Beesha caalamka oo bogaadisay heshiiska looga gudbay caqabadaha ee lagu gaaray Jubbaland

28 Mar 2016

Beesha caalamka oo bogaadisay heshiiska looga gudbay caqabadaha ee lagu gaaray Jubbaland

Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Midowga Yurub (EU), Urur Goboleedka IGAD, Dowladda Maraykanka, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Sweden iyo Dowladda Talyaaniga ayaa soo dhoweeyay  heshiiska ballaaran ee lagu gaaray nabadda iyo dib-u-heshiisiinta dhexmartay dadyowga Jubbaland, heshiiskaas oo looga dhawaaqay xaflad lagu qabtay Kismaayo 25kii Maarso.  

Heshiiska ayaa wuxuu ku dhamaaday wadahadal dhexmaray hogaamiyeyaasha Jubbaland iyo waxgaradka Mareexaan. Heshiisku wuxuu wax ka qabanayaa arrimo la xiriira awood-qaybsiga wuxuuna xoojinayaa hanaanka maamul dhisidda ee Jubba. Wuxuu wadada u xaarayaa maamul loo wada dhanyahay oo matala dhamaan bulshada Jubbaland.

“Heshiiskan taariikhiga ah waa natiijo ka dhalatay geedi-socodka wadahadal ee Soomaali dhexmaray, kaas oo xoojin doona u midoobidda dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta al-Shabaab  ee (weli ku sugan) Jubbaland,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Waxaan ku bogaadinaynaa Madaxweyne Madobe geesinimadiisa iyo xal-raadintiisa lagu baadi goobayay heshiiskan muhiimka ah.” 

Saaxiibada caalamku waxay sidoo kale ku bogaadiyeen uguna hambalyeeyeen Dowladda Federaalka ah iyo dadka reer Jubbaland sida ay ugu heellanyihiin nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, u-heellanaantaas oo tusaale u ah Soomaaliya inteeda kale marka ay xal u raadinayaan khilaafaadka daba dheeraaday ee u dhexeeya bulshooyinkooda kala duwan iyo maamuladaba. Tani waxay asaas u tahay jiritaanka iyo guusha maamulda ka jira dalka oo dhan. 

Waxay sidoo kale uga mahad-naqeen IGAD la-shaqaynta ay sida dhow ula shaqaysay labada dhinac intii ay socdeen wadahadallada dib-u-heshiisiinta.

Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay sii amba qaadaan guushaan, iyagoo taageeraya hanaanka dib-u-heshiisiin ee (ka dhacaya) Soomaaliya inteeda kale. Waxay sidoo kale ku boorriyeen dhamaan dhinacyada qaybta ka ah heshiiska cusub ee lagusoo gabagabeeyay Jubbaland inay dhowraan ballan-qaadyada ay galeen iyagoo u danaynaya nabadda, amniga iyo horumarka.