayaa is weyddiiyay waa maxay isbeddelka aan keeni karno haddii aan nahay dhallinyaro. Kaddib waxaa la imaannay fikirka ubaxa caasimadda. Waxaan bilownay in aan ubaxa ku abuurno waddooyinka muhiimka ah sida Maka Al-Mukarama iyo meelo kale,” ayuu yiri Maxamed.

Maadaama uu hormuud ka yahay mashruucan, Maxamed waxaa uu ku faraxsan yahay in dadaalkiisa uu miro dhalayo. Ishaada waxaa ay si sahlan ku dhaceysaa dhir la beeray iyo waddo dhowaan la rinjiyeeyay, waxaana howsha qabtay waa “Ubaxa Caasimadda”.  

“Ubaxa soo jiidasho ayay leeyihiin waxayna calaamad u yihiin nabad,” ayuu yiri Maxamed. “Anaga ayaa lacag iska uruurinnnay kaddibna waxaan abuurnay ubaxa. Marki hore, ubaxa lama deyri jirin oo xoolaha ayaa burburin jiray. Kaddib waxaan aan la imaannay qaab aan ku deyrno ubaxa,” ayuu ku daray. 

Maxamed waxaa fikirkan ku dhalisay baahida weyn loo qabo in dib loo soo celiyo bilicdii hore ee caasimadda Muqdisho ay lahayd, taasi oo uu sheekooyin badan ka maqlay. Maxamed wax badan kama xusuusto Soomaaliyadii dagaallada ka hor maadaama uu dhashay sanadka 1990, oo ah sanad un ka hor dagaallada sokeeye.  

Maxamed waxaa uu ka soo jeeda Cadaado ee gobolka Galgaduud. Asaga iyo qoyskiisa waxaa ay soo joogeen sanadaha Soomaaliya ugu mugdiga iyo dhibaatada badan, balse waxaa ay go’aansadeen in ay dalka joogaan.

Waxaa uu waxbarasho u doontay Muqdisho, kaddibna waxaa uu tagay waddanka Malaysia halkaas oo uu ka qaatay shahaadada Master-ka ee dhinaca Maamulka Ganacsiga. Wax yar kaddib markii uu qallin jabiyay, Maxamed waxaa uu ku soo laabtay Soomaaliya si uu gacan ka geysto dib u dhiska dalka. 

“Waxaan nahay dhallinyaro doonaya in ay isbeddel ku sameeyaan bilicda caasimaddooda, dhaawacyada iyo burburka ay geysteen dagaallada sokeeye,” ayuu yiri, asaga oo carrabka ku adkeeyay go’aankiisa ah in uu dalkiisa kaalin weyn ka geysto. “Waxaan jeclahay in aan arko Muqdisho oo la mid ah caasimadaha kale ee dunida. Waxaan rabnaa in aan dib u soo celinno quruxdeeda aana si dhammeystiran ka saarno dhaawacyada ay geysteen dagaallada sokeeye.”

Maxamed waxaa uu ka mid yahay kumanaanka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku howlan isbeddelka dalkooda iyaga oo u maraya howlo bulshada muhiimad weyn u leh. Soomaaliya oo ka mid ah waddamada dunida ugu dhallinyaro badan, waxaa ay ku tiirsan tahay dhallinyaradeeda,  kuwaas oo lagu qiyaaso boqolkiba 81.5 ee tirada guud ee bulshada.

Dhiirranaanta Maxamed iyo dadaalkiisa dhinaca wanaagsan waa waxyaabaha ay Qaramada Midoobay ku dartay ajeendooyinkeeda ee dhallinyarada. Qaramada Midoobay waxaa ay xoogga saareysa muhiimadda ka qayb qaadashada dhallinyarta howlaha dhismaha nabadda iyo horumarka ee Soomaaliya.

Dhiirranaanta Maxamed iyo dadaalkiisa dhinaca wanaagsan waa waxyaabaha ay Qaramada Midoobay ku dartay ajeendooyinkeeda ee dhallinyarada. Qaramada Midoobay waxaa ay xoogga saareysa muhiimadda ka qayb qaadashada dhallinyarta howlaha dhismaha nabadda iyo horumarka ee Soomaaliya.

Marka laga soo tago qurxinta caasimadda, Maxamed iyo ururkiisa dhallinyarada waxaa ay la shaqeynayaan Maamulka Gobolka Banaadir, si loo fuliyo ol’olaha ammaanka waddooyinka. Mashruucan waxaa ka mid ah calaamadeynta io rakibaadda calaamadaha waddooyinka si loo horumariyo ammaanka dadka maraya waddooyinka.

“Markaan rabnay in aan rinjiyeyno meesha waddada ay dadka ka gudbi karaan, waxaan macluumaad ka raadsaday ‘Google’ si aan u barto sida loo sameeyo,” ayuu yiri. Dadaal badan kaddib, meesha waddada ay dadka ka gudbi karaan waa la sameeyay. 

Inkastoo ay dadaalladan wadaan, waxaa jira dad dhinac khaldan wax ka eega. “Dadka qaar si khaldan ayay u fahmeen shaqada aan wadno. Markii ay arkaan anaga oo dhir beereyno, waxaa ay u maleeyaan in aan maalgelin ka helno hay’aadaha caalamiga ah. Balse waxaan ku dhahaa kani waa dalkeenna waana in aan anaga dhisanno, anaga oo aan ku tiirsaneyn taageerro dibadda nooga yimaado. Dal kasto waxa dhisaa dadkeeda. Waa mas’uuliyad anaga na saaran, ma ahan ajaaniibta, in Soomaaliya dib u dhiso,” ayuu carrabka ku adkeeyay. 

Maxamed iyo ururkiisa dhallinyarada waxaa ay qorsheynayaan in ay ballaariyaan mashruuca qurxinta iyo ammaanka waddooyinka oo ay geeyaan caasimadaha dowlad goboleedyada Soomaaliya. Mashruucyadan marka laga soo tago, ururka waxaa uu dhallinta u qabanqaabiya ciyaarro iyo howlo kale. Dhowaantan, waxaa ay dhallinyarada 17-ka degmo ee Muqdisho u abaabuleen xafladda nabadda.

“Anaga oo adeegsaneyno xafladda, waxaan isku keennay dhallinyarada xaafadaha kala duwan ee Muqdisho si ay u ciyaaraan ayna isku bartaan. Tani waxaa ay ka mid tahay howlaha dhismaha nabadda waxaa ayna dhallinta ka caawineysaa in ay gartaan waxaa ay qaban karaan,” ayuu yiri Maxamed.

Waxaa uu intaasi ku daray in howlahan ay ku dhiirrigeliyaan dhallinyarada in ay caafimaadkooda la socdaan ayna ka fogaadaan falalka dambiyada. “Ujeedkeennu waa in aan wakiil u noqonno Soomaaliya, in aan dhisno kalsoonida dhallinyarada iyo fahamka ah in aan dhammaanteen muhiim u nahay dalkeenna aana gacan ka geysan karno horumarkiisa.”

Qaramada Midoobay waxaa ay si rasmi ah u garwaaqsan tahay horumarinta dhallinyarada in ay tahay mid ka mid ah waajibaadkeeda. Soomaaliya marka la eego, QM waxaa ay aqoonsan tahay kaalinta muhiimka ah ee ay dhallinyarada ka geystaan dhinaca nabadda, iyo geeddi-socodka dhismaha dalka.