Qoraalka shirka jaraa'id ee khadka internetka ah ay QM ku qabatay Muqdisho - 26 Oktoobar 2022

27 Oct 2022

Qoraalka shirka jaraa'id ee khadka internetka ah ay QM ku qabatay Muqdisho - 26 Oktoobar 2022

KHUDBEEYEY

  • James Swan, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM)
  • Anita Kiki Gbeho, Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM)
  • Lisa Filipetto, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOS)
  • El Khidir Daloum, Wakiilka iyo Agaasimaha Dalka ee Hay'adda Qaramada Midoobey ugu qaybsan Cunnada Adduunka ee WFP) ahna Ku-simaha Isu-duwaha Arrimaha Bani'aadminnimada

JAMES SWAN: Subax wanaagsan soona dhowaada.

Magacaygu waa James Swan. Waxaan ahay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya. Waxaa maanta halkan ila jooga Anita Kiki Gbeho, Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (DSRSG) ee Soomaaliya, oo mas'uul ka ah siyaasadda, sharciga iyo arrimaha amniga; Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Lisa Filipetto, oo madax ka ah Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, iyo sidoo kale El-Khidir Daloum, oo ah Ku-simaha Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Xiriiriyaha Qaramada Midoobey ee Gargaarka Bani'aadminnimada.

Waxaan qabanaynaa munaasabaddan sida aan yeelno sanad walba si aan u xusno sanad guuradii 77-aad ee ka soo wareegatey markii la aasaasay Qaramada Midoobey 1945-kii. Waxaana rabaa inaan hoosta ka xarriiqo in, sida aan ku aragno dunida iyo halkan Soomaaliya, in qiyamka iyo muhiimadda Qaramada Midoobey ay joogto hadlkii ay ugu muhimsanayd.

Ugu horreeyn, waxaan rabaa in aan si kooban u eego in Qaramada Midoobey ay leedahay wejiyo badan, oo inta badan eray-bixinta ‘QM’ loo isticmaalo si debacsan iyada oo aan la fahmin waxa aan ka hadlayno.

Dabcan, Qaramada Midoobey waxay u taagan tahay mabaadi'da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobey, iyo sidoo kale dukumentiyo kale oo badan, sida Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka. Soomaaliya waxay ku biirtay Qarammada Midoobey waagii ay xorriyadda qaadatay 1960-kii, sida ku qoran Axdiga, waana waddan sharfoon oo xubin ka ah Qarammada Midoobey.

Marka labaad, Qaramada Midoobey runtii waa sidaas: waa urur iyo gole ay ku midaysan yihiin dowladaha xubnaha ka ah. Waqtigan xaadirka ah, in ka badan 190 waddan oo adduunka ah ayaa ka tirsan Qaramada Midoobey. Soomaaliya ayaana ka mid ah. Ka urur Dawlado Xubno ah ay ka kooban yihiin ahaan, Qaramada Midoobey waxay sidoo kale matalaysaa go'aamada ay qaataan dowladaha xubnaha ka ah, kuwaasoo ama maraya Golaha loo dhan yahay ama Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Runtiina, saddex ka mid ah hay'adaha ka howlgala halkan Soomaaliya waa natiijada go'aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee la xiriira ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah. Saddexdaas hay’adoodna waxay kala yihiin: Howlgalka Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS), Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOS), oo aad daqiiqad yar kaddib faahfaahin dheeraad ah ka maqli doontaan Lisa Filipetto, iyo tan saddexaad, xafiiska Qaramada Midoobey ee Howlgalka Kaalmeybta Soomaaliya (UNSOM). Markaa dhammaan saddexdan hay’adood waa, runtii, abuurista iyo agabka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey iyaga oo ka wakiil ah dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobey.

Kaddibna ugu dambayntii Qaramada Midoobey, dabcan, waa hay'ado badan oo fulineed kuwaas oo taageera oo u dooda islamarkaana guta ujeedooyinka Qaramada Midoobey, sida ay go'aansadeen dowladaha xubnaha ka ah. Halkan, Soomaaliya, waxaan ku leennahay in ka badan 20 hay'adood, oo ay ku jiraan hay'ado waawayn oo Qaramada Midoobey ah oo halkan si wayn looga yaqaan:

Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobey (UNICEF), Haweenka Qaramada Midoobey, Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobey (UNDP), Hay'adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR), Hay'adda Cunnada iyo Beeraha (FAO), Xafiiska Isu-duwaha Arrimaha Bani'aadminnimada (OCHA), iyo qaar kale oo badan. Ururadani waxay doonayaan inay ka jawaabaan baahiyaha iyo ujeedooyinka dadka Soomaaliyeed.

Aan hadda kelmad ka iraahdo meelaha ugu muhiimsan ee Qaramada Midoobey ay diiradda saartay halkan Soomaaliya. Marka hore, waxaan rabaa in aan hoosta ka xarriiqo in istaraatijiyaddeennu ay ku qoran tahay barnaamijka Qaab-dhismeedka Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Kani waa dokumenti si guud loo heli karo. Waxa uu ka kooban yahay tafaasiil aad u badan, oo aanan halkan dib ugu wada eegi doonin. Laakiin qodobka ugu wayn ee aan doonayo in aan ku nuux-nuuxsado ayaa ah in dokumentigani uu si buuxda ula jaanqaadayo, dhab ahaanna, ay saxiixday Dowladda Soomaaliya. Dokumentigani waxa uu la jaanqaadayaa Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Dowladda Soomaaliya. Haddaba, wax kasta oo ay Qaramada Midoobey ka qabanayso halkan Soomaaliya waxaa loogu talagalay in lagu taageero oo la horumariyo ujeedooyinka ay horay u soo bandhigeen madaxda Soomaaliya.

Sida aan xusay, qaabka wada shaqayntu waa dokumenti adag oo leh tafaasiil badan. Laakiin waxaan rabaa in aan soo koobo dhowr qodob oo muhim ah islamarkaana istaraatiji ah oo khuseeya qoyska Qaramada Midoobey ee halkan jooga.

Waxaan aqoonsannay saddex yool oo is dabajoog ah oo ay tahay in si wada jir ah loo horumariyo haddii ay noqonayaan kuwo waara oo la joogtayn karo. Waxaan kaliya dib ugu eegi doonaa si kooban. Mar kale, waxay si buuxda ula jaanqaadeen Qorshaha Horumarinta Qaranka ee ay Dowladdu leedahay.

Meesha ugu horreeysa waa maamulidda iyo dowlad-dhisidda. Tani ma aha oo kaliya shaqada Qaramada Midoobey ee taageeridda hababka siyaasadda iyo wadahadalka ee ay Soomaalidu hoggaamiso, laakiin waxaa sidoo kale ka mid ah taageeradeenna dhismaha dowladnimada Soomaaliya, sida horumarinta qaab-dhismeedka maamulka maxalliga ah, sida taageerada wasaaradaha muhimka ah, sida xuquuqaha aadanaha, sida taageeridda adeeg bixinta hay'ado badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Haddaba, dowlad-dhisiddu, sidoo kale waxay la xiriirtaa horumarinta mustaqbalka ee Dastuurka iyo doorashooyinka IWM.

Qaybta labaad, dadaalka ballaaran waa amniga. Taasna waxaa hormuud u ah Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee kaalmeeya ATMIS, kaasoo sidoo kale ku salaysan tabarucaadda sanduuqa kalsoonida ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliya. Laakiin sida cad amnigu waa ka badan yahay taageerada ciidamada amniga. Waxaan qaybtaan ku darsanaynaa shaqada xasilinta meelaha laga saaray Al-Shabaab. Waxaan ku darnaa shaqada lagu taageerayo dadaallada dowladda ee kahortagga xagjirnimada cunfiga wata, taageerada waaxda caddaaladda iyo toosinta. Markaa nabadgelyadu sidoo kale waa jidka labaad ee muhimka ah ee dadaalka aan ku taageerayno dawladda.

Saddexaad waa wax ka qabashada baahiyaha dadka, xagga baahiyaha bini'aadminnimada iyo sidoo kale u gudubka baahiyaha horumarineed ee dadka. Tan waxaa mararka qaarkood loo yaqaannaa, meertooyin gaar ah, sida xiriirka bini'aadminnimo, nabad-dhisidda iyo dadaallada horumarineed. Laakin waxay ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay inay ka jawaabto baahiyaha naf-badbaadinta deg degga ah ee Soomaalida, balse sidoo kale inay ka shaqeeyaan sidii ay u horumarin lahaayeen awooddooda mustaqbalka, iyo awoodda uu waddanku u leeyahay inuu soo saaro hanti si uu wax uga qabto shuruudaha ku hoos jira barnaamijka dalalka qaameysan ee saboolka ah (HIPC) waana hindise lagu doonayo in lagu horumariyo waxbarashada caafimaadka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Kaddibna ugu dambayntii, kaliya in la ogaado in dhammaan dhinacyadan saddexda ah - sida maamulka iyo dowlad-dhisidda, amniga, iyo horumarinta socota ee bini'aadminnimada - waxaa ina hagaya mabaadi'da dhexe ee ku saabsan ku darista haweenka, dhallinyarada, dadka laga tirada badan yahay iyo dadka naafada ah.

Waxa kale oo ina hagaya diirad saaridda aan joogsiga lahayn ee baahida loo qabo ixtiraamka waajibaadka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. Ugu dambayntiina, inaad u fiirsato saamaynta muuqata ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelanayso Soomaaliya, taasoo aan saamayn ku yeelanayn oo kaliya ammaanka ee sidoo kale saamaynaysa baahiyaha bini'aadminnimo, iyo dabcan mustaqbalka fursadaha horumarineed ee dalka. Asxaabtaydu waxay si aad ah uga hadli doonaan qaybahan ballaaran ee dadaal muddo yar gudaheed.

Ugu dambayn, si gaar ah, qaarkiin waxa aad la socon doontaan in aan dhowaan soo gebagebayn doono howshii aan u joogay Soomaaliya muddo ka badan saddex sano kaddib. Waxaa sharaf ii ah inaan la kulmo dad badan oo Soomaaliyeed oo wacdaro ka dhigaya dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada intii aan xilka hayey – ma ahan oo kaliya mas’uuliyiinta dowladda, hoggaamiyeyaasha siyaasadda, bulshada rayidka ah, hoggaamiyeyaasha, dhallinyarada, haweenka, ganacsatada, jilayaasha amniga, iyo qaar kale oo badan oo badan.

Dabcan, waqti kasta oo aad ku qaadato in ka badan saddex sano ka shaqaynta mashruuc, ku noolaanshaha degaan noocan oo kale ah, waa arrin woxoogaa dareen leh inaad ka tagto. Waxaan rabaa in aan carrabka ku adkeeyo laakiin inaan uga Soomaaliya uga tegayo rajo xooggan oo ka jirta. Waxaan filayaa in marka la soo gebagebeeyo hannaankii doorashada ee daba dheeraatay ee lagu muransanaa, xaalad kasta oo jirta ay Soomaaliya fursad u heli lahayd inay u soo jeesato arrimaha kale ee mudnaanta u leh ee qaranka, waxaana aaminsan ahay in dowladda cusubi ay si dhab ah uga faa’iidaysatey fursaddaas.

Waxaa na dhiirigeliyey dadaallada sii kordhaya iyo xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Maamullada federaalka. Runtiina, waxaan dhararaynaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dabayaaqada maanta furmaya, waxaana rajaynaynaa in hindisahaasi uu si joogto ah u sii socdo, si looga wada hadlo arrimaha mudnaanta u leh qaranka si wadajir ah taasoo u dhexeeysa dowladda dhexe iyo maamullada ka tirsan Faderaalka.

Marka labaad, waxaa sidoo kale na dhiirrigelisey inaan aragno kor u kaca siyaasadda muhiimka ah ee diiradda saaraya barnaamijka leh mudnaanta guud ee ajendaha horumarineed iyo, gaar ahaan, dadaalka hore ee lagu hubinayo in geeddi-socodka Hindisaha Waddamada Faqiirka ah ee qaamaha qaba (HPIC) uu horumaro iyada oo aan la kala jarin kala guurka dowladeed dartii.

Marka ay timaaddo dhanka amniga, dabcan waxaan sidoo kale xusnay taageero xooggan oo ay dhinacyo badan oo Soomaaliya ka mid iihi u muujiyeen dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxaana ku rajo waynahay inay saamayn yeelan doonaan.

Waxay u muuqataa in ay cadaadis saarayaan Al-Shabaab oo ay taageero wayn ka helayaan dhinacyo badan oo dalka ah. Waxaan ku faraxsannahay in aan garab istaagno Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, iyo sidoo kale maamulka Hirshabeelle oo muddooyinkii ugu dambeeyey bulshada kala xaalayey, si ay gacan uga gaystaan xasilinta degaannadaasi, kaddib markii laga xoreeyo Al-Shabaab.

Ugu dambayntii, waxaan rabaa in aan xuso in, tusaalayaashan gaarka ah, qayb ka mid ah sababta rajadayda markaan eego mustaqbalka Soomaaliya tiiyoo ay dhammaan caqabadana horyaallaan ay tahay - aniga oo ah qof dalkan ka soo shaqeeyey kana galaa baxayey ku dhawaad 30 sano - aano arko horumarka wayn ee tayada madaxda iyo mas'uuliyiinta muhiimka ah, labadaba dhanka dowladda dhexe iyo heerarka federaalka, kobcinta awoodda, kor u kaca waxtarka, kobcinta xirfadaha, kobcinta isku kalsoonida. Runtii aniga qudhaydu waxaan si is taraysa ugu kalsoon ahay in kooxdan hoggaanka ah, oo ah dhallinyaro Soomaaliyeed, Soomaalida waayo-aragnimada horay u leh, ay sii wadi doonaan inay dalkan horumar u sameeyaan dadkiisa. Waxaana Qaramada Midoobey weli ka go’an inay taageerto dadaalladaasi.

Aad ayaad u mahadsantihiin.

Hadda waxaan jeclaan lahaa inaan makarafoonka u gudbiyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah Anita Kiki Gbeho, kaasoo, si kastaba ha ahaatee, sidoo kale noqon doona sarkaalka xilka la wareegi dooona kaddib bixitaankayga. Dad badan baa si fiican u yaqaan, waxaana rajaynaynaa inaan maqalno hadalkeeda hadda. Mahadsanidiin.

ANITA KIKI GBEHO: Aad baad u mahadsan tahay, SRSG. Haddaba si aanan ugu celcelin war horay loo yiri, si aan malaha u xuso, si maalinley ah, waxa aan kala shaqeeyaa kooxda dhanka tiirka siyaasadeed, shaqaduna waa taageeridda dowladda marka ay timaaddo siyaasadda, iyo marka ay timaaddo xuquuqul insaanka iyo markay timaaddo sharciga iyo amniga.

Dhowaanahan, oo aan la fadhiistay Ergayga Gaarka ah ee dowladda cusub, waxaan aragnay iyaga oo si cad u qeexaya mudnaanta ay leeyihiin. Marka laga yimaado abaaraha iyo nabadgelyada, kulankii NCC [Golaha Wadatashiga Qaranka] ee u dambeeyey, war-murtiyeedkoodu wuxuu ahaa mid cad oo ku saabsan qorshahooda dhismaha dowladnimo. Sidaad la socotaan dhismaha dowladnimo ayaa noo ah mudnaanta koowaad, waxaana si dhow uga wada shaqaynayney taageerada dowladda.

Dhowaanahan, shaqadeennu waxay ku saabsanayd faahfaahinta qaar ka mid ah barnaamijyada wadajirka ah, barnaamijyada ka caawin doona dowladda inay hirgeliyaan mudnaanta si ay horay u socdaan. Tusaale ahaan, dhowaanahan, waxaan Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka kala shaqaynaynay laba barnaamij. Waxayna ahaayeen kuwo guul leh.

Barnaamijyadan ayaa ugu horreeya, Barnaamijka Wadajirka ah ee Xuquuqda Aadanaha. Barnaamijkani kama caawiyo dowladda kaliya inay dhisto kartida dadka - balse waxa uu leeyahay mudnaan dhinaca xoojinta qaab-dhismeedkooda ilaalinta - sidoo kale waxa uu ka caawiyaa dhanka ka qaybgalka. Dawladdu waxa ay danaynaysaa kaliya ma aha inay arrintani u xallisanto heer dowlad dhexe laakiin sidoo kale waxay doonaysaa heer degaan, ka caawinta bulshada rayidka ah iyo ururada kale si ay u fahmaan waxa xuquuqdoodu tahay, iyo waxa u dheer oo ah inay awoodaan in ay dalbadaan xuquuqdaas.

Sheekada labaad ee guuleed ee iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobey iyo dowladda, dhanka taageeridda mudnaantoodu, waxay ahayd Barnaamijka Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta. Barnaamijkani waxa uu ku saabsan yahay in haweenka Soomaaliyeed laga taageero sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen hannaanka siyaasadda, si ay qayb uga noqdaan go’aan qaadashada, oo ay kursi ugu yeeshaan miiska wada hadalka mustaqbalka.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa horseedday in Dowladda Soomaaliya ay nala shaqayso, si loo horumariyo barnaamijkan oo loo caddeeyo waxyaabaha mudnaanta leh mustaqbalka. Waxa kale oo aanu ku rajo waynahay in howlihii la qabtay si loo gaaro qoondada boqolkiiba 30-ka ah lagu sii amba qaadi doono barnaamijkan.

Waxa jira meelo kale oo aanu dowladda kala shaqaynay oo ay ka mid tahay cadaaladda. Waxaa bilowday doodo ay wasaarado kala duwani ka yeelanayaan barnaamijka cusub ee cadaaladda. Dawladdu waxay aad u danaynaysaa inay aragto in aanu horay ugu sii soconno arrinta Guddiga Adeegga Garsoorka. Dowladdu waxay aad u danaynaysaa in ayaannu u dhaqaaqno dhanka Dastuurka, waxaana hadda socda wada-tashiyo ku aaddan sidii arrintaasi wax looga qaban lahaa.

Waxaan sidoo kale si dhow ula shaqaynay Baarlamanka. Waxaan la kulannay labada guddoomiye ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose. Waxay si cad u caddeeyeen waxa ay u arkaan in ay yihiin mudnaanta horay u socodka. Waxaa jira waxqabadyo waqti gaaban ah oo aan ku heshiinney in aan horay u sii wadno, kuwaasoo ay ku jiraan qiimaynno wadajir ah oo ku saabsan waxa hadda la qabanayo, sida hagidda xildhibaannada cusub iyo sidoo kale kor-u-qaadista awoodda sharci-qorista.

Ma doonayo in aan meesha sii taagnaado muddo dheer, laakiin kaliya waxaan rabaa in aan ku siiyo dhadhan waxa ay tahay waxa aan isku dayayno si aan u taageerno waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda annaga oo adeegsanayna doorkeenna QM si aan isugu nimaado marka hore annagoo ah beesha caalamka - oo ay na weheliyaan saaxiibbadeen - iyo in la dhimo kharashka ka baxa dowladda marka ay timaado howlgelinta iyo raadinta taageeradeenna waxyaabaha mudnaanta u leh si ay horay ugu socdaan.

Haddaba, waxaan u daynayaa, Ergayga Gaarka ah, oo aan rakada dib ugu soo celinayo.

LISA FILIPETTO: Farxad wayn bay ii tahay in aan maanta joogno shirkan jaraa’id ee halkan ee lagu maamusayo maalinta Qaramada Midoobey, kaas oo lagu aqoonsanayo shaqada QM ee adduunka iyo gaar ahaan Soomaaliya. Waxaan rabaa in aan soo dhoweeyo dhammaan saxafiyiinta oo aan ka mahadceliyo xiisaha ay u qabaan waxa aan qabanano. UNSOS waxay aad ugu faanaysaa inay qayb ka ah qoyska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxaana si cad shaqadeenna u waafajinaynaa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda, sida uu horay u iftiimiyey Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, gaar ahaan dhinaca amniga.

Waxaan halkan u joognaa in aan taageerno aragtida dadka Soomaaliyeed iyo dowladda ee ah Soomaaliya oo nabad iyo ammaan ah. Laakiin maxaan samaynaa? Waxaan dhab ahaantii bixinnaa, si waafaqsan waajibaadkeenna, taageero aan halis ahayn oo aan siinno ciidamada Midowga Afrika iyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan argagixisada ka jirta Soomaaliya, iyo dadaallada ay ugu jiraan nabadaynta dalkan.

Hadafkeennu hadda waa inaan taageerno howlgallada socda. Ma habboona in aan howlgalladan kaga hadalno golahan, laakiin taageeradeennu waa mid naf-badbaadin iyo taageero nafeedba leh. Waxaan runtii rabaa inaan bogaadiyo geesinnimada dhammaan Ciidamada Amniga Soomaaliyeed iyo inta la socota iyo sidoo kale Midowga Afrika iyo bulshada, geesinnimadooda ay u muujiyeen dadaalkan. Waxaan ognahay in dagaalku uu yahay mid adag, una baahan yahay geesinnimo badan.

Marka laga soo tago arrintan, shaqadeenna socota waa inaan ka jawaabno Sharciyadda 2628, ee nala siiyey horraantii sanadkan, si aan u taageerno dib-u-habaynta Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, si aan awood ugu yeelanno inuu noqdo mid dhaqaaqiisu deg deg yahay oo guurguura laguna taageerayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Markaa taasi waxay ka kooban tahay dhowr tillaabo oo aanu ku shaqaynayno, laakiin waxa aanu ognahay in aanu si habsami leh horay ugu sii socon doono. Waxaan sidoo kale diiradda saaraynaa taageeridda u gudubka Soomaaliya oo qabata hoggaanka amniga, sida ku cad Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya. Waa sax oo waa wax qumman in Soomaaliya ay mas’uul ka noqoto waaxdeeda amniga, waxaana rajaynaynaa in aan gacan ka gaysanno dhisidda awoodda ay howshaa ku qaban karaan muddadaas iyo sidoo kale, islamarkaas, ka caawinta howlgalkooda. Waxaan taageernaa 13,900 oo ciidamada amniga Soomaaliya ah iyo 19,000 nabad ilaalineed oo ATMIS ah ee ku sugan goobta. Markaa maadaama la dhimayo ciidamada Midowga Afrika, baahiyaha, dadaalka ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyadaha saarani waa kordhayaan, waxaan halkan u joognaa inaan ku taageerno dadaalkaas.

Waxa kale oo aanu haynnaa hawlo aan waajib ahayn oo aanu qabanno marka loo baahdo. Meesha ay qolyaha bani'aadminmadu nooga baahdaan waxaanu ku bixinnaa gaadiid loogu talogalay gurmadka abaaraha. Waxaan horay uga caawinnay qaybinta tallaalka COVID ee dalka oo dhan. Mararka qaarkood imtixaannada… waxaan u dirnaa imtixaannada dugsiyada sare ee dalka oo dhan. Duulimaadyadeenna Qaramada Midoobey waxay taageeraan tiro howlo kale ah, waanan ku faanaynaa inaan awoodno inaan wax caawinno.

Shaqadeenna ma qabsan karno ilaa aan wada shaqayn aad u xoogan aan la yeelanno Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamullada ka tirsan Federaalka, sababtoo ah waxaan ka howlgalnaa Maamul-goboleedyada kala duwan. Sidoo kale, saaxiibbada caalamiga ah ayaa gacan ka gaysanaya dadaalkan, iyo, dabcan, Maamullada, dhammaan dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobey, saaxiibbada Soomaaliya oo iyaga oo kaashanaya deeqaha ay ku bixiyaan maalgelinta Qaramada Midoobey, waxay sidoo kale taageeraan dadaalkeenna halkan Soomaaliya.

Sidaa darteed, iskaashiyadu aad bay u xooggan yihiin, waxaana naga go'an kuwaas, waxaana runtii rajaynaynaa kaalmo joogto ah. Waxaan nahay agab loo kaashanayo hadafka, aakhirkana muhiimaddu waa Soomaaliya oo ammaan ah, xasilloon islamarkaana horumarsan. Mahadsanid.

Abuukar inta ka bilow.

EL-KHIDIR DALOUM: Mudanayaal iyo marwooyin, subax wanaagsan. Aad baad ugu mahadsantihiin inaad nagula soo biirtay shirkan jaraa'id si aan u xusno maalinta QM.

Anigoo sii raacsanaya hadallada Ergayga Gaargka ee Xoghayaha Guud, waxaan jeclaan lahaa inaan ka hadlo shaqada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo dadaalada wadajira ee kooxda Dalka u xilsaaran QM ee ka howlgasha halkan iyagoo taageera dadka Soomaaliyeed. Toddobaadka QM ee sannadkan ayaa waxa uu ku soo aadayaa waqti aad ugu adag Soomaaliya iyada oo xaaladda bani’aadannimada ay weli aad u xun tahay.

Dhanka bani’aadannimada, in kabadan 7.8 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, ku dhawaad kala bar dadka dalka, ayaa haatan u baahan gargaar bani'aadannimo sannadka 2022 - inta badan abaar ayaa  saameysay.

Soomaaliya waxay ku sii jirtaa inay martigeliso mid ka mid ah tirada ugu badan ee dadka gudaha ku barakacay caalami ahaan. Waxaan tan ku qiyaaseynaa inay tahay ku dhawaad 2.9 milyan, iyo inta u dhexeysa Janaayo iyo Sebtembar oo keliya. Colaad iyo amni-xumo ayaa ku qasbay qiyaastii 420,000 qof inay guryahooda ka qaxaan, halka abaartu ay soo barakicisay in ka badan hal milyan oo qof.

Baaqashada taariikhiga ah ee afar xilli roobaad oo xiriir ah, iskahorimaad joogto ah, barakac, iyo qiimaha cuntada ee sareeya ayaa malaayiin dad ah ka dhigay  inay khatar ugu  jiraan gaajo. In ka badan 6.7 milyan oo qof ayaa wajahaya sugnaan la’aan cunto oo ba'an, iyadoo ka badan 300,000 ay wjaahayaan xaalado sugnaan la’aan cunto oo musiibo ah.

Nasiidarro waxa aan hadda isu diyaarinaynaa xilli roobaadkii shanaad oo baaqday, waxaana la joogaa waqtigii wax laga qaban lahaa. Macaluul ayaa la saadaalinayaa in ay ka dhici doonto koonfurta Soomaaliya ka hor dhamaadka sanadkan hadii aan gaargaarka bani’aadannimo  si degdeg ah loo ballaarin oo aan loo joogteyn.

Iyadoo la taageerayo dadaallada ay waddo dowladda, hay'adaha gargaarka bani’aadannimo  ayaa u degdegaya si ay kaalmo iyo ilaalin u siiyaan dadka ugu nugul ee ku nool meelaha ay baahida ugu badan ka jirto. Laga soo billaabo Sibteembar, bah-wadaagtu waxa ay 6.5 milyan oo qof la gaareen nooc ka mid ah kaalmeynta, laakiin goldaloolooyinka muhiimka ah ayaa weli taagan, oo ay ku jiraan qaybaha aasaasiga ah ee naf-badbaadinta. Mashaariicda nafaha lagu badbaadinayo ayaa lagu qasbay in la xiro sababo la xiriira maalgelin la'aan.
Bishii Oktoobar, waxay tani noqotay ma huraan in dib loo eego Qorshaha Wax-ka-qabashada  Bani'aadannimada ee 2022 (HRP), kaas oo socon doona illaa dhammaadka sannadka, iyadoo uu korodhay wax yar in ka badan $800 milyan, oo ka baxsan $1.46 bilyan oo loo baahan yahay billowga sannadka si loo daboolo baahida 5.5 milyan oo qof, haatan waxaa loo baahan yahay $2.26 bilyan, taas oo lagu beegsanayo baahida 7.2 milyan oo qof; in ka badan 80 boqolkiiba abaarta ayey la xiriirtaa.

Bartilmaameedyada dib loo eegay, HRP (Qorshaha Wax-ka-qabashada  Bani'aadannimada)  waxa la maalgeliyay kaliya 46.7 boqolkiiba, laga soo bilaabo 23ka Oktoobar.  Maalgelin dhaqaale oo degdeg ah ayaa loo baahan yahay si wax looga qabto baahiyaha ugu daran, loona yareeyo khasaaraha  nafeed ee la saadaalinayo in uu bilaha soo socdo ka dhacayo guud ahaan Soomaaliya.

Marka laga soo tago wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo  ee daran, Qaramada Midoobay waxaa sidoo kale ka go'an dhabbaha Soomaaliya ee soo kabashada iyo horumar waara. Soomaaliya ayaa horumar weyn ka gaartay hannaanka deyn cafinta iyadoo loo marayo Hindisaha (HPIC) Waddamada Saboolka ah ee Deymaha badan lagu leeyahay. Intii lagu jiray kala-guurka siyaasadeed ee dalka ka dhacay sanadkii la soo dhaafay, dowladda Federaalka waxay sii waday inay gaarto himilada ajendaha dib-u-habaynta  HPIC, kaas oo ay hiigsaneyso in ay soo gabagabeyso dhammaadka 2023. Marxaladdan, waxaan arki doonnaa in beesha caalamka ay ka cafiso deymaha waaweyn.

Laakin iyadoo ka tarjumaysa hubanti la'aanta dhaqaale ee caalamka ka jirta, Soomaaliya waxay wajaheysaa caqabado dhaqaale oo iyada lafteeda ah. Isku darka abaarta iyo dagaalka Yugreyn iyo Ruushka ayaa gacan ka gaystay sicir bararka boqolkiiba sagaal. Tirakoobyada kobaca dhaqaalaha ee IMF ee dib loo eegay ee dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ah 2.7 boqolkiiba – taas oo ka hoosaysa qiyaasta kobaca dadweynaha ee 2.9 boqolkiiba. Tani waxay sii waddaa hannaanka ugu yar ee kobaca dhabta ah ee qofkiiba 0.1 boqolkiiba inta u dhaxaysa 2014 iyo 2021.

Iyada oo ay tani jirto, horumarku wuu sii socdaa dhammaan mudnaanteenna horumarka. Ballanqaadkeenna wadajirka ah ee ku aaddan hirgelinta Ajendaha 2030-ka iyo Yoolalka Horumarineed ee Joogtada ah waxay ka muuqdaan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaaliya - kaas oo u shaqeeya sidii Warqadda Istaraatijiyadda Dhimista Saboolnimada ee Ku-meel-gaarka ah ee dalka - iyo Qaab-dhismeedka Iskaashiga ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (2021-2025). Dib-u-eegis Qaran oo Iskaa wax u qabso ah ee Soomaaliya – oo la horgeeyay Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay bishii Luulyo – ayaa muujisay qiimaha ay leedahay qaadashada hab dhammaystiran, isku dhafan, oo leh go’aamo salka ku haya xogta.

Dhamaystirka Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliya ee horraantii sanadkan ayaa siinaysa khariidad adag oo loogu talagalay dhammaan daneeyeyaasha, oo ay ku jirto dowladda, heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Waa siyaasad farsamo ahaan xooggan, marka ay ansixiyaan Golaha Wasiirada, waxa ayna guudmari doonaao meelaha mudnaanta leh ee wax ka qabashada la shaqaynta, iyo, dhalinyarada. Marka laga soo tago go'aankii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay bishii Sibteembar ee lagu dhisay Xafiiska Dhallinyarada ee Qaramada Midoobay, siyaasadda Soomaaliya waxay gacan ka geysan doontaa horumarinta ka-qaybgalka iyo u doodista horumarinta dhallinyarada ee dhammaan howlaha bani’aadannimada, horumarinta, iyo nabad-dhisidda ee Qaramada Midoobay.

Dadaalka hamiga leh ee Soomaaliya ay ugu jirto wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada ayaa ah mid cajiib ah. Soomaaliya si aan loo qiyaasi karin ayay ula dhibtooneysaa xasaradaha la xiriira isbedelka cimilada, inkastoo ay door yar ka ku leedahay sababaha. Bartilmaameedyada Soomaaliya u gaarka ah waxaa ka mid ah 30 boqolkiiba dhimista qiiqa hawada marka la gaaro 2030. Dowladda Federaalka oo dhowaan dhistay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo jiritaanka Qorshaha Waxqabadka Istaraatiijiyadeed ee Deegaanka 2022-2026, ayaa ka tarjumaysa muhiimadda ay Soomaaliya siinayso waxqabadka cimilada. Qaramada Midoobay, ayaa iyaduna sii wadi doonta taageeridda koritaanka cagaaran, horumarinta siyaasadaha ka warqabka cimilada, ballaarinta iyo horumarinta hindisayaasha la qabsiga cimilada ee muddada fog.
 
Mudnaanta kale ee horumarinta ayaa ah xalal waari og oo loogu talagalay bulshooyinka uu saameeyay  barakaca. Dadaallada lagu hirgelinayo Istiraatiijiyadda Qaran ee Xalka waari og ayaa isu keenay daneeyeyaasha, waxayna abuureen midnimo dadaal ah oo ka dhexjirta dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Saaxiibada horumarineed waxay si dhow ula shaqaynayaan bah-wadaagta bani'aadannimada si ay u horumariyaan helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee waara, wax ka qabashada arrimaha guryaha iyo hantida iyo kor u qaadida ka mid noqoshada dhaqaalaha iyo maaliyadda. Go'aankeenna aan ku maalgashanayno xalal waara oo muddo dheer waxa uu hoosta ka xarriiqay Ajendaha Waxqabad ee Xoghayaha Guud ee Arrimaha Barakaca Gudaha, kaas oo Soomaaliya loogu xushay dowlad Xubin ah si loo tijaabiyo hababka lagu xallinayo barakaca gudaha. Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa inay xoojiso jawaabta barnaamijeed ee ku saabsan xiriirka gargaarka bani’aadannimo, horumarinta, iyo nabad-dhisidda.

Anagoo xusaya 77 sano ee ka soo wareegatay maalintii la aasaasay Qaramada Midoobay, waxay  tani fursad u tahay dhammaan dadka oo dhan inay dib u eegaan horumarka la gaaray, sidoo kalena ay mar kale u guntadaan sidii loo gaarsiin lahaa gargaar naf-badbaabdnin ah, isla markaana loo dhimi lahaa dhibaatada haysata dadka ugu nugul Soomaalida, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.
Waxaan runtii jeclaan lahaa inaan soo gabagabeeyo, anigoo ku hadlaya magaca Adem Abdelmhoula, Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay,ahna  Isku-duwaha  Gargaarka Bani'aadannimada iyo Deegaanka QM, oon u mahadceliyo James Swan, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, adeegistiisa saddexdii sano ee u dambeysay, iyo hoggaankiisa QM ee Soomaaliya. Waxaan u rajaynaynaa wanaag oo dhan in ku maareeyo caqabadaha iyo fursadaha mustaqbalkiisa.

Mahadsanidiin!

 

SU’AALO IYO JAWAABO

(waxaa loo tifaftiray si loo fahmi karo)

 

CARA ANNA (ASSOCIATED PRESS): Ma aaminsantahay in dowladda federaalka Soomaaliya ay taageeri doonto ku dhawaaqida rasmiga ah ee macluusha? Goorma ayaase ku dhawaaqistaas la sameyn doonaa? Mahadsanid.

JAMES SWAN: Aad baad u mahadsantahay, Cara. Waxaa laga yaabaa in aan El-Khidir ka codsado oo wax yar gudahood soo glaya, balse marka hore aan sheego in hay’adaha Qaramada Midoobay ay sii wadaan in ay dib u eegis ku sameeyaan, si joogto ah, xogtii ugu dambeysay ee la xiriirta saameynta xaaladda abaareed ee Soomaalida. Waxaan filayaa in ay muhiim tahay in la xuso in sidoo kale ay jirto, sida uu El-Kadir horay ugu sheegay warbixintiisa, kor u kac la taaban karo oo ku aaddan gaarsiinta gargaarka dadka Soomaaliyeed ee u baahan – iyadoo tiradii ugu dambeysay, aan aaminsanahay, inay tahay 6.5 milyan, taasoo si aad ah u korortay xitaa laga soo bilaabo Juun, Luulyo ee sanadkan.

Tanina waxaa ku mahadsan caawimaadda deeqsinimada leh ee ka timid dhowr waddan oo deeq-bixiyeyaal ah kuwaas oo gacan ka geystay qorshaha wax ka qabashada bani’aadannimada. Markaa, wax ka qabashada way socotaa. Dad badan oo Soomaali ah ayaa helaya gargaar, waxaana hay’adaha Qaramada Midoobay oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo Soomaaliya ka howlgala ay wadaan dadaallo ay ku xaqiijinayaan in la gaaro dhammaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Waxaa jira hab lagu qiimeeyo xogta iyadoo la eegayo shuruudo gaar ah oo lagu go'aaminayo haddii xaaladaha macluusha la daboolay iyo haddii kale. Sida qaar badan oo idinka mid ah aad la socon doontaan, horraantii Sibteembar, waxa la sheegay in, in kasta oo aanay xaalad macaluul ahi jirin, haddana ay jirto khatar ah in xaaladahaas ay ka soo baxaan degaanno gaar ah oo ka tirsan dalka.

Markaa xogtaas waxay sii wadi doontaa in si joogto ah loo qiimeeyo. Waxaan aaminsanahay in ay jiri doonto qiimayn la cusboonaysiiyay, ku dhawaad, saddexda toddobaad ee soo socda. Sida cad, natiijooyinkaas waa la sheegi doonaa marka ay soo baxaan. Ha’adaheenna gargaarka bani’aadannimo waxay si joogto ah ula xiriiraan madaxda sare ee Soomaaliya. Arrimahaas oo aan shaqsi ahaan kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha, waxaana socda wadahadallo. Waxaa hubaal ah in natiijada xogtan si fiican loogala tashan doono madaxda Soomaalida ka hor inta aan la shaacin. Waxaan filaynaa inay tani dhacdo laga yaabee saddexda toddobaad ee soo socda. Si aan u caddeeyo, waxaan filaynaa in ku dhawaaqista natiijada ay soo baxdo saddexda toddobaad ee soo socda. Ma jiro wax go'aan ah oo hadda la joogo in natiijooyinkaas ay qasab ku noqon doonaan gabagabada in xaalado macaluul ay jiraan. Taas waxaa lagu qiimeyn doonaa qayb ka mid ah dadaalkan. Mahadsanid.

CARA ANNA (ASSOCIATED PRESS): Waad ku mahadsan tahay jawaabtaas. Waxaan raacsanayaa anigoo ku weydiinaya: sida iska cad, waxaa jirtay caqabad ah in la gaaro deegaannada ay ka taliso Al-shabaab. Xagee buu marayaa xiriir kasta oo lala sameeyo Al-Shabaab, ha ahaato UNSOM ama dowladda federaalka, maxaa horumar ah oo la sameeyay, haddii uu jiro? Mahadsanid.

JAMES SWAN: Dadaalku waa in, dabcan, la gaaro dadka meel kasta oo ay joogaan, iyo haddii ay u baahan yihiin. Sida iska cad, qaar ka mid ah xogta gaarka ah ee dadweynaha way adkaan kartaa in la sameeyo maadaama aan tiro-koob laga sameynin Soomaaliya in muddo ah, waxaana cad in meelo badan oo dalka ka mid ah aan la geli karin, xaalad amni ama sababo kale dartood. Waxaan rumaysanahay in qiyaasteenna adag ee hadda jirta ay tahay in ku dhawaad 900,000 oo qof ay ku dhibaataysan yihiin deegaannada kuwaas oo ilaa xad ay saameyn ku leeyihiin ama ay maamulaan Al-Shabaab.

Sidaas awgeed, marka la isku geeyo dad lagu qiyaasay 7.8 milyan oo qof ayaa baahan, kuwa ku sugan deegaannada Al-Shabab waxay ka dhigan yihiin tiro aad u yar marka loo eego wadarta guud ee 7.8 milyan ah. Jilayaasha gargaarka bani’aadannimo ayaa doonaya inay adeegsadaan qalab kala duwan si ay u hubiyaan in dalka oo dhan la gaaray. Tan waxa ka mid ahaa in kor loo qaado jawaabta, gaar ahaan meelaha khatarta macluusha lagu soo bandhigay horraantii Sibteembar.

Tan waxaa ka mid ah in laga soo riixo meelaha hadda ka hor la gaarsiin karay gargaarka bani’aadannimo si loogu sii dhawaado dadka aan la heli karin, iyadoo la eegayo in ay awoodaan in ay gaaraan halkaas oo ay helaan gargaar. Waxaa jira wadahadalo socda oo lala yeelanayo ururada maxaliga ah ee Soomaalida kuwaas oo laga yaabo in ay meel fiican galaan si ay galaangal ugu yeeshaan goobahaas iyo sidoo kale hay'adaha gaarka loo leeyahay ee laga yaabo inay galaan goobahaas. Kuwani waa dadaallada ugu muhiimsan ee hadda socda.

Laakiin aan iraahdo, waxaan si cad uga codsanaynaa Al-Shabaab inay oggolaadaan inay si bilaash ah gargaar bani’aadannimo u helaan dadka u baahan. Gargaar bani’aadannimo ayaa diyaar ah. Waxaan aad ugu hamuun qabnaa inaan gaarno dadka baahan. Sida iska cad waa wax laga qoomameeyo ah in gaaritaanku uu sii ahaado mid adag sababtoo ah Al-Shabaab ayaa ka talisa deegaanadaas, waxaana ku boorineynaa in arrintaasi la saxo si dadkaasi ay uga faa’ideystaan taageerada.

SIMON VALMARY (AGENCE FRANCE-PRESSE): Haddaan dib ugu noqdo xaaladda abaarta, doorkii Qaramada Midoobay sannadkii hore wuxuu runtii ahaa qaylo-dhaanta xaaladda. Waxay u egtahay baaqii ugu dambeeyay ee Mr. Griffiths horraantii Sibteembar inuu xoogaa wax yara dhaqaajiyay. Waxaan ka walwalsanahay haddii aad faahfaahin ka bixin karto horumarka xaaladda. Arrimuhu ma hagaageen, ka sii darradeen, ma la xakameeyey? Si kale haddii loo dhigo, ma niyadsan tahay, ma niyad jabsan tahay toddobaadyada soo socda ee xaaladda abaarta iyo macluusha?

JAMES SWAN: Mahadsanid. Waan bilaabayaa, laakiin waxaa laga yaabaa in El-Khidir uu wax dheeraad ah ku daro. Waxaan filayaa inay muhiim tahay in la ilaaliyo qaar ka mid ah tirooyinka safka hore ee horraanba maskaxda lagu hayo in ku dhawaad 7.8 milyan oo qof oo dalka ku nool ay u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo. Waxaanan aaminsannahay in ku dhawaad 6.5 milyan lagu gaaray waxoogaa heer kaalmo ah, taasina kor ayey u kacday, xaddi ahaan aad u weyn, tan iyo bilowgii xagaaga.

Waxa ay ila tahay inay sidoo kale muhiim tahay in la ogaado in ay jireen tabarucaado dheeri ah oo dheeri ah oo la taaban karo oo ah gargaar deeq-bixiyeyaal, gaar ahaan tan iyo bilowgii Ogoosto, iyada oo wax u dhiganta $800 oo milyan oo ballanqaadyo cusub ah uu soo galay tan iyo bilowgii Ogoosto. Sidaas awgeed, marka la eego helitaanka kheyraadka iyo marka la eego kor u qaadista jawaabta, warku wuxuu soo ahaa mid yara wanaagsan.

Isla markaana, waxaynu wajahaynaa xaalad taasoo - sababaha abaarta sii socota iyo sababo jira, dad aad u tag daran oo meelo badan oo dalka ka mid ah - saamayntaas ayaa sii ahaanaysa mid daran. Sida la xusayna, waxaan hadda ku jirnaa xilli-roobaadkii afraad ee baaqday, waxaana la saadaalinayaa in uu jiri doono mid shanaad, taas oo sida muuqata abuuraysa baahi daran.

Markaa run ahaantii, tani waa arrin ku saabsan tartan ka dhan ah arrimaha deegaanka ee taban si loo gaaro dadka. Waxaa jira horumar muhiim ah oo dhinacaas ah, laakiin khatartu weli waa mid daran. Laakiin aan weydiiyo El-Khidir,  haddii uu rabi lahaa inuu wax ku daro.

EL-KHIDIR DALOUM: Aad baad u mahadsantahay, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud. Marka hore, ma sugayno in macluusha lagu dhawaaqo, waxaana filayaa inay taasi muhiim tahay. Ku dhawaaqida macaluul sidaas muhiim nooguma aha. Waxa muhiimka ah: waan ognahay in xaaladdu ay aad u liidato, waxaana ognahay in qof kasta oo naga mid ah, dhammaan bulshada bani’aadannimo, ay tahay inuu wax ka qabto. Oo hadda wax laga qabato.

Iyo, marka lala xiriiryo su'aashaada, Simon, ee ku saabsan sida aan u rajo weynnahay ama aan u niyad-sannahay: waxaan nahay, ka gargaagre ban’aadannimo ahaan, had iyo jeer waxaan ahaan doonaa kuwo rajo leh waxaana mar walba ku dadaali doonaa inaan sameyno waxa ay qaadanayso si aan u hubinno inaan wax ka qabanno dhibaatada. Waxaan heynaa saddex marxaladood: waxaan heynaa hal marxalad oo ay Soomaaliya halis ugu jirto macaluul, ka dibna marxaladda labaad oo Soomaaliya ay sii kordheyso khatarta macaluul, ka dibna waxaan u nimid marxaladda macaluul la saadaaliyay inay ka dhici karto gobollada [aan la maqli karin].

Waxaa jira kor u qaadis aad u daran oo dhacaya, markii ugu horeysayna, waxaa jira meelo ay adagtahay in la gaaro [halkaas] oo aan sii kordhineyno oo aan tegeyno  - sidoo kale, ay adagtahay indadka  la gaaro, dadka laga tirada badan yahay, barakacayaasha, iyo dadka naafada; waanu gaareynaa. Sidaas awgeed, waxaan kordhinaynaa wax ka qabashada. Waxaan sidoo kale ku jirnaa tognaan, laga soo bilaabo wax qabadkeena Luulyo ilaa Sebtembar. Haddii aad eegto tirooyinka dadka la saadaaliyay ee IPC [Integrated Food Security Fase Classification] - {kala saaridda Marxaladda Sugnaanta Cuntada} - ee xaalad degdeg ah oo ku wajahan IPC 5 macaluul musiibo ah. Taasi way is beddeshay jawaabcelin awgeed.

Markaan taas niri, ka dib markii aan dib u eegis ku samaynay Qorshaha Waxqabadka Bani'aadannimada ilaa $2.2 bilyan, iyada oo ay korortay in ka badan $800 milyan, heerka maalgelinta hadda waa 46.7 boqolkiiba. Taasi waxa uu macnaheedu yahay in la maalgeliyay wax ka yar boqolkiiba 50. Sidaa darteed, waxaan u baahanahay inaan joogteyno jawaabta, waxaanan u baahanahay inaan sii wadno ku boorrinta dhammaan deeq-bixiyeyaasha inay bixiyaan taageero dheeraad ah si aan uga jawaabi [karno]. Afar qaybood ayaa hawlgal muhiim ah u ah jawaabta: qaybta cuntada, nafaqada, biyaha iyo fayadhowrka, iyo caafimaadka.