Bayaan loo aaneynayo Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay - oo ku aaddan Soomaaliya

20 Aug 2022

Bayaan loo aaneynayo Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay - oo ku aaddan Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho 19kii Ogosto. Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibbanayaasha iyo sidoo kale Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajaynayaa inta dhaawaca ah.

Xoghayaha Guud wuxuu mar kale ku celinayaa in Qaramada Midoobay ay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed taageero kula garab taagan tahay dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyo socdaalkooda ku wajahan nabadda.

Farxaan Xaq, ku xigeenka Afhayeenka Xoghayaha Guud