Bayaan uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud – Oo ku saabsan Soomaaliya

29 May 2023

Bayaan uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud – Oo ku saabsan Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud wuxuu si kulul u cambaareynayaa weerarkii dhowaan lagu qaaday fariisinta Hawlgalka Kalaguurka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ee ay ka hawlgalaan ciidanka nabad-ilaalinta ka soo jeeda Yugaandha, ee ku yaalla magaalada Buulo Mareer, gobolka Shabeellaha Hoose, Soomaaliya.  

Xoghayaha Guud waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska kuwa dhintay, sidoo kale Dowladda iyo shacabka Yugaandha. Wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeyanayaa kuwa dhaawacmay. 

Xoghayaha Guud waxa uu ammaanayaa dhammaan ciidamada ATMIS, wuxuuna uga mahadcelinayaa waxqabadkooda ay ku taageerayaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. 

Xoghayaha Guud waxa uu mar kale ku celinayaa baaqiisa uu beesha caalamka ugu baaqay inay ATMIS iyo ciidamada Amniga Soomaaliya ku taageeraan dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada rabshadah wata.

Stéphane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud