Idil Cawil Cilmi: "Waxa aan jeclaan lahaa in aan arko jiilalka mustaqbalka oo aan qabin xanuunnada dhimirka”

24 Aug 2022

Idil Cawil Cilmi: "Waxa aan jeclaan lahaa in aan arko jiilalka mustaqbalka oo aan qabin xanuunnada dhimirka”

Mogadishu – Dadka Soomaaliya waxa lagu qiyaasaa 16.8 milyan oo qof – si kastaba ha ahaatee, si ay u daboolaan baahiyahooda caafimaadka dhimirka waxa dalka oo dhan jooga 82 xirfadle oo kaliya.

Idil Cawil Cilmi ayaa ka mid ah. 

Iyadoo la isku dayayo in la beddelo sheekooyinka taban ee inta badan ay sababaan dhacdooyinka naxdinta leh, shirarka billaha ah waxaa lagu aasaasay rugo cilmi-nafsiga togan, taas oo ah daraasad cilmiyeed oo ku saabsan arrimaha u suurtageliya shakhsiyaadka iyo bulshooyinka si ay u koraan, sida ay sheegtay Xarunta Cilmu-nafsiga togan ee Jaamacadda Pennsylvania.

Caqabadaha jira waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, afka Soomaaliga ma jiro kelmad gaar ah oo loo yaqaan 'depression' welina waxaa jira dhaleeceyn bulsho oo badan oo la xiriirta caafimaadka dhimirka.

"Hadda in ka badan sidii hore, Soomaalidu waxa ay u baahan yihiin taageero xagga caafimaadka dhimirka ah. Ka bulsho adkeysi leh ahaan, Soomaalidu waxa ay u soo dhabar adeygeyn dhibaatooyinka colaadaha daba dheeraaday, iyo xaalado caafimaad oo deg-deg ah, marba marka ka dambeysa,” ayuu kal hore sheegay Wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Mamunur Rahman Malik.

Bixinta taageeradaas waa caqabad ay Marwo. Idil, oo ah dhakhtar cilmu-nafsi, ay la soo tacaalaysay in ka badan toban sano, waana u riyaaqsan tahay.

Talo Aaabbe

Marwo Idil waxa ay 1984-tii ku dhalatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo ka dhigan in ay ahayd gabar yar markii ay dagaallada sokeeye ka qarxeen sagaashamaadkii oo burbur xooggan u geystay dalka intiisa badan, haddii ay ahaan lahayd waxeello muuqata, iyo sidoo kale haddii ay ahaan lahayd dhinaca fayo-qabka xagga dhimirka ee Soomaalida.

Helitaanka waxbarasho ma ahayn wax fudud, oo colaad ayaa lagu dhacay, laakiin Marwo Idil way ku adkaysatay. Waxa ay ka billowday dugsiga hoose dhexe ee Imaamu Shaafici, ka dibna waxa ay ku dhameysatay dugsiga sare 2004tii dugsiga hoyga ah ee Muqdisho ku yaal. Intii ay ku jirtay bilowga hore ee waxbarashadeeda dugsiga, ma aysan aqoon xirfadda ay tahay inay ku dedaasho.  

Taladii aabbaheed waxa ay mid ku dhamaatay arrintan. Waxa uu xusay in ay yar yihiin dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ee dalka ka shaqeeya, isaga oo og xirfadda gabadhiisa ee dadka, waxa uu ku dhiirigeliyay in ay shaqadan ku dedaasho.

"Marka aad da’yar tahay, waxa aad mararka qaar la halgamaysaa sidii aad u heli lahayd waxa kugu habboon. Aabbahay wuxuu ii soo jeediyay inaan barto cilmi-nafsiga, wuuna ku saxnaa,” ayey tiri.

Marwo Idil, waxa ay kasha gashatay tilmaanta aabaheed. Sannadkii 2005-tii, waxay aadday dalka Suudaan si ay waxbarasho heer jaamacadeed ah uga soo qaadato Jaamacadda Haweenka ee Ahfad, Omdurman, halkaas oo ay shahaadada koowaad ee jaamacadda ku qaadatay cilmi-nafsiga sanadkii 2010. Kadib waxa ay dib ugu soo laabatay Soomaaliya oo ay ka noqotay bare jaamacadeed oo aan joogto aheyn qaar ka mida jaamacadaha Muqdisho, sida Jaamacadda Banaadir, Jaamacadda Jazeera iyo Jaamacadda Sayniska iyo Tignoolajiyada ee Modern. 

“Wixi ugu horreeyay ee aan sameeyay markii aan ku laabtay Soomaaliya oo aan ka imid Suudaan waxa ay ahayd in aan ka fikiro halka aan ku meelmarinayo cilmiga aan bartay. Cilmu-nafsiga waa dareenkeyga, fursadaha saddexda jaamacadoodna waxay iga caawiyeen inaan u gudbiyo ardayda," ayey tiri.

Idil oo ah hooyada saddex carruur ah ayaa shaqadeeda ku dhammaystirtay shahaaddada Masters-ka ee cilmi-nafsiga oo ay qaab Online ah uga dhiganaysay jaamacadda Unicaf, taasi oo ay ka qalin-jabisay sanadkii 2020. Sannadkii hore, waxa ay ku biirtay Isbitaalka Dr. Cismaan Fiqi ee magaalada Muqdisho oo ka noqotay la-taliye.

"Waxa aan ka shaqa billaabay isbitaalka si aan u caawiyo dadkayga oo aan ugu adeego si ka ka duwan sida aan jaamacadaha ugu caawinayey," ayey tiri Marwo Idil.

Hindise Hor leh

Muddadii 11-ka sano ahayd ee ay wax dhigeysay, oo ay shaqaynaysay, Marwo Idil waxa ay yaqiinsatay in sannadihii colaaddu ay si toos ah iyo si dadbanba u dhaawacantay fayoobida maskaxeed ee qaar ka mida muwaaddiniinta dalkeeda.

"Dhacdo kasta oo murugo leh waxa ay saamaysaa kuwa badbaaday iyo qoysaska dhibbanayaasha, taasoo keenta welwel iyo walbahaar," ayey tiri Marwo Idil. Waxa ay rabtay in ay wax badan qabato, oo ka baxsan goobta shaqada iyo fasalka.

Sannadkii 2021, 38-jirkan ayaa billowday hindise la yiraahdo ‘Fadlan dhoolacadee!’ kaasoo ku qotoma shirar bille ah oo lala yeesho kooxo haween iyo rag dhalinyaro ah oo la tacaalaya arrimaha xanuunada dhimirka. Waxa ay ujeedadeedu tahay inay ka caawiso inay ku qancaan nolol maalmeedka, dhisidda dareenka bulshada, iyo inay la dagaallamaan ceebaha la xiriira cudurrada dhimirka ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan lala xiriirinayo dhibka ay dalka iyo dadka u soo mareen tubtooda nabad iyo xasilooni.

Iyadoo la isku dayayo in la beddelo sheekooyinka taban ee inta badan ay sababaan dhacdooyinka naxdinta leh, shirarka billaha ah waxaa lagu aasaasay rugo cilmi-nafsiga togan, taas oo ah daraasad cilmiyeed oo ku saabsan arrimaha u suurtageliya shakhsiyaadka iyo bulshooyinka si ay u koraan, sida ay sheegtay Xarunta Cilmu-nafsiga togan ee Jaamacadda Pennsylvania.

"Xanuunka iyo fayo-qabka waxa ay labaduba qayb ka yihiin xaaladda bini'aadamka cilmu-nafsiguna waa inuu daryeelaa mid kasta. Awoodaha bini'aadamka, raynraynta, iyo koboca bini'aadamku waa sida murugada aadanaha uun. Dadku waxay rabaan inay kobciyaan nooca ugu wanaagsan ee naftooda oo ay ku noolaadaan nolol macno leh. Waxay rabaan inay kobciyaan awooddooda jacaylka iyo naxariista, hal-abuurka iyo xiisaha, shaqada iyo adkeysiga, iyo daacadnimada iyo xigmadda,” ayey Xaruntu ku sheegtay boggaeda websaaytka.

Inta lagu jiro shirarka, ka qaybgalayaashu waxa ay wadaagaan shucuurtooda iyo waayo-aragnimadooda jawi ammaan ah waxa ayna ku dhaqmaan miyir-qabka.

"Kulamada ayaa diiradda lagu saarayaa dhalinyarada iyo ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha kuwaas oo la kulma saameynta jawi aan ammaan ahayn xitaa ka hor inta aan la dhalin. Waxa aan la kulmay dad hilmaamay dareenka farxadeed, iyo arday badan oo nolosha ku soo yaacay oo raadsanaya darajooyin sare, shahaado, ama shaqo, illoobay in ay xilliga noolaadaan oo ay qanaaco u halgamaan,” ayey tiri, Marwo Idil. 

Tiiraanyada la dhaxlay

Hindisaha ‘Fadlan dhoolacadee!’ Khabiirka cilmu-nafsiga ayaa si gaar ah diiradda u saaraya, iyadoo isku dayaysa sidii uu u dhantaali lahayd isu-gudbinta tiiraanyada jiilba jiil kale, taasoo ah dhibaato gaar ah oo Soomaaliya ka jirta marka loo eego sannadihii colaadaha ee ay la socdeen tirada dhalinyarada dalka ee sii kordheysa.

"Muddada fog, waxa aan jeclaan lahaa inaan arko jiilalka mustaqbalka oo aan qabin cudurrada dhimirka, laakiin hadda, qaybta ugu muhiimsan ee wacyi-gelintayda waa inaan ka caawiyo dadka inay helaan qanacsanaanta oo ay ka tagaan dhammaan fikradaha iyo khibradaha xun, ama aadka ugu yar fududaynta iyo dheellitirka noloshooda,” ayay ku nuuxnuuxsatay. 

Ka qaybgalayaasha shirarku waxa ay ugu horrayn ahaayeen dhallinyaro hore u helay la-talin cilmu-nafsi.

Faaduma Cali Cabdi oo ka mid ah ka qayb galayaasha kulammadaas ayaa tiri, “Kulamada waxa ay iga caawiyeen in aanan farxaddayda marti ka noqon”.

"Aniga ahaan, waxa uu ii ahaa kulan qiimo leh, maadaama aan wax badan ka fahmay maaraynta walbahaarka iyo is-dejinta waqtiyada adag," ayuu yiri Maxamed Daahir Cali, oo ka qaybgalay kulan horaantii sanadkan.”

Bil kasta lagu qabto goobo kala duwan, sida iskuullo, jaamacado iyo isbitaallo, hindisaha ‘Fadlan dhoolacadee!’ ayaa soo jiitay ilaa 150 qof. Marwo Idil waxa ay rajaynaysaa in ay awood u yeelato in ay qabato kulamo kan la mid ah oo mustaqbalka ka dhici doona deegaannada Dawlad-goboleedyada ee dalka.

Dhaleeceynta Bulshada

Marwo Idil, waxa ay ku faantaa in xaqiiqdii ay sii kordhayaan aqbalaada muhiimada caafimaadka dhimirka ee Soomaalida dhexdeeda. Marka laga soo tago aabbaheed, markii ugu horreysay ee ay shaqadeeda billowday, qaar ka mid ah asxaabtu waxay kula taliyeen in ay ka shaqeyso qaybtan maadaama ay aaminsan yihiin in aysan jirin baaxad ay ku leedahay Soomaaliya.

"Dad badan ayaa halkan laga yaabaa inay rumaystaan in la-talinta cilmu-nafsiga aysan muhiim ahayn, laakiin taasi run maaha. Shakhsi ahaan waan ka marag kacayaa,” ayey tiri.

"Dhallinyaradeenu waxa ay diyaar u yihiin isbeddel waxa ayna u baahan yihiin in ay si fiican u fahmaan noloshooda" ayey raacisay. "Xaqiiqdii, caqabadaha si joogto ah ayey u jiraan, badankooduna waxa ay ka yimaadaan dhaqanka iyo caqiidada qofka, sida rumaysnaanta in cilmu-nafsigu aanu ahayn saynis dhab ah." 

Idil, oo ah hooyada saddex carruur ah waxa ay ka hadli kartaa waayo-aragnimada shakhsi ahaaneed – waxa ay ku dhaqantaa waxa ay dadka ku waaniso. Dabeecadda tiiraanyada leh ee khibradaha ay la macaamilayso darteed, iyaduna waxay heshaa la-talin maskaxeed.

"Mararka qaar waxa aan la kulmaa dad ii sheega sheekooyin argagax leh. Sheekooyinka qaarkood waxa ay iga dhigaan qof warwarsan, waxa aanan dareemaa ciriiri, ka dib, waxa aan qudheyda raadsadaa la-taliye, waxa aan dhageystaa waxa maskaxdayda ku jira, waana nafisaa," ayay tiri Marwo Idil.  

Caafimaadka Dhimirka

Bishii Febraayo 2022, Joornaalka Caalamiga ah ee Nidaamyada Caafimaadka Dhimirka ayaa daabacay daraasad ku saabsan xaaladda caafimaadka dhimirka ee Soomaaliya. Waxa ay muujisay baahi weyn oo loo qabo in mudnaanta la siiyo ka hortagga iyo daawaynta xanuunnada dhimirka ee dalka.

Sida ay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ku sheegeyso xogta Soomaaliya ee Atlaska Caafimaadka Dhimirka ee 2020, wadarta guud ee xirfadlayaasha caafimaadka dhimirka ee dalka waxaa lagu qiyaasay 82, afar kaliya ayaa ah dhakhaatiirta dhimirka. Waxa kale oo ay muujinaysaa in dalku u baahan yahay xog iyo cilmi-baaris, halka barnaamijyada ay ka midka yihiin ka-hortagga is-dilka ama ceebeynta iyo takoorku aanay ka jirin.

Maalinta Caafimaadka Dhimirka ee sannadkii hore, oo la xuso sannad walba 10-ka Oktoobar, WHO iyo Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saaray war-murtiyeed ay ku caddeeyeen inay iska kaashanayaan horumarinta istaraatiijiyadda Caafimaadka Dhimirka ee 2019-2022, iyadoo marka dambe la dhameystirayo siyaasadda caafimaadka dhimirka.