Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Keating oo cambaareeyay qarixi is-miidaminta ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo iyo toogashadi ka dhacday Muqdisho

31 Mar 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Keating oo cambaareeyay qarixi is-miidaminta ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo iyo toogashadi ka dhacday Muqdisho

 

WAR-SAXAAFADEED 10/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarki is-miidaaminta ahaa ee manta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, weerarkaas oo lagu dilay todoba qofood oo ay ku jireen labo caruur ah. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dhacdadaas lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Puntland.

Weerarka ayaa dhacay maalmo uun kadib marki ciidamada amniga ee Puntland ay khasaare laxaad leh gaarsiiyeen dagaalyahannada al-Shabaab oo iyagu isku dayay inay u gudbaan deegaankaas.

“Al-Shabaab waxay mar kale muujiyeen waxashnimadooda, iyagoo weeraray dad rayid ah oo aan hubaysnayn,” ayuu yiri  Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Keating. “Waxaan la wadaagayaa dadka Soomaaliyeed cambaaraynta ay u jeedinayaan hab-dhaqankaan. Ma wiiqi doonto go’aanka adag ee mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamku ay uga go’antahay inay ka guulaystaan argagixisada naxariis laawayaasha ah”.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelada iyo asaxaabta dadki waxyeelladu soo gaartay.”

Ergeyga Gaarka ah wuxuu sidoo kale tacsi u diray qoysaska labadi macallin ee ajaanibta ahaa iyo afar arday oo dhiganayay dugsi sare kuwaa oo ku dhintay toogashadi loo adeegsaday gaariga ee ka dhacday xaafad kamid ah Muqdisho fiidnimadi 30ki Maarso. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda toogashada ilaa iyo hadda.

“Macallimiinti u dhalatay dalalka Turkiga iyo Azerbaijan ee ku dhintay toogashadi xalay waxay Soomaaliya u yimaadeen inay khibraddooda iyo aqoontooda la wadaagaan dadka da’da yar ee dalkan,” ayuu yiri. “Geeridoodu waxay musiibo ku tahay asaxaabtoodi iyo macallimiinta kale iyo weliba arday fara badan oo ku dayanayay waxqabadkooda.”