Gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa doortay todobo murashaxiin cusub, doorashada aqalka hoose

Saraakiisha doorashada tirinayaan codadka inta lagu jiro geedi socodka doorashada Somaliland, Muqdisho, Soomaaliya, 19 Desembar 2016. QM Sawir

19 Dec 2016

Gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa doortay todobo murashaxiin cusub, doorashada aqalka hoose

Todobo murashax oo kale ayaa maanta la doortay doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobolada waqooyi ee Soomaliland, iyadoo lagu guda jiro qeybihii ugu danbeeyay doorashada. Tirada guud xubnaha matalaya goboladaas ee la doortay ayaa ah 26 xildhiban.

Lix murashax ayaa la doortay maanta sidoo kale hal murashax ayaa la doortay 14 December. Doorashadii lagu balansanaa jimcihii ayaa la hakiyay kadib markii goobta codeynta hareysay khalalaase iyo muran ka dhashay liiska xubnaha ergada ah ee codeyn lahaa iyo arimo kale.

Murashaxiinta guuleysatay maanta waxa ka mid ah saddex haween ah, iyadoo ka dhigeysa haweenka la doortay gobolada waqooyi ilaa hadda toban xubnood. Arintan ayaa ka dhigan in 26 xubnood ee loo doortay aqalka hoose  ay 38 boqolkiiba yihiin haween, waxayna ka sareysaa qoondadii aheyd 30% ee haweenka u qorsheeyen madasha wadatashiga qaran.

Xildhiban Axmed Maxamed Jama ayaa ku guuleystay doorashii la qabtay arbacadii isagoo ugu baaqay muwaadiniinta dalka iney ka shaqeeyan kor u qaadida iyo hormarinta Soomaliya.

“Waxan ka codsanayaa Soomalida iney midooban. Waxan dooneynaa inaan noqono dad isku tashta sababtoo ah cidna waxba noogama qabaneyso arimaheena,” ayuu yiri.

Xildhiban Cisman Cilmi Boqorre ayaa doorashada maanta ku tilmaamay mid kala danbeyn ka muuqato kana duwan doorashadii kal hore oo uu ka mid ahaa dadkii fowdadaas ka badbaaday. Wuxuuna u mahadceliyay hey,adaha amniga sida wacan ay u sugeen amniga doorashada sanadkan.

“Hoolkan ayay aheyd meeshii aan ku ansaxinay sharciga dalka sanado dhaw ka hor, laakin waxan la kulnay weerar nagu qasbi rabay inaan ka cararno dalka. Dad badan baa la dhaawacay laakin maanta ilaah baa mahad leh waxaan heysanaa doorasho nabad ah oo cabsi la,aan ah,” ayuu yiri guushisa kadib.

Xildhiban Faadumo Ismaaciil Xussein oo heshay 47 cod doorashadii maanta ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay in qoondada haweenka meel fiican mareyso tasoo madashada wadatashiga qaran horey u ansixiyeen.

“Waan u mahadcelinaya dadka taageeray qoonda haweenka ee 30% haweenka waxay siineysaa matalaad fiican baarlamanka. Go,aankas aad buu ugu fiicna haweenka. Waxan rajeynaa inaan si firfircoon u matali doono dadkeyga waxna ku biirin doono hormarka dalka,” ayay tiri Fadumo.

Saciid Jaamac Cali oo ka tirsan gudiga madax banan ee hirgalinta doorashoyinka dadban ayaa amaanay hadalka Faadumo isagoo xusay muhiimada ay leedahay qoondada haweenka inkastoo la filayo natiijada doorashada dalka iney hoos ugu dhici doonto hadafkii qoondada haweenka ee ahaa 30%.

“Baarlamankii hore boqolkiiba 14 ayaa ahaa wakiilo haween ah, laakin hadda inkastoo howshu wali socoto waxaan heysanaa in ka badan boqolkiiba 20 haween ah. Doorashada haweenka waxay ka tarjumeysaa xiriirka fiican ee dhexyaala haweenka iyo  bulshada,” ayuu yiri Saciid.

Gobolada waqooyin Somaliland ayaa wali waxa u harsan 20 kursi oo ah doorashada aqalka hoose, sidoo kale waxan weli bilaaban 11-kii kursi ee  doorashada aqalka sare.