Aways Axmed Sardheeye: Xildhibaan da’yar oo u qareema arimaha dhallinyarada

19 Dec 2019

Aways Axmed Sardheeye: Xildhibaan da’yar oo u qareema arimaha dhallinyarada

Aways Axmed Sardheeye waa xubin fir fircoon oo ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxa uu had iyo goorba u taagan yahay inuu noqdo codka dhallinyarada Puntland.

Hayeeshee waddada uu usoo maray heliddda xubinimada baarlamanka Puntland maahayn mid u sahlan sida ay u muuqato.

“ Waligay waxan ahaa qof aaminsan naftayda, waana ogaa inaysan shaqo fudud ahayn inaan xubin ka noqdo baarlamaanka Puntland” ayuu yiri xildhiban Aways.

“ Waxaan wajahay odayaal dhaqameedkayga, si aan uga codsado inay ii xulaan xubin kamid ah baarlamaana Puntland, laakiin taasi way ka gows qabsadeen ayagoo ku doodaya inaan ahay qof da’yar ama aysan dhallinyaradu door muuqda ku lahayn siyaasadda. Taasi waxay dhacday in ka badan hal mar” ayuu intaa raaciyay. “ Laakiin waligay isma dhiiban mana ka quusan inaan ku guulaysto kursigan.”

Xildhibaankan da’ada yar wuxuu kamid ahaa xildhibaanno da’yar oo ka badan tobaneeyo kuwaasoo nasiib u yeeshay inay xubno ka helaan baarlamaanka Puntland bishii December 2018.  Waxay tani u ahayd dhallinyarada Puntland guul aan horay u dhicin, wuxuuna baarlamaanka Puntland noqday baarlamaanka leh xubnaha dhallinyarada ee ugu badan marka la bar bardhigo baarlamaannada maamullada kale ee dalka.  Puntland oo leh 66 xubnood oo baarlamaan ayaa iminka dhallinyaradu waxay ku leeyihiin xubno dhallinyaro gaaraya 20 kuwaasoo da’adoodu ka hoosayso 35.

Dadaalladiisii Hore

Mudane Sardheeye, wuxuu ku dhashay Muqdisho sanadkii 1986, hayeeshii wuxuu ku bar baaray magaalada Galkayo, balse wuxuu dagganaa caasimadda Puntland ee Garoowe sanadihii ugu danbeeyay.

“ Waxaan iskuulkaygii kusoo qaatay Gaalkacyo.  Waxan sidoo kale labadii heer ee jaamacaddayda ku qaatay magaalada Gaalkacyo. Waxaan ku takhasusay Maamulka iyo Maaraynta” ayuu yiri. “ Waxaan bilaabay u qareemidda dhallinyarada anigoo da’daydu yar tahay”

Hadafka iyo ujeedooyinka xildhibaan Aways ayaa waxay ahayd inuu cod dheer ku sheego arimaha dhallinyarada inta uu ku jiro shaqada baarlamaanka.  Mudane Sardheeye wuxuu ahaa guddoomiyihii hore ee Dalladda Ururada Dhallinyarada Puntland (PYAN)- oo ahaa urur aan dawli ahayn oo isku xira toban dalladood iyo ururo ka badan 80 oo ka jira dhammaan Puntland.

“Intii aan hoggaanka hayay, PYAN waxay laba jibbaartay dadaalladii ay ugu qareemaysay dhallinyarada, isla markaana ay ku dhiiri galinaysay is dhexgalka dhallinyarada, tabobaridda dhallinyarada, iyo la dagaallanka argagixisada.  Anigoo taageero ka helaya dhallinyarada aan wada shaqaynta lahayn, waxaan guulo wax ku ool ah ka gaarnay inaan codka dhallinyarada Puntland gaarsiino maqam sare,” ayuu yiri Aways.

Xildhibaanku wuxuu carabka ku adkeeyay doorkiisa hadda ee u qareemidda iyo kobcinta awoodda dhalinyarada inay kasoo bilaabatay khirbaddiisii PYAN oo ay ku jirtay ujeedooyinkeeda horumarinta siyaasad loo dhan yahay.  Dadaalka ururka dhallinyarada ee sare u qaadidda ka qayb galka siyaasadda ee dhallinyarada  wuxuu sidoo kale ka bilowday dar dargalinta iyo u qareemidda in dhallinyarada doonayay inay kamid noqdaan golayaasha deegaanka magaalooyinka waawayn ee Punntland. Dhallinyarada waxay matalaad fiican sidoo kale ka heleen golayaasha deegaanka ee magaalooyinka Galkayo, Bosaso iyo Garowe halkaasi oo ay dhallinyarada ka heleen ku dhawaad matalaad 50 boqolkiiba ooay kusoo bexeen dad kayar 35 sano.

Mudane Sardheeye, waxa uu xusay in dadaalkooda dhallinyarada uu kamid ahaa olole ay dhanka baraha bulshada kasameeyeen kaasoo lamagac baxay ‘ Fursad Sii Dhallinyarada’ waxana ololahaasi uu noqday mid najaxay, waxana uu sare u qaaday ama saameeyay go’aamada odayaasha dhaqanka.

“Inkastoo dhallinyarada si guud loogu gacan bidxeeyo siyaasadda iyo go’aamada la xiriira, dhallinyarada Puntland waxay u arkaan in ololihii ay soo wadeen uu si tartiib tartiib ah u miro dhalayo” ayuu yiri xildhibaanka. “ Dhallinyarada waxay u baahan yihiin fursado dhab ah oo ay uga qayb galaan qorshahyaasha siyaasadeed si ay uga qayb qaataa horumarinta bulshada.”

Dadaalka iyo fir fircoonida uu muujiyay Xildhibaanku waxay u horseedday inuu kursi ka helo Guddiga arimaha Bulshada ee Baarlamaanka Puntland, halkaasi oo uu wali kasii wado inuu u dodo arimaha dhallinyarada sida shaqo laa’anta, argagixisada, iyo haajiridda. Xataa arintaasi wuxuu hor geeyay madaxda sare ee maamulka Puntland.

“Waxaan kulan la qaatay madaxwaynaha Puntland oo aan usoo jeediyay inuu mudnaan gaar ah siiyo dhallinyarda xirfadda iyo aqoonta leh ee Puntland” ayuu yiri Mudane Sardheeye. “ Madaxwaynuhu wuxuu illaa hadda jagooyin muhiim ah u  magacaabay wasiiro iyo agaasimayaal dhallinyaro ah.”

Sanadkii 2018 waxaa lagu dhawaaqay Istiraatijiyadda Qaramada Midoobay ee dhallinyarada  taasoo lagu saleeyay aasaaska  xuquuqda aadahana iyo in qof walba oo dhallinyaro ah la xaqiijiyo; iyo in la hubiyo in qof walba oo dhallinyaro ah awooddiisa kor loo qaado si ay guulo buuxa u gaaraan; iyo in la aqoonsado wakiillada dadka dayada yar, soo kabashadooda iyo dadaalladooda inay yihiin wakiillada is beddelka. Istiraatijyadda waxay ujeedkeedu tahay inay sare u qaaddo ficillada heer calami iyo mid qaran ee la doonayo in baahiyaha dhallinyarada lagu gaaro, lagu xaqiijiyo xuquuqdooda  .