Soomaalida oo iskugu timid dib u eegista Qorshe Howleedka dalka ee ku aadan Cirib-tirka Xadgudubka Galmada xilliyada Colaadaha

30 Nov 2017

Soomaalida oo iskugu timid dib u eegista Qorshe Howleedka dalka ee ku aadan Cirib-tirka Xadgudubka Galmada xilliyada Colaadaha

Muqdisho - Kulan wadatashi ah oo looga gol laha in dib u eegis lagu sameeyo Qorshe Howleedka Qaran ee Cirib-tirka Xadgudubka Galmada xilliyada Colaadaha ayaa lagu qabtay Muqdisho, wuxuuna kulankaasi qayb ka yahay dadaallada ku aaddan wax ka qabashada xadgudubyada la xiriira galmada ee ku baahsan dalka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka ah oo ay gacan ka geysatay Hay’adda Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay (UNSOM) ayaa waxaa qiimeyn lagu sameeyay arrimo ay iskugu jiraan guulaha laga gaaray qaabeynta qaab-dhismeed sharci kaas oo sare u qaadi doono ka soo warbixinta, taageeridda dhibbaneyaasha iyo awoodda lagu xukumo dembiilayaasha geysta xadgudubka galmada.

“Wasaaraddeyda waxaa ay soo saartay Xeerka Dambiyada Xadgudubka Galmada oo dib loo eegay, kaas oo aan rajeyneyno in ay ansixiyaan Golaha Wasiirrada,” ayay maalinta labaad ee kulanka ka tiri Marwo Deeqa Yaasiin, oo ah Wasiirka Arrrimaha Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

Wasiiradda ayaa sheegtay in Xeerka Dembiyada Xadgudubka Galmada uu noqon doono gogol-xaar aasaas u ah soo afjaridda xadgudubka galmada ee loo geysto haweenka iyo gabdhaha.

Waxaa ay kulanka wadatashiga ka sheegtay in iyada oo loo marayo xeerkaas, dalka waxaa loo xaqiijinayaa “in si hufan loo hirgelin doono sharciyada iyo siyaasadaha wax looga qabanayo xadgudubyada ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha”.

Qorshaha Qaran ayaa waxaa marka hore qaabeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya sanadka 2014, wuxuuna qayb ka ahaa dadaallada ku aaddan in wax laga qabto xadgudubyada xuquuqul insaanka ee dalka. Xeerka Dembiyada Xadgudubka Galmada waxaa uu marka uu muujinayaa go’aanka dowladda ee ah in ay soo afjarto xadgudubyadan.

Kulanka waxaa dib u eegis lagu sameeyay heerka hirgelinta Qorshaha Qaran iyada oo loo eegayo ujeeddooyinka la dejiyay, howlaha qorsheysan iyo waxyaabaha la qaban karo. Dib u eegista ayaa waxaa la isku afgartay waxyaabaha ay tahay in mudnaanta la siiyo kuwaas oo u baahan doona in si weyn diiradda lagu saaro wejiyada dambe ee fulinta.

“Run ahaantii aad ayay u adag tahay in ay hadlaan dhibbaneyaasha. Balse haddii aan daneyneyn in aan helno oo aan aragno isbeddel dhinaca fikradaha laga qabo xadgudubyadan oo kale, waxaa sidoo kale aan u baahannahay in aan ka fikirno sidee ayaan ka dhigi karna arrin aan sidaas loo aqbali karin?”