Wiil dhallin ah oo ku howlan ol’olada dhallinyarada Soomaaliyeed

12 Aug 2017

Wiil dhallin ah oo ku howlan ol’olada dhallinyarada Soomaaliyeed

Lixdii sano ee ugu dambeysay Maxamed Arshaad Ibraahim wuxuu hormuud u ahaa dadaalada loogu jiro abaabulka iyo taabagelinta dhalinyarada Soomaaliyeed. Maxamed waxaa uu Agaasime Guud ka yahay Ururka Waxbaridda Dhalinyarada ee Youth Peer Education Network (Y-PEER Somalia) oo ah hay’ad isku keenta dhalinyarada iyo ururrada dhalinyarada sidoo kale na qabato barnaamijyada waxbarashada dhalinyarada. 

“Waxaa aan xubin ka nahay ururka caalamiga ah ee Dhalinyarada, Nabadda iyo Amniga, waxaana u ol’oleynaa sida dhalinyarada waddanka ay qayb uga noqon lahaayeen talada dalka, heer degmo, heer degmo iyo heer qaranbo,” ayaa yiri Maxamed oo 28 jir ah.

Shaqada hay’adda waxaa ay waafaqsan tahay farriinta Qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay 2250 (2015), taasi oo dowladaha xubin ka ah QM ugu baaqeysa in dhallinyarada qayb ka noqdaan geeddi-socodka nabadda iyo xallinta khilaafaadka.

 “Markii ay falanqeeyaan waxyaabaha iyaga saameeyn ku leh dhalinyarada waxaa ay la yimaadaan xal oo ay la wadaagi karaan dowladda iyo sidoo kale beesha caalamka,” ayuu yiri Maxamed. 

Maxamed ayaa xusay in ururada dhalinyarada oo waayadani ku soo badanayaan Soomaaliya, waxaa uuna sidoo kale aaminsan yahay in ururadani ay kaalin ka qaadan karaan ajendayaasha waddanka ee ku saabsan nabadda iyo horumarka.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ka mid ah howlaha Y-PEER diiradda lagu saaro waxaa ka mid ah ol’ole ka dhan ah xagjirnimada halkaasi oo ay dhallinyarada u nugul ka wacyi geliyaan ku biiridda kooxaha argagixisada ah. Maxamed waxaa uu si xooggan u rumeysan yahay in loo baahan yahay in dhalinyaradu ay dowr muhiim ah ka ciyaaraan dhisidda nabadda iyo xalinta khilaafaadka. “Waxaa aan rajeynayaa Soomaaliya oo xasillooni iyo nabad ka jirta halka muwaadin kasta xuquuqdiisa la ilaalinayo oo qof kastana hammigiisa uu gaaro,” ayuu yiri.  

“Haddaan nahay dhallinyarada waxaa aan hiigsaneynaa Soomaaliya oo ka horumartay dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka kuwaasi oo daboola baahida dadka. Waxaa aan dooneynaa Soomaaliya oo leh dowlad wanaagsan taasoo kor u qaada sinaanta sidoo kale na ilaalisa xorriyadda shacabka,” ayuu yiri Maxamed.

Hawlaha ay Y-PEER Somalia qabato ma ku koobno u ololeynta nabadda oo kaliya. Hay’adda waxaa ay sidoo kale qabataa tabobaro ay dhalinyarada wax kaga bareyso arrimaha ku saabsan nadaafadda iyo caafimaadka taranka si ay nolol fiican ugu noolaadaan oo ay qayb uga noqdaan dalaalada loogu jiro horumarinta Soomaaliya. Y-PEER waxaa ay hadda ka hawlgashaa caasimada Muqdisho, Puntland iyo Soomaaliland waxaa ayna sidoo kale qorsheyneysaa in ay hawlgasho caasimadaha maamul goboleedyada kala ah Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.  

Qaramada Midoobay waxaa ay si rasmi ah aqoonsan tahay in horumarinta dhallinyarada ay tahay mid ka mid waxyaabaha ugu muhiimsan ee waajibaadkeeda ka mid ah. QM waxaa ay aaminsan tahay wax ka qabashada baahida dhalinyarada Soomaaliyeed in ay  muhiim tahay si Soomaaliya looga helo nabad iyo xasilooni waarta. Sanadihii ugu dambeeyey QM waxaa ay ka shaqayneysay xoojinta barnaamijyada dhalinyarada iyo taabagelinta dhalinyarada Soomaaliyeed si ay qayb uga noqdaan nabad dhisidda iyo dowlad dhisidda.