Madaxa QM ee Soomaaliya oo si kulul u cambaareeyay dilka sarkaal amaanka qaabilsan oo ka tirsanaa shaqaalaha qaran ee QM loogu geystay Gaalgacyo

1 Jun 2019

Madaxa QM ee Soomaaliya oo si kulul u cambaareeyay dilka sarkaal amaanka qaabilsan oo ka tirsanaa shaqaalaha qaran ee QM loogu geystay Gaalgacyo

WAR-SAXAAFADEED 05/2019

Muqdisho – Sii-hayaha Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga, ayaa sida ugu kulul ee suurtagal ah u cambaareeyay dilka loo geystay kaaliye amni Maxamed Cabdi Khayre isagoo kasii baxayay masjid ku yaal magaalada Gaalkacyo fiidnimadii shalay.

Ma jiro ilaa iyo hadda shakhsi ama koox sheegatay mas’uuliyadda dilka Md. Khayre, oo loola cararay isbitaal laakiin markii dambe u geeryooday dhaawacyadii soo gaaray.

“Waxaan ka baroor-diiqaynaa geerida Md. Khayre, oo si heer sare ah oo hawlkarnimo leh uga shaqaynayay Waaxda Badbaadada  iyo Amniga ee QM xilligiisii shaqo ee hay’adda,” ayuu yiri Md. Zenenga. “Waxaan ku boorinaynaa laamaha amniga inay dadaal kasta ku bixiyaan inay gacanta kusoo dhigaan raggii hubaysnaa ee mas’uulka ka ahaa dilka foosha xun ee loo geystay saaxiib geesi ahaa oo naftiisa xaalad adag u geliyay si ay u badbaadaan shaqaalaha QM ee saldhigoodu yahay magaalada Gaalkacyo. Dhamaan bahda QM ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay tacsi kal iyo lab ah u dirayaan qoyska iyo saaxiibada Md. Khayre.”