Culumada diinta ee Soomaaliya oo difaacay qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba

8 Oct 2016

Culumada diinta ee Soomaaliya oo difaacay qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba

Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa taageeray qoondada 30 boqolkiiba ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka, iyagoo sheegay in aysan diinta Islaamka diidanayn ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda.

Guddoomiyaha Majmaca, Sheekh Yuusuf Cali Caynte, ayaa sheegay in ragga iyo haweenka  ay yihiin kuwo dastuurka Soomaaliya hortiisa siman, midna kama sarreeyo kan kale Alle hortiis.

Isagoo ka hadlayay kulan ku saabsanaa doorka haweenka ee siyaasadda, oo lagu qabtay Hoteelka Jazeera ee Muqdisho, wadaadku wuxuu sheegay in siyaasaddu la mid tahay maaraynta, haweenkuna ay ku lug yeelan karaan si la mid ah ragga oo kale.

“Haweenku waxay maareeyaan maaliyadda, xafiisyada, dukaamada iyo bakhaarrada. Yaa kala wada caasimaddan Muqdisho? 80 boqolkiiba dadka dhaqaajiya caasimadda waa haween,” ayuu yiri Sheekh Caynte.

Wuxuu naqdiyay madaxda diinta Soomaaliyeed ee ka soo hor jeeda qoondada 30 boqolkiiba ee loogu talagalay matalaadda haweenka ee baarlamaanka, isagoo xusay in aysan ahayn arrintu mid diin ama faragelin shisheeye oo lagu hayo siyaasadda dalka.

“Islaamku kama hor istaagayo cidina xaqeeda. Cidina kuma dudsiin karto xaqaaga”, ayuu yiri Sheekh Caynte. “Marka ay timaaddo qoondada haweenka (matalaadda baarlamaanka), ha noqoto 30 am 20 boqolkiiba, Alle mawqif kama istaagin. Qur’aankana kama hadlin.”

Wuxuu sheegay in halganka ay haweenka ugu jiraan ka qaybgalka siyaasadda uu soo socday tan xilligii madax-bannaanida Soomaaliya ee 1960-kii, wuxuuna ka codsaday madaxda diinta in aanay abuurin kala qaybsanaan u dhaxaysa ayaga iyo haweenka.

Xubin ka tirsan Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliya, Maryan Taqal Xuseen, ayaa sheegtay in ururkeedu u ololeeyo sidii haween badan ay uga qaybgali lahaayeen siyaasadda, maxaa yeelay maqnaanshahooda wuxuu saamayn ku yeeshaa bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan ololaynaa anagoo koox haween ah si aan u meelmarinno xuquuqaha dhammaan dadka Soomaaliyeed, balse uma ololayno qabiilka,” ayay raacisay Maryan.

Waxay sheegtay in xaruntooda ay qayb ka tahay urur wayn oo ay ku midoobeen ururro haween ah, kaas oo u ololeeya sidii haween badan loogu dooran lahaa baarlamaanka marka la gaaro doorashooyinka dhacaya sanadkan.

Waxay sidoo kale sheegtay in haweenka loo dooran doono baarlamaanka la siin doono tababar ku saabsan sida loogu adeego bulshada Soomaaliyeed iyo sidoo kale sida loo taageero arrimaha haweenka.

Geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhowaan billowdo. Doorashooyinka kuraasta aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ayaa lagu wadaa in ay dhacaan 10-ka Oktoobar, halka u codaynta kuraasta aqalka ay dhici doonto muddada u dhaxayso 23-ka Oktoobar iyo 10-ka Nofeembar. Xubnaha baarlamaanka cusub ayaa markaas ka dib waxay u codayn doonaan musharraxiinta madaxweynenimo marka la gaaro 30-ka Nofeembar.