Ballan-qaadka halgamaa: La dagaal Xad-gudubka ku saleysan jinsiga ee ka jira Baydhabo

2 Dec 2017

Ballan-qaadka halgamaa: La dagaal Xad-gudubka ku saleysan jinsiga ee ka jira Baydhabo

Hodan Maxamed Xassan waa qof aan dhibaato ku cusbeyn, waxayna samaysatay nolol nacfi leh mudooyin sanadon ah

“Waxaa la igu qasbay in aan gursado aniga oo aan dhameysanin waxbarashadeyda, kaddibna sayigeyga waxaa uu geeriyooday xilliyadii dagaallada sokeeye. Waxaa ay dantu igu kaliftay in aan lixdayda ilmo u xamaasho,” ayay xustay. “In badan oo ka mid ah dumarkii aan aqaanay waxaa ay ku noolaayeen nolol hooseysa, iyagoo la soo kulmay nooc kasta oo xad-gudubyo ah.”

Hodan oo dhiirrigelin ka heshay waxyaabihii ay la soo kulantay ayaa waxaa ay 2012-kii asaastay  hay’adda Somali Aid Agency Fund oo ah hay’ad bulsho oo caawisa dumarka iyo gabdhaha nugul ee ku nool magaalada Baydhabo iyo gobollada kale ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

“Waxaa aan caawinnaa haweenka iyo gabdhaha ee la kulma noocyada kala duwan ee Xad-gudubyada,” ayay tiri Hodan. “Waxaa aan la shaqeynaa haweenka ka yimid qabaa’illada laga tiro badan yahay iyo sidoo kale hooyooyinka kaligooda ah ee la furay ama laga dhintay ama ku nool xerooyinka barakacaayasha ama ah bulshada danyarta ee ku nool magaalooyinka.”

Hodan waxaa ay og tahay in dhibnanayaasha Xad-gudbyada ku saleysan jinsiga ay tahay in ay ka gudbaan Xaalado adag.

“Dumarkani iyo gabdhahani waxaa ay la kulmaan Dhibaatooyin caafimaad iyo mid maskax oo ka yimid shaqaaqooyinka loo geysto,” ayay sharraxday Hodan. “Inta badan, haddii ay soo bandhigaan waxyaabaha argagaxa leh ee ay la kulmaan, waxaa ay taasi u horseedeysaa in bulshadu ay dhaleecayso.”

Shaqada hay’adda Somali Aid Agency Fund waxaa ay waafaqsan tahay dadallaada qaranka iyo caalamka ee ku aadan ciribtirka Xadgudubka ka dhanka ah haweenka iyo u ol’olaynta dhaqan ku dhisan xushmad iyo ilaalin ah. Iyagoo ka qayb-galay o’olalaha caalamiga ee “16-ka Maalin ee u Ol’olaynta ka dhanka Xadgudubyada ku saleysan Jinsiga,” ee socon doona 25-ka Nofeembar ilaa 10-ka Diseembar ayaa Hodan iyo kooxdeeda waxaa ay adeegsan doonaan riwaayado iyo gabayo si kor loogu qaado wacyi gelinta iyo waxbaridda.

“Waxaa aan dooneynaa in aan haweenka iyo gabdhaha ka gacansiino dhinaca xuquuqdooda iyo sida ay kaga hortagi karaan ama u soo wargelin karaan Xad-gudubyada ku saleysan jinsiga,” ayay tiri Hodan. 

“In dhaqan wax laga beddelo, waxaa ay u baahan tahay in dadka heer waliba ay fahmaan fool xumida Xad-gudubka ku saleysan jinisga iyo sidoo kale bah-wadaag xooggan,” Ayey intaas raacisay.

“Ciidamadeenna booliska, odayaasha beelaha, dhaqaatiirta, oday dhaqameedyada, dhammaanteen oo ka mid ah bulshada waxaa na saaran mas’uuliyad ah in aan dhowrno sharciga aana ka dhiidhinno dembiyadan,” ayay tiri Hodan.

Ol’olaha “16-ka Maalin ee u Ol’olaynta ka dhanka Xad-gudubyada ku saleysan Jinsiga” waxaa sanad waliba caalamka ka dhacaa laga bilaabo 25-ka Noofeembar, oo la xuso Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Shaqaaqada ka dhan ah Haweenka, ilaa iyo 10-ka Diseembar, oo ah Maalinta Xuquuqda Aadanaha. Mowduuca sanadka ee ah, “Qofna yaan laga tagin: Jooji Xad-gudubka ka dhan ah haweenka”, waxaa uu xoojinayaa ballanqaadka Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka in la helo caalam aan lahayn Xad-gudbka dhan ka  haweenka iyo gabdhaha, iyada oo sidoo kale la gaarayo dadka si weyn uu horumarkooda u hooseeya, kuwa la gacan bidaxeeyay ama kuwa ugu nugul.