Beesha Caalamka oo kulan wadatashi ah oo ku aaddan geeddi socodka 2020 la yeelatay maamul-goboleedka Hirshabeelle

12 Dec 2019

Beesha Caalamka oo kulan wadatashi ah oo ku aaddan geeddi socodka 2020 la yeelatay maamul-goboleedka Hirshabeelle

Jowhar – Wefdi ka socda jaalalka caalamiga ah ee Somalia ayaa booqday magaalada Jowhar, caasimadda maamul-goboleedka Hirshabelle, taasoo qayb ka ah wada tashi laga yeelanayo geeddi socodyo muhim u ah dalka 2020.

“Jeer uu dhamaad ku dhow yahay sanadka 2019, waxaannu ka baaraan degaynaa horumarkii la sameeyay sanadkan, annagoo eegayna sanadka 2020 oo muhim u ah Somalia. Waxaan joognaa Hirshabelle si aannu ula hadalno saamileey kala duwan, aan u dhegeysanno aragtidooda, sida loo qabanayo howlaha muhimka ah ee 2020 – taasoo ay ku jirto diyaartinta doorasho ‘hal qof iyo hal cod ah’, dhamaystirka dastuurka Federaalka, sii wadista horumarka dayn cafinta iyo la dagaallanka Al-Shabaab,” ayuu yiri Ergayga QM ee Somalia, James Swan.

“Kahor sanadkan muhimka ah, wakiillada jaalalka badan ee Somalia ayaa la xaajoonaya maamullada qaranka, Maamul-goboleedyada, bulshada rayidka iyo odayaal dhaqameedyada,” ayuu daba dhigay.

Ergayga QM ayaa ku hadlayay magaca wufuudda beesha caalamka oo ka koobnaa: Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoonka Komishanka Midowga Afrika (AU), Simon Mulongo; Danjiraha Midowga Yurub (EU) ee Somalia, Nicolas Berlanga; iyo Diblomaasi sare oo ka socda IGAD, Jamal Ahmed Ibrahim.

Waxaa kulanka sidoo kale kasoo qayb galay wakiillo badan sida bulshada rayidka, dhallinyarada, oday dhaqameedyada iyo hoggaamiyeyaasha beelaha, waxay sidoo kale la kulmeen MW Hirshabelle, Mohamed Abdi Ware iyo saraakiil dowladda ka tirsan.

Iyadoo laga duulayo in ahdaafta 2020 lagu gaari karo iskaashi xooggan oo dhex mara dhamaan saamileeyda siyaasadda, waxay wefdigu ku dhiirri geliyeen ''dhamaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida, hay'adaha iyo bulshada inay ka wada hadlaan sidii horay loogu socon lahaa, oo ay iska kaashadaan muhiimaadka qaran ee sanadka 2020.”

Wefdiga ayaa sidoo kale ku celceliyay inay sidoo kale la kulmayaan wakiillada maamullada kale, si ay taa ugu taageeraan sidii ay Somalia uga jiba keeni lahayd muhiimaadka qaran ee loo muddeeyay 2020.