Bayaan uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud – Oo ku saabsan Soomaaliya

29 May 2023

Bayaan uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud – Oo ku saabsan Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud waxa uu si kulul u dhaleeceynayaa weerarkii dhawaantan ee ka dhanka ahaa Hawlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ee lagu qaada fariisin ay ku shaqaynayeen nabad-ilaaliyeyaasha ka soo jeeda Yugaandha, oo ku yaalla magaalada Buulo Mareer, gobolka Shabeellaha Hoose, Soomaaliya.  

Xoghayaha Guud waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska kuwa dhintay, sidoo kale dowladda iyo shacabka Yugaandha. Waxa uuna bogsiino degdeg ah u rajeyanayaa kuwa dhaawacmay. 

Xoghayaha Guud waxa uu ammaanayaa dhammaan ciidamada ATMIS, waxa uuna uga mahadcelinayaa waxqabadkooda ay ku taageerayaan xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya. 

Xoghayaha Guud waxa uu mar kale ku celinayaa baaqiisa beesha caalamka ee ah inay taageeraan ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo kuwa ATMIS, dagaalkooda ay ka dhanka ah xagjirnimada rabshadah leh. 

Stéphane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud