Axmed Cabdi Cismaan ‘Faroole’: aragtiyahan da’ yar oo mustaqbalka Soomaaliya wax uga bedelaya u doodidda degaanka

24 Jun 2023

Axmed Cabdi Cismaan ‘Faroole’: aragtiyahan da’ yar oo mustaqbalka Soomaaliya wax uga bedelaya u doodidda degaanka

Muqdisho – Soomaaliya waxa ay la ciirciiraysaa musiibooyin cimilo oo is dabajoog ah kuwaas oo dhaliyey xaalado bini’aadanimo oo daran oo daba dheer. Abaaro, macluul iyo fatahaado ayaa dalka ku habsaday, waxaanay soo jiiteen dareenka iyo wax ka qabashada Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobey. 

Hase ahaatee, xilli ay Soomaaliya ku dhex jirto caqabado badan, koox kale ayaa kaalinteeda kasoo baxaysa: waana dhallinyaradeeda. Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaa ka mid ah shakhsiyaadka muuqda ee u dhaqdhaqaaqa arrimahan sida Axmed Cabdi Cismaan 'Faroole'.

“Dalkeennu waxa uu wajahayaa caqabado badan oo la xiriria isbeddelka cimilada ah sida abaaro, macluul iyo fatahaado. Waxaa tusaale inoogu filan dhibaatadii dhowaan ka dhacday magaalada Beledwayne ee fatahaada webiga Shabeelle. Qoyskayga ayay sidoo kale saameeysay, ayuu yirii. "Waxaan doortay inaan noqdo qof u dhaqdhaqaaqa degaanka si aan u beddelo aragtida dadkeenna ee arrimahan."

24-jirkan ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1998-kii, iyadoo xilligaasi ay socdeen rabshado ka dhacayey caasimadda Soomaaliya oo ay dagaallo sokeeye ka socdeen.

Ilaa yaraantiisii, waxa uu la socdey xaaladda degaanka dalka, taasoo ay ugu horreeyso saamaynta xun ee dagaalladii sokeeye ee uu usoo joogeynaa, kaddibna, saamaynta baaxadda leh ee isbeddelka cimiladu ku yeeshay qaybta degaanka ee waddankiisa oo awalba liidatey. 

Mudane Cismaan waxa uu wax ku bartay Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Al-Imra intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2017, kaddibna waxa uu u sii gudbey Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee SNU. Waxa uu ku qalinjebiyey oo shahaadada koowaad ka qaatay cilmiga beeraha iyo degaanka 2022-kii, isaga oo ka qaatay Kuliyadda Beeraha iyo Sayniska Degaanka ee SNU – wuuna sii ogaa dariiqa mihnadeed ee uu doonayey inuu cayrsado.

"Ujeedkaygu waa inaan ka faa'iidaysto waxbarashadayda si aan isbeddel macno leh uga sameeyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca yaraynta isbeddelka cimilada iyo la qabsiga. Dhallinyaradu waxay door muhim ah ka ciyaaraan sidii loola tacaali lahaa caqabaddan caalamiga ah," ayuu yiri Cismaan. 

“Dhallinyarada ayaa ah kuwa dhaxli doona dhibaatooyinka ka dhasha xasaraddan, annaga ayayna noo taallaa inaan xal u helno. Waxaa iga go'an inaan la shaqeeyo dhalinyarada saaxiibadayda ah si aan isbeddel u sameeyo," ayuu raaciyey.

Dhaqdhaqaayadii hore

Dhaqdhaqaaqa isbeddelka cimilada ee ninkan dhallinyarada ah ayaa bilaabatay xitaa kahor qalin-jebinta. Dabayaaqadii sannadkii 2021-kii, waxa uu aasaasay Ururka Somali Environmental Forum (SEF), oo ah urur aan dowli ahayn (NGO). 

“SEF waa urur ay hoggaaminayaan dhallinyaro ay ka go’an tahay inay kor u qaadaan wacyiga ku saabsan degaanka iyo isbedelka cimilada Soomaaliya. Waxaanu qabanqaabinnaa munaasabado iyo ololayaal aanu bulshada kaga wacyigelinayno arrimahan adag,” ayuu yiri Cismaan, waxaanu raaciyey “Shaqadeennu waxay ka kooban tahay wacyigelin, karti-dhisid iyo dhir beeris.”

SEF waxay horeba horumar uga samaysay cagaarinta ama dhiraynta qaybo ka mid ah Soomaaliya. Xubnaheeda iskaa wax u qabso ah ayaa boqollaal geed ku beeray iskuullo, isbitaallo iyo jaamacado ku yaalla todoba degmo oo magaalada Muqdisho ah.

“100 geed ayaanu ku beernay Iskuulka 21-ka Oktoobar, Dugsiga Hooyga Xamar, iyo Dugsiga Jabuuti, sidoo kale 150 geed ayaanu ku beernay Isbitaalka Martiini, 200 oo geedna waxaan ku beernay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, 100 geed ayaan ku abuurnay Isbitaalka Banaadir, 100-kalena waxaan ku beernay Isbitaalka Martiini. Jaamacadda SIMAD xarunteeda magaalada,” ayuu yiri Cismaan, oo ay hanwayni codkiisa ka muuqato.

Sidoo kale, iyagoo la kaashanaya hay’ado ay ka mid yihiin Save the Children iyo Dalladda NGO-yada Soomaaliyeed ee 2022 iyo 2023, SEF waxay qabatay aqoon-is-waydaarsiyo iyo tababarro la xiriira dhallinyarada, nabadda, iyo degaanka Soomaaliya, iyadoo xoogga la saaray xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada iyo nabad-dhisidda. , dhallinyarada, iyo guud ahaan horumarka dalka.

Adeegsiga Baraha Bulshada

Isaga kaashanaya aqoon sare, Cusmaan waxa uu adeegsadaa Baraha Bulshada – gaar ahaan labada degel ee ugu caansan Soomaaliya: Facebook iyo Twitter – iyo sidoo kale baraha wararka ee soo jireenka ah, sida raadiyaha iyo TV-ga, si uu ugu faafiyo wacyigelinta ilaalinta degaanka Soomaaliya. 

Bishii Febraayo, SEF waxay qabatay dood cilmiyeed ka dhacay Twitter Space, cinwaankeeduna yahay 'Haweenka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya.' Oktoobar 2022, NGO-ga, oo kaashanaya Astaan TV, ayaa soo qabanqaabiyey dood-cilmiyeed taxane ah, oo cinwaan looga dhigay 'Soomaaliya iyo La qabsiga Isbeddelka Cimilada. ” Waqcaddan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad ka kala koobnaa madax sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo aqoonyahanno, iyo dadwayne aad u fara badan.

"Tillaabooyinkan waxaa loola dan lahaa in kor loo qaado wacyiga iyo in la kobciyo doodo macno leh oo khuseeya arrimaha degaanka," ayuu yiri Cismaan.

"Tillaabooyinkan waxaa loola dan lahaa in kor loogu qaado wacyiga iyo in la kobciyo doodaha macnaha leh ee khuseeya arrimaha degaanka," ayuu yiri Cismaan.

Sida uu qabo, Soomaaliya waxaa horyaalla shaqo badan oo ku aaddan sidii degaanka iyo isbeddelka cimilada looga dhigi lahaa arrimaha ugu horreeya ee tixgelinta la siinayo maadaama dalku uu doonayo inuu dhiso mustaqbal xasilloon, nabdoon misna barwaaqo ah. Wuxuu xusay in inkasta oo Soomaaliya ay dib uga dhacday wax ka qabashada isbeddelka cimilada, haddana ay si wanaagsan u bilowdeen, loona baahan yahay in la kobciyo dadaalladaas.

“Dhibaatada cimiladu waa xasarad caalami ah, Soomaaliyana dadaal ayay waddaa,” ayuu yiri, “Tusaale ahaan, Dowladdu waxay dhistay Wasaarad u xilsaaran degaanka iyo isbedelka cimilada oo ay ka go’an tahay inay wax ka qabato caqabadahaas.''

In kasta oo Cismaan uu qabo in guud ahaan la isku raacsan yahay in Soomaaliya, sida dalal badan oo kale oo soo koraya, ay qiimo wayn ku bixinayso isbeddelka cimilada ee ay sababeen dalalka hore u horumaray, haddana waxa uu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay sidoo kale leedahay masuuliyadda Soomaaliya.

"Kumannaan sano, Soomaali ahaan waxaan ka qaybqaadannay xaalufka degaanka, xaalufinta dhirta, nabaad-guurka ciidda, xaalufka dhulka, iyo maaraynta qashinka oo aan ku filnayn waxayna ahaayeen arrimo iska socda. Hadda waxaa la joogaa xilligii isbedel lagu samayn lahaa maskaxda dadka," ayuu yiri. "Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso caqabado waawayn, go'aanka ah in arrimahan si toos ah wax looga qabto ayaa ka tarjumaysa wacyiga sii kordhaya iyo go'aanka lagu ilaalinayo degaanka Soomaaliya."

Xaqiiqada ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku fooggan yihiin doodadaas waxaa soo dhoweeyey Qaramada Midoobey.

"Ka qaybgalka dhallinyaradu waa muhim maadaama ay yihiin hoggaamiyeyaasha soo socda iyo bulshooyinka dhaxlaya saamaynta isbeddelka cimilada. Keenista codadka dhallinyarada sida Faroole ayaa fure u ah in hoggaamiyayaashu ay fahmaan heerka uu gaarsiisan yahay isbeddelka u baahan inuu dhaco, laakiin sidoo kale dhallinyaradu waa kuwa leh xalalka iyo fikradaha si isbadalkaasi u dhaco,” ayuu yiri Christophe Hodder, La-taliyaha Amniga Cimilada ee Qaramada Midoobey.

QM iyo isbeddelka cimilada

Marka loo eego Barnaamijka Degaanka ee Qaramada Midoobey (UNEP), nabaad-guurka dhulku waa arrin muhim u ah degaanka Soomaaliya, oo si dhow ula xiriirta xaalufka, abaarta iyo hab aan sii waari karin oo lagu dhaqo xoolaha iyo beeraha. Cunto yarida iyo hab-nololeedka, haraaga halista ah ee suurtogalka ah, maaraynta badda iyo xeebaha, yaraynta iyo maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah ayaa ah walaac kale oo degaanka khuseeya.

"Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa isbeddelka cimilada, waxaana marba marka ka dambaysa lagu arkayaa naxdin la xiriirta cimilada - sida fatahaadda dhowaan ka dhacday Beledwayne - taasoo wiiqaysa isku dayadii dowlad-dhisidda iyo nabadda," ayuu yiri Mudane Hodder.

"Iyada oo saadaasha 2080-ku ay soo jeedinayso in waddanku uu gaari doono inta u dhaxaysa 1.4 iyo 3.4 kor u kac heerkulka celceliska ah, halka aan rajaynayno in la haysto 50 boqolkiiba ka yar biyaha uu u baahan yahay dalku," ayuu raaciyey, "tillaabo deg deg ah ayaa loo baahan yahay si loo leexiyo isbeddelladan iyo in la taageero bulshooyinka si ay ula jaanqaadaan xaqiiqooyinkan isbeddelaya.” 

Howlgalka Qaramada Midoobey ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ayaa safka hore kaga jira wax ka qabashada arrimaha cimilada Soomaaliya. Waa mid ka mid ah howlgallada siyaasadeed ee gaarka ah ee dunida ka socda iyadoo luuqadda la xiriirta cimilada lagu darayo waajibaadkeeda, waxayna howshaa hormuud ka ahayd tan iyo 2020-kii, markii ay noqotay in la diro howlgalkii ugu horreeyey ee la diro La-taliyaha Degaanka iyo Cimilada - Mr. Hodder - oo u heellan hirgelinta ujeedooyinkan muhiika ah. 

Qaramada Midoobey ayaa xusaysa Maalinta Degaanka Adduunka ee 5-ta bisha Juun sanad walba, kaddib qaraar kasoo baxay Golaha Guud oo ku tilmaamay sidaas oo kale kuna boorriyey “Dowladaha iyo ururrada ku jira nidaamka Qaramada Midoobey inay maalintaas sanad walba qabtaan waxqabadyo caalami ah oo dib u xaqiijiya dareenkooda ilaalinta iyo tayaynta degaanka, iyadoo ujeedadu tahay in la sii qoto dheereeyo wacyiga iyo ka warqabka degaanka.”

Sidoo kale 17-ka Juun, Qaramada Midoobey waxay xusaysaa Maalinta Adduunka ee La-dagaallanka Saxaraha iyo Abaaraha, si loo muujiyo xaalufka oo ah arrin iyana caalami ah, oo saamayn halis ah ku leh adduunka oo dhan iyo kala duwanaanshaha noolaha, badbaadada degaanka, ciribtirka faqriga, xasilloonida dhaqan-dhaqaale iyo horumar waara.