Bayaan loo aanaynayo Afhayeenka Xoghayaha Guud oo ku saabsan Soomaaliya

29 Nov 2022

Bayaan loo aanaynayo Afhayeenka Xoghayaha Guud oo ku saabsan Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Villa Rays ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dhaliyay khasaaro badan. Wuxuu aad uga xun yahay in Soomaaliya ay weli ku dhacayaan masiibooyinka falalkan foosha xun ee argagixisada, wuxuuna ku baaqayaa in lala xisaabtamo kuwii ka dambeeyay falkaas.

Xoghayaha Guud wuxuu tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay, wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay inta ku dhaawacantay. Wuxuu ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay si adag u garab taagan tahay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliya ee ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada gacan ka hadalka ah.

Stéphane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud