Beesha caalamka oo aad uga walaacsan go’aanada Madasha Hogaanka Qaran ee ku aaddan geedi-socodka doorashada

27 Dec 2016

Beesha caalamka oo aad uga walaacsan go’aanada Madasha Hogaanka Qaran ee ku aaddan geedi-socodka doorashada

 

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Belgium, Talyaaniga, Netherlands, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Inigiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan go’aano dhowr ah oo ay ku dhawaaqday Madasha Hogaanka Qaran (MHQ) kuna soo saartay war-murtiyeedkeedii ku-taariikheysnaa 24 Disembar 2016.

Kulanka maanta lagu dhaarinayo Baarlamaanka Federaalka waa tallaabo horey loo qaaday. Hasee yeeshee, saaxiibada beesha caalamku waxay jeclaan lahaayeen inay arkaan in geedi-socodka doorashadu uu horay u sii socdo laguna galo 54ka kursi ee Aqalka Sare ee hadda jirta, sida ku qeexan Dastuurka Ku-Meelgaarka ee Soomaaliya. Wixii wax ku kordhin dheeraad ah oo lagu sameeyo Aqalka Sare waa in laga fikiraa oo laga baaraandegaa oo keliya kadib marka doorashada madaxweynaha lagu qabto baarlamaanka federaalka cusub, loona maro hanaan dastuuri ah oo sax ah.

Saaxiibada beesha caalamku waxay garowsadeen warmurtiyeedka MHQ ee 26 Disembar ee shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka loogu asteeyay inay maraan wareeg cusub oo codeyn ah. Laakiin tallaabadani waxay ku guuldareysatay inay wax ka qabato dhowr ka mid ah dacwadihii kale ee ku takrifalka hanaanka doorashada ee aadka u xumaa, oo ay ka midyihiin kuraasta loo qoondeeyay musharaxiinta haweenka ah oo keliya ee ugu dambeyntii qaateen musharaxiin rag ah.

Go’aanka MHQ ee lagu buriyay dhammaan go’aanadii guddiyada doorashada dalka ay doorashada kaga reebeen musharaxiin lagu eedeeyay inay geysteen ku-takrifal iyo wax isdabamarin ayaa ka dhigan cafis buuxa oo loo fidiyay kuwii geystay qaar ka mid ah wax isdabamarinadii ugu cad-caddaa ee la arkay intii uu socday geedi-socodkan doorasho. Wuxuu sidoo kale ka soo horjeedaa ballaanqaadkii adkaa ee Dowladda federaalka ay ku gashay inay dhowrto ku dhaqanka sharciga.

Haddii musharaxiintan loo ogolaado inay ku fariistaan kuraastooda baarlamaanka tobanaad ee Soomaaliya, taasi waxay su’aal gelinaysaa ballan-qaadkii ay muujisay MHQ ee ku aaddanaa mabaadi’da islaxisaabtanka iyo ku-kalsoonaanta oo saldhig u ah geedi-socodka guud ahaan. Sidoo kale, waxay wiiqi doontaa xeerka anshaxa ee ay saxiixeen dhammaan musharaxiinta baarlamaanka oo looga dan lahaa in la simo goobta tartanka laguna xaqiijiyo in la helo geedi-socod lagu kalsoonaan karo.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si xooggan u rumeysanyihiin inay lagama maarmaan tahay in mar kale lagu celiyo doorashada kuraasta ay natiijada codayntooda si cad loo weeciyay iyadoo la adeegsanayo gacan ka-hadal, musuqmaasuq, cagajuglayn, gudbin ergo doorasho oo aan sharci ahayn iyo in lagu fashilmay in saddexdii kursiba mid si gaar ah loogu asteeyo musharaxiinta  haweenka ah oo keliya.

Saaxiibada beesha caalamku waxay baarlamaanka federaalka ugu baaqayaan inuu sida ugu dhakhsiyaha badan u soo saaro jadwal lagu dhamaystirayo geedi-socodka si loo doorto Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada baarlamaanka federaalka ee cusub, iyo Madaxweynaha Federaalka. Jadwalkani waa in si dhab ah loo dhaqangeliyaa si looga fogaado dib u dhac dambe oo ku yimaada geedi-socodka doorashada oo ahayd inuu soo dhammaado horaantii sanadkan. Waxaa jirta baahi gaar ah oo loo qabo in geedi-socodka si dhakhso leh loo soo afmeero iyadoo lagu xisaabtamayo shirka soo socda ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ka yeelanayo Soomaaliya kaas oo lagu tala jiro in la qabt 19 Janaayo 2017.

Saaxiibada beesha caalamku waxay rumeysanyihiin in sharafta iyo sumcadda geedi-socodka doorashada 2016 ay tahay mid aan la hubin siday noqon doonto. Dib u dhacyo kale iyo in lagu guul daraysto in lala xisaabtamo dhinacyadii geystay ku-takrifalka iyo wax isdabamarinada aadka u daran waxay wax u dhimmi doonaan awoodda iyo rabitaanka beesha caalamka ee la-shaqaynta dowladda federaalka ah ee soo socoto.