Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa [Kulamo] Wadatashi ah ku Yeeshay Garowe

18 Dec 2019

Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa [Kulamo] Wadatashi ah ku Yeeshay Garowe

Garowe – Wakiilo kala matalayay Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Gobaleedka IGAD, iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta booqasho ku tegay Puntland, waana kulankii afaraad ee kamid ah kulamo wadatashi ah oo taxane ah oo ka kala dahacayay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Annagoo sugeyna sanadka 2020ka, iyo sida uu u noqon doono sanad muhiim u ah Soomaaliya, ayaan dalka oo dhan kulamo kula yeelanaynay dad kaladuwan oo ay hawshu khusayso, si aan u dhageysanno aragtiyadooda ku aaddan sida sanadka soo socdo lagu gaari karo arrimaha muhiimka ah ee hortabinta qaran leh.

Arrimahaas waxaa ku jira diyaarinta doorashooyin ‘qof-iyo-cod’ ah, dhameystirka Dastuurka Federaalka ah, sii socoshada horumarka ku aaddan [xaqiijinta] deyn cafinta, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wakiilada beesha caalamka qaarkood ee taageerada dhinacyada badan leh u fidiya Soomaaliya waxay halkan Puntland u yimaadeen inay ogaadaan aragtiyada ay qabaan madaxda Puntland, odayaal dhaqameedyada iyo bulshada rayidka ah. Kulamo wadatashi ah oo lamid ah kulankan ayaan horay ulasoo yeelannay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Jubaland iyo madaxda qaranka iyo Madaxweyne Xaaf ee Galmudug.

Wadatashiyadan ayaa ahaa fursad aan si toos ah uga dhageysaneynay dadka ay hawshu khusayso sida loo xaqiijin karo arrimaha hortabinta qaran u leh Soomaaliya, iyo sida looga gudbi karo caqabadaha. Waxaan dadka Puntland uga mahad celinaynaa soo dhoweynta diiran ee ay noogu sameeyeen Garowe annagoo soo gunaanadayno booqashooyinkeenna.

Sanadka 2020ka wuxuu Soomaaliya u noqon karaa sanad taariikhi ah haddii dhammaan madaxda Soomaaliyeed, hay'adohooda iyo bulshadaba ay ka wada hadlaan halkii loo dhaqaaqi lahaa.

Waxaan sii wadi doonnaa in aan Soomaaliya ku garab istaagno sidii lagu xaqiijin lahaa in sanadka 2020ka uu noqdo sanad taariikhi u ah dalka, iyo in uu noqdo sanad u suurto geliya Soomaaliya inay horey ugusii socoto tubteeda hore-u-socodka.