Saaxiibada beesha caalamka oo soo dhoweyay heshiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo ASWJ

13 Dec 2019

Saaxiibada beesha caalamka oo soo dhoweyay heshiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka ah iyo ASWJ

Muqdisho - Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya* waxay soo dhaweynayaan hadal qoraaleedyadii ay soo saareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Wal Jamaaca (ASWJ) 12kii Disembar.

Waxaan qaddarinaynaa dadaallada hagar la’aanta ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, hogaanka ASWJ iyo saamilayda kale ee hawshu khusayso ay ku bixinayaan sidii qodobbada la isku hayo loogu xallin lahaa wadahadal iyo isu-tanaasul.

Waxaan rumeysannahay in tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhismaha maamul loo dhan yahay oo xasilloon oo ka hirgala Galmudug, kaas oo lagama maarmaan u noqon doona sidii loo horumarin lahaa arrimaha qaran ee hortabinta u leh Soomaaliya sanadka 2020.

Waxaan ku dhiiri galinaynaa dhamaan dadka ay arrintu khusayso inay sii wadaan dadaalladooda, waxaana hoosta ka xariiqaynaa muhiimadda uu leeyahay hanaan loo wada dhan yahay oo ka turjumaya himilooyinka bulshada Galmudug, kaas oo horseedaya natiijo cadaalad ah, la isku halleyn karo oo daah-furan, ayna aqbali karaan dadka reer Galmudug.


*  Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Midowga Yurub, Ethiopia, Finland, Jarmalka, Talyaaniga, Urur-gobaleedka IGAD, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkiga, Ugandha, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareykanka.