Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo Shirka Golaha Ammaanka uga baaqday taageero dheeraad ah oo la siiyo Soomaaliya

23 Jun 2023

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo Shirka Golaha Ammaanka uga baaqday taageero dheeraad ah oo la siiyo Soomaaliya

New York – Inkastoo guulo laga gaaray Wax ka qabashada Argagixisada iyo horumarinta hannaanka doorashada Soomaaliya, hadana mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay waxay Golaha Ammaanka Khamiistii ugu digtay in loo baahan yahay dadaal dheeri ah iyo maalgelin, si wax looga qabto khataro badan, laga soo billaabo qalalaasaha cimilada ilaa xasarado xiriirsan, iyada oo ay dhibaatooyin cunto soo food leeyihiin.

"In kasta oo caqabado iyo khataro badan ay soo gudban yihiin, waxaa sidoo kale jira fursado badan, waxaana ku boorrinayaa dhammaan saaxiibbada caalamka inay guntiga giijiyaan oo ay taageero dheeraad ah siiyaan dadka," ayey tiri Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Marka laga hadlo xaaladaha ammaanka ee haatan jira, Marwo Laing, oo sidoo kale madax ka ah Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa walaac ka muujisay weerarrada argagixiso iyo sidoo kale colaadda, iyadoo ay ku jirto tan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Iska horimaadyada hubeysan ee halkaasi, ayaa ku sii jiray heerar kala duwan oo fidid ah, kuwaas oo dhaliyey khasaare baaxad leh, burbur gaaray kaabayaasha dhaqaalaha iyo barakaca dadka rayidka ah, sida lagu sheegay Warbixintii ugu dambeysay ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ka soo saaray xaaladda.

Ilaa hadda, waxaa la soo weriyey khasaaraha 308 qof oo ah rayid ay waxyeello gaartay, iyadoo ay isugu jiraan 36 qof oo la dilay iyo 272 kale oo la dhaawacay, ayey tiri Marwo Laing.

Guulo la gaaray

Iyadoo ka warramaysay dhowr horumarro siyaasadeed oo togan ah, waxay guudmartay "Horumarka Muhimka ah" ee Dowladda Federaalka ah ee horumarinta hor-tebinnada qaran ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan hannaanka doorashada, iyo hoggaankeeda (Dowladda) ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dadaallo ayaa kooxda argagaxisada ah looga faramaroojiyey qaybo ka mid ah dalka “balse Al-Shabaab weli waa halis daran,” ayey ku digtay Marwo Laing, iyadoo farta ku fiiqaysa weerarrada Argagixisada, oo uu ku jiro kii dhimashada badan dhaliyey ee horraantii Juun lagu qaaday hoteelka Pearl Beach Hotel ee magaalada Muqdisho.

"Saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadka 2023 ayaa sidoo kale lala kulmay tirada ugu badan ee weerarrada walxaha qarxa, tan iyo 2017," ayey tiri.

Taageero dheeri ah ayaa loo baahan yahay

Hawlaha xasilinta ee socda ee la xiriira goobaha dhowaantan laga xoreeyay Al-Shabaab waxay u baahan doonaan taageero, ayey tiri, iyadoo intaas ku daraysa in UNSOM ay sare u qaadday gurmadkeeda arrintan.

"Caqabad ayaa weli ku gudban raagidda guulahan," ayey sii raacisay.

Dadaallada lagu xasilinayo goobaha laga saaray kooxda argagixisada waxay u baahan doonaan amni-sugid joogto ah, adeegyada aasaasiga ah, dib-u-heshiisiin, iyo geeddi-socodyo siyaasadeed iyo dowlad-dhis muddada fog ah, ayey tiri.

Iyadoo sharraxaysa qorshaha kala-guurka ee saddexda waji ah, ayay sheegtay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay qaybta ammaanka, taas oo ay tahay in la tixgeliyo qorshayaasha suurtagalka ah ee dhimista Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo in ugu dambeyntii UNSOM lagu wareejiyo kooxaha Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka.

Dhanka kale, xaaladda bani'aadannimo ayaa weli ah "mid halis ah," ayey tiri. Iyadoo howlgalka hadda socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka qeyb qaatay horumarinta amniga, ayay sheegtay in laga soo bilaabo Jannaayo ilaa Maarso, 430,000 oo qof ay ku barakaceen colaado halka 580,000 oo qofna ay ku nool yihiin dhulalka ay maamulaan dhinacyada hubaysan ee aan dawladda taabacsanayn.

Intaas waxaa dheer, qalalaasaha cimilada waxa uu noqonayaa mid aad u sii daran, haweenkuna waxay weli u baahan yihiin matalaad ku habboon dhinacyada siyaasadda, nabadda, iyo amniga, ayay ku digtay. 

"Matalaadooda ayaa loo baahan yahay in la qaabeeyo," ayey tiri, iyadoo farta ku fiiqday Soomaaliya inay ku guuldareysatay inay fuliso ballanqaadkeedii ahaa in 30 boqolkiiba haweenka ay matalaad ka helaan doorashooyinka federaalka.

Sugnaan la’aan cunto

Sidoo kale iyadoo u xog-warramaysay golaha ayey agaasimaha fulinta ee barnaamijka cuntada aduunka (WFP) Cindy McCain, waxay sheegtay in colaadaha iyo xasillooni darrada dalka ka jira ay burburiyeen inta badan kaabayaashii aadka loogu baahnaa si loogu taageero soo saarka iyo qaybinta cuntada. 

"Soomaaliya waxaa sannadkii 2022 laga soo celiyay godkii macaluusha, sababtoo ah beesha caalamku waxay aragtay calaamadaha digniinta ah oo shidaya casaan, waxayna u degdageen inay ka jawaabaan," ayey tiri. "Balse, hadda waxaan halis ugu jirnaa inaan lumino guulihii dahabiga ahaa ee aan ka soo gaarnay maalmihii gudcurka ahaa ee sannadkii hore." 

Iyadoo dib u jalleeceysa booqasho ay dhawaan dalka ku tagtay, ayaa waxay sheegtay, colaad, cabsi, iyo macaluul "ayaa ah xaqiiqo maalinle ah oo halkaas ka jirta", iyadoo hooyooyin ay la hadashay ay uga sheekeeyeen in nolosha dhammaan xoola dhaqatada ay abaartu cagta marisay, kooxaha argagixisaduna ay askareeyaan carruurta ay da'doodu ka yar tahay 11 sano jirro.

Xaaladda degdegga ah ee sii kordhaysa 

Tan iyo billowgii 2022, colaadaha ayaa sababay in ka badan hal milyan oo qof ay gudaha ku barakacay iyo masiibooyinka cimilada ayaa uga sii daray 2.1 milyan oo barakacayaal ahaa saddexdii sano ee la soo dhaafay, ayey tiri.

Xogtii ugu dambeysay ee sugnaanta cuntada ayaa muujineysa in sugnaan la'aanta cuntada ay ku sii kordheyso guud ahaan Soomaaliya, iyadoo in ka badan 6.6 milyan oo qof - saddex meelood meel ka mid ah tirada dadka dalka u dhashay - la filayo in ay wajahaan dhibaato ama heerar ka sii daran oo gaajo, oo ay ku jiraan 40,000 oo qof oo u halgamaya in ay ka badbaadaan xaalado macluul oo kale ah.

Waxaa xataa ka sii daran, 1.8 milyan oo carruur ah ayaa la saadaalinayaa inay la dhibtoodaan nafaqo-xumo ba'an sanadka 2023, ayey tiri Marwo McCain.

Iyadoo guudmaraysa qorshe hawleed wax looga qabanayo xaaladda degdegga ah ee sii kordheysa ee halista ah, waxay sheegtay in dadaallada wadajirka ah ay waajib tahay inay xaqiijiyaan gaarsiinta gargaarka oo badbaadin ah, iyadoo Golaha Ammaanku uu hogaaminayo in la sugo gaaridda gargaar bani'aadannimo oo aan la carqaladayn oo ay helaan dhammaan bulshooyinka nugul ee Soomaaliya. 

Ka gudbidda xaaladda qallafsan 

Intaa waxaa dheer, kaalmada cunnada waa in la waafajiyaa maalgelinnada dib loogu dhisayo hab-nololeedyada, lagu xoojinyo  adkeysiga, laguna taageerayo barnaamijyada la qabsiga cimilada, ayey carabka ku adkaysay madaxa WFP.

Waxay ugu baaqday Dawladaha xubnaha ka ah Golaha Ammaanka inay si degdeg ah gacan uga geystaan qorshaha gurmadka bani'aadannimo ee dalka, kaas oo dhab ahaantii aan si ku filan loo maalgelin.

“WFP ahaan, waxaa nalagu qasbayaa inaan dhinno barnaamijyadeenna Kaalmada naf-badbaadinta, isla marka aad loogu baahan yahay,” ayey tiri Marwo McCain, iyadoo raacinaysa in hay'addu, bishii Abriil, ay hoos u dhigtay kaalmada oo ay siiyeen saddex milyan halka ay bishiiba gargaar u fidin jireen 4.7 milyan oo qof.

"Haddii aan la helin lacag caddaan ah oo dheeraad ah oo degdeg ah, waa inaan mar kale jarno liisaska qaybinta bisha Luulyo oo aan ka dhigno 1.8 milyan bishii," ayay sii raacisay, iyadoo ku carabka ku adkaynaysa in haddii la helo dhaqaalaha loo baahan yahay, ay hay’adda WFP ay "ka beddeli doonto dhimistan halista nafeed leh" oo ay sii wadi doonto taageeridda malaayiinta qof kuwaas oo ku tiirsan hay'adda si ay u badbaadaan. 

Marwo McCain ayaa sheegtay in "xalalkan la xaqiijiyay" ay yihiin habka kaliya ee ugu dambeyntii looga gudbi karo xaaladda qallafsan ee gaajada iyo saboolnimada.

"Dhammaanteen waa in aan ka wadashaqeynaa sidii aan u heli lahayn xalal siyaasadeed si aan Soomaaliya ugu soo dabaalno xasillooni iyo nabad," ayey tiri. "Tani waa waxa ay dadka Soomaaliyeed ee daallan doonayaan oo ay u baahan yihiin, wax kaste ka sokow." 

Mas’uuliyiintii kale ee ka hadashay kulanka Golaha Ammaanka ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) Danjire Maxamed El-amiin Seyf.

Isha xogta: Wararka QM