Bayaanka uu Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Raisedon Zenenga, u jeediyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 22kii May 2019

22 May 2019

Bayaanka uu Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Raisedon Zenenga, u jeediyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay 22kii May 2019

Mudane Madaxweyne,

UNSOM waxay sannadka cusub ku bilLowday iyadoo soo wajahday xasarad amni oo ka dhalatay weerarkii hoobiye ee lagu soo qaaday Xerada Qaramada Midoobay 1dii Janaayo, iyo xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay cayrintii Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Nicholas Haysom isla maalintaas.

Labada dhacdo ayaa si weyn u carqaladeeyay fulinta waajibaadka ee la xiriirka Hawlgalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hirgelinta waajibaadka shaqo. Waxay sidoo kale sare u qaadeen heerka halista amniga ee shaqaalaha Qaramada Midoobay waxayna shaqaalaheena ku keentay niyad-jaab balaadhan.

Waxaan isla markiiba mudnaanta siinnay nabadgelyada iyo amniga shaqaalaheena annagoo xoogga saarayna dadaalkeena siyaasadeed ee ku aaddan dib-u-dhiska xiriirka nagala dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dib u soo celinta hirgelinta waajibaadka shaqo

Annagoo la shaqeynayna UNSOS iyo Kooxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala dalka, ayaa waxaan qaadnay tallaabooyin aan shaqaalahayaga ku siinayno hoy iyo goob shaqo oo amaan ah iyo aan ku xoojinayno dkeysigeena aan u leenahay weerarrada hoobiyeyaasha. Waxaan Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ugu mahadcelinayaa taageerada uu bixiyay.

Laakiin, xalka waara ee loo helo khatarta amni ee joogtada ah wuxuu ka iman doonaa in al Shabaab loo diido goobaha iyo fursadaha ay ku diyaariyaan kana soo qadaan weerarrada. Nidaamka QM iyo la hawlgalayaasha caalamiga ah ayaa si wadajir ah u wada shaqeeya si awood loo siiyo ciidamada amniga Soomaalieed inay awood ku yeeshaan aagagga loo adeegsan jiray in laga soo qaado weerarrada hoobiyeyaasha iyo inay taageeraan hirgelinta qorshe amniga oo dhameystiran oo loo dejiyo magaalada Muqdisho.

Waxaanu horumar wanaagsan ka sameyneynaa dib-u-soo celinta xiriirka UNSOM iyo Dowladda Federaalka. Annagoo ka duuleyna booqashadii Kaaliyaha Xoghayaha Guud DiCarlo ay ku timid magaalada Muqdisho bishii Janaayo, wadahadalladii aan la yeeshay Ra'iisul Wasaare Xasan Khayre waxay ahaayeen kuwo wax ku ool ah. Waxaan ku heshiinnay qorsheyaal dib loogu soo celiyo laguna xoojiyo xiriirka Howlgalka la yeesho Dowladda, Ra'iisal Wasaaruhuna wuxuu ii ballanqaaday inay ka go'antahay inuu xoojiyo xiriirka ka hor imaanshaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee cusub.

Waxaa jiri doona caqabado naga horeeya, welina waxaa weli jira arrimo tijaabin doona xiriirka nagala dhexeeya Dowladda Federaalka. Laakiin waxaa hubaal ah inaanu joogno meel ka fiican meeshii aynu joognay billowgii sannadka.

Hirgelinta waajibaadka shaqo waxay ku soo noqotay halkeedii hore, gaar ahaan meelaha aan ku bixino taageero farsamo. Kuwaas waxaa ka mid ah diyaarinta doorashooyinka 2020ka, hannaanka dib-u-eegista dastuurka, dhisidda tayada bilayska, iyo gacan ka geysashada qorshaynta hawlgallada amni ee socda, oo ay ku jiraan hawlaha xasilinta. Annagoo la shaqaynayna hay'adaha kale ee caalamiga ah, waxaan sidoo kale adeegsanaa sumcaddeena wanaagsan si aan u dhiirigelinno wadahadal dhexmara Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka

Mudane Madaxweyne,

Iyadoo ay jiraan duruuf adag oo dhinaca amniga ah, xasaradaha siyaasadeed ee soo noqnoqonaya, iyo weliba tayo yaraan iyo caqabadaha maaraynta dhibaatooyinka siyaasadeed ee ajandaha dib-u-habeynta, haddana Soomaaliya waxay weli ku taagantahay jidka wanaagsan. Muddada warbixintan, dalku wuxuu horumar muhim ah ka sameeyay dib-u-habeeynta dhaqaalihiisa iyo arrimaha amnigiisa. Horumar ayaa sidoo kale laga gaaray ajendaha siyaasadda loo wada dhanyahay, oo ay ku jiraan hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka guud.

Ka qeybgalayaasha kulammadii Gu’ga ee IMF iyo Baanka Adduunku ee bishii Abriil ayaa Soomaaliya ku ammaanay horumarka laga gaaray dib u habeynta dhaqaalaha. Dhamaystirka lagu qanco ee Barnaamijka Korjoogteynta Shaqaalaha ee saddexaad ayaa suurogeliyay dejinta Barnaamijka Korjoogteynta Shaqaalaha ee afaraad ee u gogolxaari doona in la gaaro in go’aan laga qaato Tallaabada Dalalka Saboolka ah ee Sida Xoogga leh u Qaameysan, ee la filayo billowga sannadka 2020.

Dawladda Federaalka ayaa go'aansatay in ay adeegsato isla hannaankaas adag si ay isla xisaabtan iyo hufnaan ugu keento hay’adaha amniga. Tusaale ahaan, diiwaangelinta biometrika ah (qaabka casriga) ee dhammaan Ciidammada Qaranka Soomaaliya ayaa la dhammeystiray bishii Maarso. Dhammaan 16,000ka askari ee ka diiwaangashan ayaa hadda si toos ah mushaarkooda uga qaata koontadooda bangiga. Tani waxay meesha ka saartay kuwii ka dhex dallaalayay, waxay yareysay musuqmaasuqa, waxayna xaqiijisay in si joogto ah mushaarka loo siiyo shaqaalaha ciidanka. Waxay sidoo kale u gogolxaaraysaa in tirada Ciidanka Qaranka la gaarsiiyo halka ku habboon.

Iyadoo barbar socota dib-u-habeynta hay’adaha amniga, Dowladda Fedaraalka ayaa hawlgallo milateri ku qaadday gobolka Shabeellaha Hoose si loo hormariyo Qorshaha Kala-guurka, la wiiqo awoodda al-Shabaab ee soo gaarta magaalada Muqdisho oo  sidaasi lagu joojiyo kororka dhowaanahan ku yimid weerarrada al Shabaab ee magaalada Muqdisho.

Hawlgallada milatari ee hadda socda, ee ay taageerayaan AMISOM, UNSOS iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa kiciyay qorsheyn wadajir ah oo si nidaamsan u soo saaray unugyo karti leh, oo masual ah/lala xisaabtami karo, la aqbali karo oo la awoodi karo ee ka mid ah Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, kaasoo ah horumar aan horay loo arag, Waxay sidoo kale muujiyeen qiimaha hannaanka dhammaystiran ee nabadgelyada iyadoo xasilinta iyo qaybaha  booliska lagu darayo hawlgallada millatariga, iyo hirgelinta dib-loo-xoojiyay ee Qorshaha Kala-guurka.

Diyaargarowga farsamo ee loogu jiro doorashooyinka guud hal qof iyo hal cod ee sannadka 2020 ayaa sameynaya horumar. Hannaanka lagu ogaanayo goobaha ay ka dhici karto diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ayaa billowday bishaan. Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa xafiisyo ka furtay inta badan Dowlad Gobleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. 

Qabyo-qoraalka hindisesharciyeed Xeerka Xisbiyada Siyaasadda iyo hindisesharciyeedka Doorashada ayaa laga ansaxiyay Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka waxaana loo gudbiyay Baarlamaanka, hase yeesheer hindisesharciyeedka Doorashada ayaa weli ah arrin ay dood ka qabaan Dowlad Goboleedyada Federaalka. Ansaxinta hindisesharciyeedyadan waxay aad lagama maarmaan ugu tahay tubta khariidadda geeddi socodka siyaasadda si ay u sii socoto, annagana waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay taladu ka go’do inay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa heshiis loo tarjumi karo ansaxin baarlamaan bilaha soo socda.

Dib-u-eegis farsamo ayaa lagu sameeyay sagaal ka mid ah shan iyo tobanka cutub ee Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah. Tani waa guul weyn. Laakiin, ugu dambeyntii horumarka waxaa lagu cabbiri doonaa heshiisyada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee ku aaddan dhinacyada muhiimka ah ee dastuurka, oo ay ku jiraan awood qaybsiga iyo wadaagga kheyraadka.

Horumar muhiim ah ayaa laga sameeyey Xuquuqul Insaanka. Ka dib rabshadihii keenay khasaaraha dadka rayidka ah intii lagu guda jiray doorashadii Koonfur Galbeed ee bishii Disembar ee lasoo dhaafay. Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa labaduba waxay dhamaysteen baaritaan lagu sameeyay dilka dadki rayidka ahaa. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa iyaduna waxay qabanqaabisay shirar dib-u-heshiisiin ah oo loo qabtay beelaha ku lugta lahaa arrinta, isla markaana waxay ogolaatay inay magdhaw siiso qoysaska dhibanayaasha.

18kii May, Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu ansixiyey Heshiiska Xuquuqda Dadka Laxaadkooda Dhimanyahay. Ansaxintaas hadda waxay gaari doontaa [Xafiiska] Madaxweynaha si uu u saxiixo. Waxaan ugu hambalyeynayaa Dowladda Federaalka ah tallaabadan muhiimka ah ee kor loogu qaadayo laguna ilaalinayo xuquuqda dadka laxaadkoodu dhimanyahay.

Mudane Maxadweyne,

Soomaaliya waxay wali la hardamaysaa caqabado waaweyn. Dadaalada dib-u-hagaajinta ah ayaa la kulmay iska-caabin laga fursan waayay. Si gaar ah, dib-u-hagaajinta waaxda dhaqaalaha iyo waaxda amniga, ayaa Khasab ka dhigaya in la kala furfuro dagaal dhaqaale oo bullaalayay tobaneeyo sano. Waxaa jira dano badan oo gaar ah oo hor taagan in la kordhiyo isla-xisaabtanka. Wax ka qabashada danahaas gaarka ah ayaan u baahnayn oo kaliya ka-go’naasho, taas oo ay muujisay Dowladda Federaalka ah, laakiin waxay u baahantahay hab loo wada-dhanyahay oo lagu dhiso xiriirka lala leeyahay dhamaan dadka ay hawshu ka dhaxayso si loo muujiyo in dib-u-hagaajintu ay faa’iido u tahay qaranka oo dhan.

Hirgelin buuxda oo joogto ah oo la hirgeiyo waxyaabaha mudnaanta u leh Soomaaliya waxay ku xirantahay dib-usoo celinta wada-shaqayntii ka dhexeysay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Inkastoo ay ahayd tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dib-u-billaabidda wada-hadallada, ayaa kulankii wadatashiga ahaa ee dhexmaray hoggaamiyeyaasha Dawladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee lagu qabtay Garowe 5-tii ilaa 10-kii May uu ku fashilmay in heshiis laga gaaro mid kamid ah arrimaha udub dhexaadka ah iyo weliba taariikhda iyo qaabka iyo goobta lagu qabanayo kulanka xiga. Annaga iyo saaxiibada caalamka oo wada jirna waxaan, weli kusii dhiiri gelinaynaa madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah inay si dhakhso leh u bilaabaan wada-hadallada unsoo celiyaan wada-shaqayntii, kuwaas oo aan lagama maarmaan u ah hirgelin joogto ah oo la hirgeliyo dib-u-hagaajinta.

Geedi socodka doorashooyin ee muranku ka taaganyahay ee Galmudug iyo Jubaland, oo la qorsheeyay inay kala qabsoomaab bilaha Luulyo iyo Agosto, ayaa looga wada hadlay kulankii wadatashiga ahaa. Waxay noqdeen qodobo walaac keenay. Sida arrintii Koonfur Galbeed oo kale  ee sannadkii hore, ayaa khatarta rabshaduhu ay tahay mid aad u sareysa. Waxaan weli kusii boorinaynaa madaxda Dawladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyadaba inay cashar ka qaataan Dowlad Goboleedka Koonfurta Galbeed iyo sidoo kale hababka wanaagsan ee doorashooyinka Puntland, ayna khilaafaadka geedi socodka doorashooyinka soo socda u maareeyaan hab ka hortegaya isku-dhacyo isla markaasina xaqiijinaya daahfurnaan iyo cadaalad.

Mudane Madaxweyne,

Wadahadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, oo sidoo kale saameyn ku leh dhammaystirka geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, ayaa weli hakad ku jira. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ina dhiirri-galiyay hadalkii uu jeediyay madaxweynaha “Somaliland” Muse Biixi ee 18-kii May ugu muujiyay Puntland in uu diyaar u yahay xoojinta nabadda, oo ay ku jirto is-dhaafsiga maxaabiista, iyo wada-shaqayn Soomaaliya lagala shaqeeyo arrimaha la xiriira amniga, ganacsiga iyo waxbarashada. 

Mudane Madaxweyne,

Dhaqdhaqaaqa wanaagsan ee ka socda Geeska Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ugu jira fursado waaweyn si ay uga gun gaarto awoodeheeda istiraatiijiyadeed iyo kuweeda dhaqaale. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka sii xumaanaya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka dhashay muranka xuduudda badda, ayaa ah mid walwal leh. Wuxuu saameyn ku leeyahay dadaallada nabadaynta iyo dowlad dhisidda ee Soomaaliya. [In la abuuro] Wadahadal, oo aan dhexmarin oo kaliya Kenya iyo Soomaaliya, laakiin lala yeesho Dowladaha kale ee Xubnaha ka ah Ururka IGAD, ayaa lagama maarmaan u ah yaraynta xiisadaha iyo wax ka qabashada arrimaha asaasiga ah ee abuuray xiisadaha sii socda.

Mudane Madaxweyne,

Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo ay horumar dheeraad ah ku samayn karto bilaha soo socdo. Si taasi ay u dhacdo, waa in  madaxdeeda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ku heshiiyaan inay wada-shaqeeyaan oo ay wax isla ogolaadaan. Baarlamanku waa inuu diiradda saaro ansixinta sharciyada mudnaanta leh oo uu meel mariyo waqtiga loogu talo galay. Dhammaan dadka dalka ee hawshu khusayso waxaa looga baahanyahay inay si waxtar leh uga wada shaqeeyaan sidii ay uga fal celi lahaateen abaarta soo muuqata una baajin lahaayeen macluul.

Waana in la kobciyo xiriirada muhiimka ah, ee lala leeyahay dadka dalka ee dantu ka wada dhaxayso, saaxiibada caalamka iyo awoodaha gobolka, ee ka jira Geeska Afrika iyo weliba Gacanka. Tubtu wey toosantahay weyna wanaagsantahay, dhamaanteenna waan wada shaqayn karnaa  si aan awood ugu siino dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamka hawlaha dib-u-habaynta iyo horumarka.

Mahadsanid, Md. Madaxweyne.