Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Nofeembar 2022

30 Nov 2022

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Nofeembar 2022

 

Ayaxa saxaraha | Isticmaalka dawooyinka biopesticides oo wax ka tarta dagaalka lagula jiro ayaxa saxaraha

Tobannaan sano, sunta cayayaanku waxay ahayd xalka kaliya ee lagu xakamaynayo tirada ayaxa lamadegaanka. Laakiin habkani wuxuu saamayn karaa wax ka badan cayayaankan oo kaliya, waayo wuxuu kaloo keeni karaa khataraha degaanka iyo caafimaadka aadanaha.

Muddadii 2019-2022 dhibaatadii ayaxa, FAO, oo ay weheliso Dowladda Soomaaliya, waxay si gaar ah u isticmaaleen dawooyinka biopesticides iyo Nidaamiyeyaasha Koritaanka Cayayaanka (IGRs) si ay u xakameeyaan cayayaankaas, iyaga oo markii ugu horreeysey guul ka gaarey jawaab celin noocaan ah oo tusaale u noqotay maaraynta Ayaxa adduunka oo dhan.

Natiijooyinka muuqda ee ay gaareen mas’uuliyiinta Soomaaliya, oo ay taageerto FAO, ayaa la lafa-guray waxaana lala wadaagayaa waddamada uu saameeyey ayaxu.
Tan iyo markii ay dhibaatadu dhammaatay, FAO waxay abaabushey tababarro iyo aqoon-is-waydaarsiyo dhowr ah oo ay la yeelatay saraakiisha ka shaqeeya la tacaalidda ayaxa iyo saraakiisha wasaaradda si loo horumariyo hab-dhaqanka maaraynta ayaxa loona wadaago natiijooyinka.

Click here for more

 

Abaarta | OCHA: Isu duwaha arrimaha bini'aadminnimada ayaa qoondeeyey $17 milyan oo gargaar deg deg ah

Isu Duwaha Arrimaha Bini'aadminnimada ee Soomaaliya ayaa 17 milyan oo Doollar u qoondeeyey Sanduuqa Bani'aadminnimada Soomaaliya si gargaar deg deg ah loo gaarsiiyo meelaha ay khatarta ugu badani ka haysato macluusha, gaar ahaan bulshada ay sida daran u saamaysay  ee gobollada Bay, Bakool iyo Mudug/Galmudug.

Sidoo kale, OCHA waxa ay saaxiibbada kala shaqaynaysaa Eegista Guud ee Baahiyaha Bini’aadminnimo ee 2023-ka iyo Qorshaha Wax-ka-qabashada Bani’aadminnimada ee Soomaaliya ee 2023-ka xilli ay la daalaa dhacayso abaaro ba’an oo sababay biyo la’aan daran, xoolo la’aan iyo sicir-bararka cuntada.

Click here for more

 

Baaritaanka dembiyada | Taageerada UNODC ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Bisha Nofeembar waxay ku beegan tahay gabagabada in ka badan saddex sano oo ay UNODC ay taageeraysey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay u xoojiso awooddooda ay ku baarto dembiyada abaabulan ee Soomaaliya oo dhan.

Iyada oo laga faa'iidaysanayo taageerada dhaqaale ee waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Xafiiska Caalamiga ah ee Maandooriyaha iyo Arrimaha Dhaqangelinta Sharciga, UNODC waxa ay ciidanka booliiska ka taageerysay barnaamijka baarista dembiyada ee UNODC tan iyo 2019-kii. Tan iyo markii la hirgeliyey barnaamijka in ka badan 346 sarkaal oo booliis ah iyo 102 sarkaal oo maamulka ah ayaa la tababaray; taa waxaa dheer taageero la siiyey in ka badan 500 oo kiis oo dembi baariseed.

Guulaha la gaarey ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah in goobo aysan horay uga jirin laga sameeyey qaybaha dembi baarista, sida Maamul-goboleedyada ka tirsan Dowladda Federaalka ee Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubaland, iyo Gobolka Banaadir.

Click here for more

 

Abaarta | WPF waxay sii waddaa sare u qaadis aan caadi ahayn oo cuntada iyo nafaqada ah

WFP waxa ay sii waddaa inay kor u qaado gargaarkeeda cuntada iyo nafaqaynta ee naf-badbaadinta ah heerar aan horay loo arag, iyagoo ku dhaqsanaya si looga hortago macluusha la saadaaliyey iyada oo ay jirto abaartii ugu dheerayd muddo 40 sano ah.

Laga bilaabo bilowgii Nofeembar, WFP waxa ay cunto naf-badbaadin ah gaarsiisey in ka badan 4.3 milyan oo qof iyadoo taageero nafaqayn gaarsiisey in ka badan 550,000.

Bilihii la soo dhaafay, WFP waxa ay gaaraysey dad badan oo Soomaali ah oo si deg deg ah ugu baahan gargaar bini’aadminnimo si ka badan sidii hore.

WFP waxa ay sidoo kale sii wadaysaa la shaqaynta dowladda, hay'adaha bini'aadminnimada ee Qaramada Midoobey iyo saaxiibbada kale si ay ugu sii socoto meelaha gaajada ugu darani ka jirto ee ay weli caqabad tahay in la gaaro - kuwaasoo ay ku jiraan gobollada dhexe ee Soomaaliya oo khatarta macluushu ay tahay mid deg deg ah."

Click here for more

 

Abaarta | IOM oo adeegyo muhim ah siisa barakacayaasha

Abaarta Soomaaliya ayaa si khasab ah ku barakiciyey in ka badan hal milyan oo qof tan iyo sanadkii 2021-kii, iyadoo badi dadka barakacay ay aadeen magaalooyinka waawayn iyo kuwa xiga halkaas oo ay degaan goobo aan rasmi ahayn oo inta badan ay kala kulmaan xaalado nolol xumo ah.
Barakacayaashu inta badan ma oga xuquuqdooda iyo adeegyada ay ka heli karaan goobahan.

Si wax looga qabto farqiga macluumaadka loona hubiyo in dadku ay helaan gargaar ku filan, IOM waxa ay gacanta ku haysaa nidaamyada maaraynta kaamam ku dhow 628 goobood oo lagu barakacay oo dalka oo dhan ah, kuwaas oo qaabiley tobannaan kun oo qof. Goobahaa waxaa ka mid ah Baydhabo, Xudur, Doolow, Luuq, Baardheere, Kismaayo, Muqdisho, Beledwayne, Jalalaqsi, Buulo Burte iyo Jowhar.

Maamulayaasha xeradu waxay aqoonsadaan qof kasta waxayna ururiyaan macluumaadka taariikhdooda si ay saaxiibbada bini'aadminnimadu u fahmaan baaxadda baahiyaha shakhsiga ah si uu u helo taageerada uu u baahan yahay.

Ku dhowaad 450,000 oo qof oo dhowaan soo barakacay ayaa ka faa'iidaystey hagidda iyo macluumaadka ay siinayeen shaqaalaha goobta jooga tan iyo bilowgii 2022-ka.

Click here for more

 

Kaabayaasha dhaqaalaha | UNOPS oo xafiisyo cusub ku wareejisey hay'adda socdaalka

Hay’adda UNOPS ayaa xafiisyo cusub ku wareejisey Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Xafiisyadu waxay u adeegi doonaan xarunta cusub ee Hay’adda Socdaalka waxayna ka caawin doonaan dadaalka hay'adda socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha iyadoo Soomaaliya ay dib u dhismayso ka dib tobannaan sano oo colaado ah. Xarunta cusub waxay sidoo kale leedahay tignoolajiyada cagaaran iyo hannaanka tamarta iyo biyaha isku dhafan ama isla shaqeeya.

Munaasabaddii xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socdey Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka, Taliyaha Booliska, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka iyo Saraakiil ka kala socotey dowladaha Denmark, Finland Norway iyo UK.

Xafiisyada cusub waxaa ku baxay lacag dhan 6.8 milyan oo Doollar, iyadoo dhaqaalaha ku baxay uu ka yimid Xafiiska Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta UK, iyo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Denmark, Finland iyo Norway, iyadoo qaybta dambe ay sidoo kale ku jirto Wasaaradeeda Cadaaladda oo ka mid ah hay’adaha taageeraya.

Click here for more

 

Nabadaynta | UNHCR oo agabka ciyaaraha ugu deeqday tartan kubadda cagta ah

Magaalada Boosaaso, UNHCR ayaa waxa ay agab isboorti ku wareejisey Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Bari si loo fududeeyo tartan kubadda cagta ah oo maxalli ah oo ay ka qaybgelayaan siddeed kooxood oo isugu jira dad barakacayaal ah, qaxooti iyo bulshooyinkii degaanka.

Tartanka kubadda cagta ee sanadlaha ah ayay ujeedadiisu tahay horumarinta is dhexgalka iyo nabad ku wada noolaanshaha dhallinyarada gobolka Bari ee Maamul-goboleedka Puntland.

Xafladan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey oo taageeray mashruuca UNHCR ee ‘Sheegidda Sheekada Dhabta ah’ ee Puntland, kaas oo kor u qaadaya wada hadalka bulshada dhexdeeda ah ee ku saabsan khatarta ka ganacsiga iyo tahriibinta dadka socdaalka ah.

Click here for more

 

Abaarta | UNICEF: Mas’uuliyiin sarsare oo Ra’iisul Wasaaraha kala hadlay waxqabadka

Xigeenka Agaasimaha Fulinta ee UNICEF, Cumar Cabdi, ayaa booqday Soomaaliya si uu indhihiisa ugusoo arko saamaynta abaarta.

Intii uu ku sugnaa dalka, isaga oo uu wehliyo dhiggiisa WFP, Mudane Cumar ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxayna ka wada hadleen qorshayaasha kor loogu qaadayo wax ka qabashada abaaraha iyo sidoo kale baahida loo qabo dhisidda adkaysiga muddada dheer iyo taageerada horumarineed.

Mudane Cumar ayaa sidoo kale booqday bulshada ay dhibaatadu saameysey ee Doolow, halkaas oo uu indhihiisa ku soo arkay horumarka laga sameeyey wax ka qabashada isku dhafan, gaar ahaan maalgashiga wadajirka ah ee adkeysiga oo ay hadda wadaan UNICEF iyo hay'adaha kale ee bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay.

Sida laga soo xigtey UNICEF, dhammaan is dhexgalka iyo fagaarayaasha, waxaa jiray qirid ay jaalasha Qaramada Midoobey ka sameeyeen horumarka laga sameeyey kor-u-qaadista iyadoo la qirayo baaxadda wanaajinta tayada waxqabadka, baahida loo qabo taageero habaysan oo la saadaalin karo oo la siiyo saaxiibbada safka hore ee la xaalaya dhibaatooyinka bini'aadminnimo, hagaajinta isdhexgelinta wax qabashada, iyo ballaarinta baaxadda ilaa la gaarsiiyo dhulka miyiga ah iyo meelaha dhowaan la xoreeyey.

Click here for more

 

Abaarta | Madaxa UNFPA oo booqasho ku yimid Soomaaliya kuna baaqay in la helo taageero deg deg ah

Agaasimaha Fulinta ee hay’adda UNFPA, Natalia Kanem, ayaa booqatay Soomaaliya waxayna ku baaqday in si deg deg ah loo taageero haweenka iyo gabdhaha ay saameeyeen abaarihii ugu darnaa ee ku dhuftay dalka muddo 40 sano ah.

War ay saxaafadda siisay, Dr. Kanem ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka inay maalgeliyaan caafimaadka taranka, kahortagga iyo wax ka qabashada xadgudubyada ku salaysan jinsiga xilli ay haweenka iyo gabdhaha ay kusii kordheen dhibaatada abaarta ee sii xumaanaysa.

Abaarta ku dhufatay Soomaaliya ayaa keentay cunto yari aad u daran iyo in cunfigu kordho.

UNFPA waxaa weli ka go'an ilaalinta helitaanka adeegyada naf-badbaadinta ah ee caafimaadka taranka iyo ilaalinta kuwaas oo muhim u ah badbaadada iyo faya-qabka haweenka iyo gabdhaha.

Click here for more

 

Horumarinta ganacsiga | UNIDO oo kulanka BIC kusoo bandhigtay ganacsiyada Soomaalida 

UNIDO waxa ay ka qaybgashay shirkii ugu horreeyey ee sannadle ah ee BIC Afrika iyo Guddiga Maamulka oo lagu qabtay Addis Ababa. Munaasabadda ayaa ujeedadeedu ahayd in la isu keeno shirkado ganacsi oo laga soo xulay afar waddan oo la higsanayo – Angola, Ethiopia, Madagascar iyo Somalia – si ay u kulmaan una samaystaan xiriirro.

Dood-cilmiyeed shirka qayb ka ahayd ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socota UNIDO oo ka howlgala Soomaaliya, waxaana ay halkaasi kasoo jeediyeen warbixin ku saabsan horumarka uu ku tillaabsaday ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalka.

Kulanka waxaa martigelisey hay’adda BIC Africa, waana hindise uu maalgeliyey Midowga Yurub, islamarkaana ay hirgelisey Shabakadda Ganacsiga iyo Hal-abuurka Yurub (EBN).

Click here for more

 

Jinsiga | Qaramada Midoobey oo ku baaqday kahortagga cunfiyada ku salaysan Jinsiga

Bilowgii sanadkan 16-ka Maalmood ee Caalamiga ah ee Dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah Xadgudubyada ku Salaysan Jinsiga, xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la laba laabo dadaallada looga hortegayo waxna looga qabanayo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

“Dhibaatooyinka bini’aadminnimo ee ka socda Soomaaliya waxay barakiciyeen dad aad u badan waxayna haweenka iyo gabdhaha galiyeen khatar wayn oo ku aaddan cunfiga jinsiga ku salaysan iyo xadgudubyada galmada iskahorimaadyada la xiriira kuwaasoo si ba'an u saameeyey xaqa ay u leeyihiin nolosha, hab-nololeedyada iyo sharafta haweenka iyo gabdhaha," ayay tiri Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.
"Ka dhigista waxqabadka bini'aadminnimo mid jinsi ahaan loo dhan yahay iyo abuurista jawi nabdoon oo haweenka iyo gabdhuhu helaan waa muhim," ayay raacisay.

Ololaha sanadlaha ah ee 16-ka maalmood ee kahortagga xadgudubyada ku salaysan jinsiga, kaas oo soconaya laga bilaabo 25 Nofeembar, maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudubyada ka dhanka ah haweenka, ilaa 10-ka Diseembar, oo ah maalinta xuquuqda aadanaha, waa mid na xusuusinaysa howsha aan loo dhamayn ee xaqiijinta sinnaanta jinsiga, nabadda, iyo amniga dhammaan, dhinac kasta oo nolosha ah, kuwaasoo ay ku jiraan dhinacyada bulshada iyo siyaasadda.

Click here for more

 

Warbaahinta | UNDP: Wararkii ugu dambeeyey ee Bilan Media oo lagusoo bandhigay cudurka HIV

Bilan Media, oo ah kooxdii ugu horreeysey ee wada dumar ah oo warbaahineed misna Soomaali ah, ayaa jid cusub u furtay warbaahinta Soomaalida, iyadoo markii ugu horreeysey daabacday sheeko taxane ah oo ay ku eegaysey nolosha dadka la nool HIV ee dalka oo dhan. Sheekadan ayaa laga sii daayey TV-ga iyo Idaacadda Dalsan, waxaana 24-kii saac ee ugu horreeyey daawaday in ka badan 220,000 oo qof. Qaybo ku baxaya Isbaanish iyo Ingiriisi ayaa lagu daabacay warqaadka El Pais, oo ah mid ka mid ah dhowr warbaahin oo heer sare ah (ay ku jiraan Guardian iyo BBC) kuwaasoo iyana soo gudbiya wararka Bilan.

Sheekadu waxay kicisay dood ku saabsan sida loola dhaqmo dadka qaba HIV, iyadoo inta badan 2,000 oo faallo oo online loo bixiyey ilaa hadda ay ku baaqayaan in dadkan la siiyo taageero wayn. Sheekadani waa tii ugu dambaysey ee iftiiminaysa arrimaha bulshada ee sida caadiga ah la iskaga indho tiro. Warbixinnada kale ee dhowaanahan dhaliyey doodaha bulshada waxaa ka mid ah muuqaallo ku saabsan hooyooyinka da'da yar ee weli carruurta ah iyo kororka isticmaalka maandooriyaha ee haweenka Muqdisho.

Click here for more