Beesha caalamka oo garowsatay magacaabista Aqalka Sare, kuna baaqday in dib u eegis degdeg ah lagu sameeyo magacaabista iyadoo la raacayo ballan-qaadyadii MHQ, gaar ahaan midda ku aaddan matalaadda haweenka

10 Oct 2016

Beesha caalamka oo garowsatay magacaabista Aqalka Sare, kuna baaqday in dib u eegis degdeg ah lagu sameeyo magacaabista iyadoo la raacayo ballan-qaadyadii MHQ, gaar ahaan midda ku aaddan matalaadda haweenka

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Itoobiya, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka waxay garowsadeen magacaabista xubnaha u tartamaya Aqalka Sare oo 8dii iyo 9kii Oktoobar ay soo kala magacaabeen golayaasha fulinta ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.

Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan mowqifka Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD), ee hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in loo hogaansamo xeerarka iyo nidaamyada geedi-socodka doorashada iyo ballan-qadyadii iyo go’aanadi ay hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed ka gaareen arrintaas.

Saaxiibada caalamku waxay soo dhoweeyeen labada kursi ee ay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida gaarka ah ugu qoondaysay haweenka, oo haween kaliya ay u tartamayaan. Waxay si xooggan u taageerayaan baaqii GFHDD oo ku baaqay in muddo 48 saacadood gudahooda ah dib u eegis lagu sameeyo liisaska xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee ay soo kala magacaabeen Galmudug, Jubbaland iyo Puntland, iyadoo loo marayo qaab-samayntii ay isku raacday Madasha Hogaanka Qaran. Waa in hawsha lagu qabtaa muddada 48ka saacadood ah ee kama dambaysta ah si goleyaasha baarlamaan ee dowlad goboleedyada federaalka ka midka ah ay awood ugu yeeshaan inay soo doortaan xubnaha Aqalka Sare iyadoo aan loo horseedin dib u dhac dambe oo ku yimaada jadwalka guud ee doorashada. 

Hal sanno oo wadahadalo adag ay socdeen kadib, dadka Soomaaliyeed waxay isku raaceen xeerar lagu maamulo geedi-socodkan doorashada, iyadoo yoolalka laga leeyahay mid ka mid ah uu yahay in la kordhiyo matalaadda iyo inuu noqdo mid loo wada dhanyahay. Tani waxay muhiim u tahay kalsoonida lagu qabo hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee ah in natiijooyinka la gaarayo ay noqdaan kuwo waafaqsan ballan-qaadyadii ay sameeyeen, oo ay ka midyahay ballan-qaadkii ku aaddanaa qoontada haweenka.