Bayaan loo aanaynayo Afhayeenka Xoghayaha Guud oo ku saabsan Soomaaliya

31 Oct 2022

Bayaan loo aanaynayo Afhayeenka Xoghayaha Guud oo ku saabsan Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud wuxuu aad uga murugooday weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen. Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo ehelada dadka dhibbanayaasha ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale wuxuu tacsi u dirayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadkii dhaawacmay.

Xoghayaha Guud wuxuu si kulul u cambaareynayaa weerarradan waxashnimada ah, wuxuuna ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Soomaaliya si looga hortago xagjirnimada rabshadaha wata. Wuxuu ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah.

Stéphane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud